Hub ka-dhigista TPLF oo si rasmi ah uga bilaabaneysa gobolka Tigray

Madaxweynaha Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta booqday Safaarada Soomaaliya ee Dalka Zambia, halkaasi oo ay kusoo dhoweysay Safiir Marwo Xaawo Xasan Maxamed iyo Masuuliyiinta kale ee Safaarada.

Madaxweynaha ayaa qeyb qeyb u booqday Dhismaha Safaarada, xafiisyada kala duwan iyo qeybta loogu talagalay deegaanka Safiirka oo ay dhismihiisa iska kaashanayaan Safaarada iyo Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Dalka Zambia.

Madaxweynaha Puntland, ayaa Safiirkeenna Zambia Marwo Xaawo Xasan Maxamed, uga mahadceliyay soo dhoweynta heerkeedu sareeyo iyo maamuuska, wuxuuna boggaadiyey shaqada Safaaradu u hayso muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku nool dalkaasi.

Waxaa Madaxweynaha ku weheliyay booqashada , Wasiiru Dowlaha Madaxtooyada Puntland Cabdifataax Maxamed Cabdi Nuur, Mudane Xildhibaan Cabdiqani Dhaashane oo ka tirsan Golaha Wakiillada Dowladda Puntland, Guddoomiyaha Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Dalka Zambia Mudane Maxamuud Maxamed Hiiraan iyo Saraakiil Madaxtooyo.

Leave A Reply

Your email address will not be published.