Xiisadda Ukraine: Doorka diyaardaha Turkiga ee dagaalka dhex qarxa Ukraine iyo Ruushka

Ka qeyb galka Dagaalka ee diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ayaa ah mid sii kordheysa oo muhiimad gaar ah u leh iskahorimaadyada adduunka oo dhan islamarkana arrintani ma aha mid ka maran xiisadda hadda u dhaxeeya Ruushka iyo Ukraine.

Diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Turkiga ayaa qayb weyn ka ciyaaray ciidamada Ukraine ay geysay xadka Ruushka, islamarkana waxaa ay horey door uga ciyaareen meelo badan oo colaado ay ka jireen

Halkan waxaan idinkugu soo gudbin doonaa waxyaabo badan oo ay tahay inaad ka ogaato awoodda diyaaradaha dronis-ka ee Turkiga.

Muxuu yahay doorka Turkiga ee xaaladda hadda taagan?

Turkiga ayaa qeyb ka ah gaashaanbuurta Nato waana dalka kaliya ee muslimka ah ee ka tirsan isbaheysiga militari ee wadamada reer galbeedka.

Waxa uu Turkiga leeyahay ciidanka labaad ee ugu ballaaran xulafada marka laga reebo Maraykanka oo ay la wadaagto tignoolajiyada milatariga xulafadeeda.

Arda Mevlutoglu, oo ah khabiir falanqeeye arrimaha gaashaandhiga di fadhigiisu yahay Turkiga ayaa yiri: “Xukuumadda Ankara waxay dhistay awood ballaran oo ah diyaaradaha ana duuliyaha lahayn 20-kii sano ee la soo dhaafay.

“Waxay si wax ku ool ah ugu adeegsanayeen diyaaradahooda aan duuliyaha lahayn hawlgallada amniga, gudaha Turkiga iyo meelaha ka baxsan xuduudaha, sida dagaalka looga soo horjeedo Kurdiyiinta, PKK, tan iyo bartamihii 1990-meeyadii

“Tiknoolajiyada Drone-ka ayaa la siiyay mudnaanta koowaad si loo horumariyo warshadaha difaaca dalka, marka la eego dhanka shaqada iyo awooda wax soo saarka, Turkigu wuxuu ku sugan yahay meel aan horay looga baran gobolka, marka laga reebo Israa’iil.”

Maxaan ka ognahay shirkadaha soo saara diyaaradaha Dronis-ka ee Turkiga?

Waxaa jira laba shirkadood oo waaweyn oo sameeya diyaaradaha aan duuliyaha lahayn (UAVs) gudaha Turkiga.

shirkadda Baykar ayaa soo saarta diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Bayraktar TB2 iyo Bayraktar Akinci.

Madaxa farsamada ee shirkadda Selçuk Bayraktar ayaa xiriir qoys oo dhow la leh madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan, maadaama uu soddog u yahay.

Shirkadda kale ee ugu weyn ee soo saarta waa urkish Aerospace Industries, oo smaeysa diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee TAI Anka iyo TAI Aksungur.

Soo saaraha kale ee ugu weyn waa Twhich builds TAI Anka oo soo saartay TAI Anka iyo TAI Aksungur drones.

Sida laga soo xigtay Arda Mevlutoglu, ciidamada qalabka sida ee Turkiga iyo hay’adaha kale ee ammaanka ayaa ku hawlgala in ka badan 150 ka mid ah diyaaradaha aan duuliyaha lahayn.

Maxuu yahay xiriirka militari iyo midka ganacsi ee u dhaxeeya Turkiga iyo Ukraine?

Tan iyo 2019, Turkigu waxa uu ka iibiyay Ukraine toboneeyo diyaaradood oo ah nooca aan duuliyaha lahayn ee Bayraktar TB2

Nooca diyaaradaha ana duuliyaha lahayn ee Bayraktar TB2

XIGASHADA SAWIRKA,GETTY IMAGES

Qoraalka sawirka,Nooca diyaaradaha ana duuliyaha lahayn ee Bayraktar TB2

Ukraine waxa ay doonaysaa in ay maalin uun ku biirto isbahaysiga Nato, waxana ay dagaal kula jirtaa fallaagada uu Ruushku taageero ee bariga dalkaasi.

Kiev ayaa sidoo kale isu diyaarinaysa duullaan dhanka dhulka ah oo ay soo qaadi karaan ciidamada Ruushka oo isku uruursanaya xuduudaheeda.

3-dii Febraayo, madaxweynaha Turkiga Erdogan ayaa booqday Ukraine si uu u saxiixo heshiis lagu kordhinayo ganacsiga diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee labada dal.

Wasiirka Difaaca ee Ukraine oo la hadlay wakaaladda wararka ee Reuters ayaa sheegay in heshiisku uu abuuray “Sharuud wanaagsan oo ah in shirkadaha soo saara Dronis-ka Turkiga ay warshadda Drones-ka ah uga dhistaan ​​gudaha Ukraine” si ay iyagu laftoodu u soo saaraan diyaaradaha aan duuliyaha lahayn.

Sidee ayuu Ruushka isha ugu hayaa hormaradan?

Bishii October ee la soo dhaafay, ciidamada Ukraine ayaa soo saaray muuqaal ay ku sheeganayaan inuu muujinayo diyaarad aan duuliye lahayn oo Turkigu sameeyay oo burburinaysa gantaal, D-30 howitzer ah, oo ay lahaayeen fallaagada uu Ruushka taageero.

Arrintan ayaa waxaa dhaleeceyay Ruushka, iyadoo Kremlin-ka uu uga digay Turkiga in diyaaradahooda aan duuliyaha lahayn ay halis gelinayaan “xasilloonida gobolka”.

Ankara ayaa sidoo kale isku dayaysa in ay dhexdhexaadiso Ruushka iyo Ukraine, balse waxa arrinta adkeysay iibinta diyaaradaha aan duuliyaha lahayn.

Xiriirka Turkiga iyo Ruushka ayaa ahaa mid murugsan, tan iyo markii uu qarxay dagaalka Suuriya.

Ankara iyo Moscow ayaa dano iska soo horjeeda ka leh Suuriya, laakiin labada dhinac ayaa sidoo kale sameeyay dhaqdhaqaaqyo lagu hagaajinayo iskaashiga.

Gantaalada difaaca hawada ee S-400 ayuu Turkiga ka soo iibsaday Ruushka, inkastoo ay Nato iyo Mareykanka dhaleeceyn xooggan kala kulmeen, haddana waxaa loo arkayay mid tusaale u ah xiriirka Erdogan iyo Ruushka.

Haddii uu dagaal ka dhex qarxo Ukraine iyo Ruushka Muxuu noqon doonaa doorka Dronis-ka Turkiga?

Si dhab ah uma cadda tirada diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Bayraktar TB2 ee ku sugan Ukraine.

Laakin Arda Mevlutoglu waxa uu leeyahay “Ukraine, TB2 waxay leedahay awood wax ku ool ah oo ka dhan ah maleeshiyada gooni-goosadka ah ee gobolka Donbas.”

Diyaaradan oo aan duuliye lahayn ayaa waxa ku rakiban kamarad casri ah oo Electro-optical ah, oo xoggaha waxa meesha ka dhacay soo uruuriya iyo waliba hub casri ah oo lagu bartilmaameedsan karo goobihii loogu talagalay.

Tilmaamahani waxay caawinayaan “in loo qoondeeyo bartilmaameedyada cutubyada saaxiibada ah iyo sidoo kale in lagu garaaco bambaanooyinkeeda la hagayo.”

Muuqaal ay baahiyeen ciidamada Ukarian oo adeegsanaya Dronis-ka

XIGASHADA SAWIRKA,FACEBOOK / UKRAINE ARMED FORCES

Qoraalka sawirka,Muuqaal ay baahiyeen ciidamada Ukarian oo adeegsanaya Dronis-ka

Dalalka haysta Dronis-ka Turkiga lagu farsameeyay?

Dalalka iibsanaya diyaaradaha ana duuliyaha lahayn ee Turkiga ayaa sii kordhayay muddooyiinkii u dambeeyay.

Xogaha dhanka dhoofinta diyaaradaha kuma jirto tirada rasmiga ah ee diyaaradaha ay Turkiga ka iibiyeen dalalka kale ee ay heshiisyada la galeen.

Balse in ka badan 15 dal ayaa la rumeysan yahya in ay dalbadeen diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Turkiga lagu farsameeyay.

Diyaarada Dronis-ka nooca Bayraktar TB2 ayaa si gaar ah dalabkeedu u sareeyay muddooyiinkii u dambeeyay.

Diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Dronis-ka Turkiga ayaa si wayn waxtarkoodu ugu soo caan baxay dagaalkii dhexmaray Armenia iyo Azerbaijan.

Azerbaijan waxaa ay guusha ku raacday adeegsiga diyaaradahan oo ay ku burburiyeen difaaca Armenia.

Qaaradda Afrika ayaa sidoo kale ka mid ah meelaha suuqa ugu badan ay ka heleen diyaaradaha ana duuliyaha lahayn ee Turkiga.

Dalalka Morocco, Algeria, Rwanda, Nigeria iyo Itoobiya ayaa dhamaantood muujiyay in ay daneynayaan dronis-ka Turkiga lagu farsameeyay.

Leave A Reply

Your email address will not be published.