Mahdi Guuleed oo raali-gelin siiyey Rooble iyo Beesha Habar-gidir (Daawo)

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaare ku xigeenka dalka Mahdi Maxamed Guuleed ayaa garab istaag xoog leh u muujiyey Ra’iisul Wasaare Rooble, kadib eedeyntii maanta ka soo yeertay siyaasiyiin iyo waxgarad ka soo jeeda gobollada waqooyi ee Somaliland.

Guddoomiye Cabdi Xaashi, Senator Cabdi Ismaaciil Samatar, Boqor Cusmaan Buurmadow iyo Xildhibaan Maareeye oo maanta shir jaraa’id ku qabtay hoyga Cabdi Xaashi uu Muqdisho ka degan yahay ayaa sheegay in Ra’iisul Wasaare Rooble iyo xubno beeshiisa ah ay boobayaan kuraasta baarlamaanka ee reer waqooyiga.

Hase yeeshee Mahdi Guuleed oo caawa hadlay ayaa sheegay in wixii maanta ka dhacay guriga Cabdi Xaashi aysan dhaqan Soomaaliyeed aheyn.

Waxa uu sheegay in hadalkii maanta uu gef-weyn ku ahaa Ra’iisul wasaaraha iyo xubnihii kale ee loo jeediyey, isagoo sheegay in beelaha Dir-waqooyi ay u mahad-banaan yihiin doorashada kuraastooda.

“Wixii maanta ka dhacay guriga Cabdi Xaashi dhaqan Soomaaliyeed ma aheyn Ra’iisul Wasaare Rooble iyo beeshiisa Habargidir waxaan ka raali gelinayaa gefkaas, waxaan leeyahay xaal qaata, Ra’iisul wasaarow raali ahaaw, beesha Habargidir-na hanaga raali noqoto,” ayuu yiri Mahdi Guuleed.

Sidoo kale Mahdi ayaa sheegay inay dhigi doonaan gogol ay ku xaal-mari doonaan beesha Ra’iisul Wasaaraha, “Dhaqanka aad ayaan u naqaan, wixii maantana dhaqan fiican ma aheyn,” ayuu yiri.

Leave A Reply

Your email address will not be published.