Farmaajo oo mugdi galiyay mustaqbalka Koofiya-cas

Sida aan hore u baahinnay Cabdicasiis Laftagareen iyo Cumar Finish, ayaa si buuxda kaga hor yimid qorshaha Ra’iisul Wasaaraha, halka Siciid Deni iyo Axmed Madoobe, ay taageereen, damaca Wasiirka 1-aad kula wareegayo amniga guud ee dalka.


MUQDISHO, Soomaaliya – Kadib afar maalin oo yooyootan ah, yabyab iyo yagleelidda ajandaha shirka ah, la-kulanka Mucaaradka, Beesha Calamka iyo Bulshada Rayidka ah, maanta oo Jimco ah, ayaa laga nastay shirka Golaha Wadatashiga Qaran, kaas oo Isniintii ka furmay Xaruntii hore ee ciidanka cirka (Afisyooni).

Sida ku cad Ajandaha Qabyo Qoraalka Shirka, Arbacadii na-weydaaratay ayuu qorshuhu ahaa in la soo af-meero shirka, hayeeshee, kala aragti duwanaanta madaxda miiska fadisa ayaa sabab u noqotay in wada-hadalladu sii socdaan xilli aan wali xal loo helin qodobbadii laga dooday.

Caawa ayay madaxdu shirka dib ugu laaban doonaan, waxaana halkiisa laga sii wadi doonaan gorfeynta qodobka la xariira amniga, kaas oo Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Xil-gaarsiinta, Rooble, uu doonaya in si guud uu masuul kaga noqdo.

Sida aan hore u baahinnay Cabdicasiis Laftagareen iyo Cumar Finish, ayaa si buuxda kaga hor yimid qorshaha Ra’iisul Wasaaraha, halka Siciid Deni iyo Axmed Madoobe, ay taageereen, damaca Wasiirka 1-aad Maxamed Xuseen Rooble.

Sida ay xoguhu caddeynayaan, kala qeybsanaantaas kadib, waxaa loo gudbay in la raadiyo xal kale, si looga fogaado in shirku burburo, waxaa miiska la soo saaray, dood ku aaddan la keeno xal ay Farmaajo iyo RW Rooble ku wada joogi karaan Madaxtooyada iyadoo uusan jirin tag-taag ciidan.

Qaar ka mid ah Madaxda Maamullada ayaa soo bandhigay in guud ahaan amniga Villa Soomaaliya, lagu wareejiyo ciidanka Sector One ee AMISOM, kuwaas oo qabilsan ilaalada Madxda DF iyo xarumaha muhiimka ah, isla-markaana Madaxtoyada dhexdeeda laga saaro askarta Soomaaliya ee Koofiya-cas loo yaqaan.

Qodobkaas, waxa ay dhinacyadu ka muujiyeen isku soo dhawansho, waxaana lagu ballamay in si gooni gooni la isaga sii arko, ka hor inta aan caawa dib la isugu soo laaban.

Dhanka kale, waxaa iyana caawa loo madal sanyahay ka doodidda xil ka qaadista qaar ka mid ah taliyayaasha Ciidanka oo uu ku jiro Gen. Odawaa Yuusuf Raage, kaas oo Ra’iisul Wasaaruhu ku eedeeyay inuu qeyb ka ahaa dhacdii 27-kii December.

Farmaajo, ayaan la ogeyn jawaabta uu ka bixin doono haddii qodobbadaan hirgal noqdaan, hayeeshee, dadka siyaasadda falanqeeyay ayaa sheegaya qodobka ugu weyn ee Farmaajo ka digtoonyahy uu yahay in Goluhu amniga guud ee dalka ku wareejoyo Rooble.

Khilaafka madaxda ayaa lagu macneyay dib-u-dhac, maadaama ku dhawaad 20 sano kadib Ciidanka Ilaalada Madaxtooyada, la doonayo in laga saaro gudaha Villa Soomaaliya, isla-markaana xaruntii ugu muhiimsaneyd dalka ay wali ku tiirsan tahay AMISOM amni ahaan.

Qubarada amniga ayaa hoggaanka ciidanka iyo Madaxweynihii hore Farmaajo, saaraya eedda ah in 2022, uu masuulka labaad ee ugu sarreeya dalka ka aamin baxo askarta ugu tababarka, tayada, aqoonta, iyo xuquuqaadka wanaagsan ciidanka Soomaaliyeed, maadaama ku milmeen siyaasadda.

KEYDMEDIA ONLINE  

Leave A Reply

Your email address will not be published.