Ra’iisul Wasaare Rooble ” Waa tallaabo baalmarsan dastuurka iyo shurciga dalka in madaxweynuhu Ciidan kula wareego Xafiiska Ra”iisulwasaaraha

Warka ka soo baxay madaxweynihii hore Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ee khuseeya shaqada Ra’iisul Wasaaraha iyo isku daygiisa in uu ciidan kula wareego xafiiska Ra’iisul Wasaaraha, “waa tallaabooyin baal marsan dastuurka iyo sharciyada dalka, mas’uuliyadda wixii ka dhashana waxaa qaadaya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo “ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha XFS

Ra’iisul Wasaaruhu wuxuu sidii caadiga ahayd u wataa shaqo maalmeedkiisii, waxaana ka go’an in uusan cidna uga heybeysan gudashada waajibaadkiisa Qaran, si uu dalka u gaarsiiyo doorasho horseedda in awoodda lagula kala wareego si nabad ah.

Leave A Reply

Your email address will not be published.