Dabuubtii Mustafe, farriinta Ducaale iyo Doodda Jamaal

Waxaa shalay caasimadda Jabuuti ee dalka Jabuuti ka furmay Shirka Madasha Aragti-Wadaagga Machadka Cilmi-baarista Heritage, shirkan ayaana ah kii 5-aad ee la qabto.

Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle oo ka mid ah martida lagu causumay ayaa furay shirka oo sanadkan looga hadayo xasilooni-darrada Geeska Afrika.

Shirka oo soconaya saddex maalmood ayaa martida kale ee ka qeyb galeysa waxaa ka mid ah Madaxweynaha Dowlad Deegaanka Soomaalida ee Itoobiya, Mustafa Muxumad Cumar, Jamal Xasan, wasiirka qorsheynta iyo iskaashiga caalamiga ee Soomaaliya, Ilyaas Musa Dawaleh oo ah wasiirka maaliyadda iyo dhaqaalaha ee Jabuuti, wasiirka arrimaha dibadda ee Jabuuti iyo Aadan Barre Ducaale, hoggaamiyihii hore ee aqlabiyadda barlamaanka ee Kenya, iyo marti-sharaf kale.

Inta uu socdo shirka ayaa waxaa sidoo kale lagu gofeyn doonaa doodo ku saabsan doorashada, amniga, iyo dhaqaalaha Soomaaliya.

HERITAGE

XIGASHADA SAWIRKA,HERITAGE

Qoraalka sawirka,Jamal Xasan, wasiirka qorsheynta iyo iskaashiga caalamiga ee Soomaaliya

Wasiirka arrimaha dibadda Jabuuti Maxamuud Cali Yusuf oo madasha ka hadlay ayaa sheegay in dhibaato walba oo dal ka taagan ay tahay mid gaar ah oo ku saleysan taariikhda iyo geeddi-socodka siyaasadeed ee dalkaas, “Kolkii la ogaado dhibaatada ka taagan dal kastaba, tan ugu horreysa ee gobolku uu ku dhaqaaqi karayo waa is garab taagga, is garab taaggaasi wejiyaal kala duwan ayuu leeyahay, wejiga ugu horreeya wuuxu ka soo muuqdaa ururkenna IGAD, ururkaas dhibaatooyin badan ayuu ku guuleystay inuu xalliyo, maantana rajadeennu waxay tahay in ururkaasi uu dib u qaato doorkiisa, uuna yiraahdo waan xallin karaa dhibaatooyinka ka jira dalalka gobolka,” ayuu yiri.

HERITAGE

XIGASHADA SAWIRKA,HERITAGE

Qoraalka sawirka,Madaxweynaha Dowlad Deegaanka Soomaalida ee Itoobiya, Mustafa Muxumad Cumar

Madaxweynaha Dowlad Deegaanka Soomaalida dalka Itoobiya Musatafa Muxumad Cumar oo ka hadlayay dagaallada ka socda Itoobiya, ayaa sheegay in dhibaatooyinka dhul ay sabab u yihiin dagaaladaas, “Waxaa aaminsanahay in TPLF saddex sano kahor laga farxashay, sababta ay haatan usoo xoogeysatay qof walba waa garan karaa,” ayuu yiri.

Wuxuu sheegay in waxyaabaha ugu badan ee Itoobiya la isku heysto aysan ahayn sida ay dadku u maleeyaan ee ah federaalka iyo dastuurka ee ay tahay kheyraadka, “Marka si qoto dheer loo eego waxaa la isku hayaa kheyraadka iyo yaa Dowladda Dhexe madax ka noqonaya, qowmiyadaha isku hayana waa laga dheregsan yahay,” ayuu yiri.

Mar uu ka hadlayay kaalinta ay Soomaalida Itoobiya kaga jirto dagaalka dalkaasi ka socda ayaa wuxuu yiri “Annagu waxaan kaga jirnaa dowladdaan ka tirsan nahay, wax walba oo dalka ka socda qeyb baan ka nahay, laakiin xilligan xaadirka ah waa arrin ammaan inaan deegaanka xasilinno oo aan ku filnaanno, waxaa jira ururro na mucaaradsan waana wax caadi ka ah siyaasadda,” ayuu yiri Mustafa.

“Natiijo walba oo ka soo baxda waxa ka dhacaya Itoobiya khatar kuma aha gobolka Soomaalida, xitaa kuwo naga saaraya meesha,” ayuu yiri.

Wuxuu ku baaqay in xallinta dhibaatooyinka laga qeyb geliyo dalalka ay quseyso, “Haddii la yiraahdo xal baan idiin wadnaa uun socon meyso,” ayuu yiri.

Qoraalka Codka,Daraasad lagasoo saaray ismari waaga siyaasadeed ee Soomaaliya.

Wasiirka qorsheynta iyo iskaashiga caalamiga ee Soomaaliya oo ka hadlayay xiriirka Jabuuti iyo Soomaaliya ayaa sheegay in labada dal ay walaalo yihiin “Adduunka carab iyo labo daan ayaa isugu dhow wayna is qaniinaan, wax kasta oo jira waxaa jira nidaam diblomaasi ah oo loo maro oo lagu wada xiriiro oo ay dowladuhu ku wada hadlaan, waa laga habboon yahay in warbaahinta iyo madashan oo kale la isku mariyo, xiriirka Soomaaliya iyo Jabuuti wuu sii xoogeysan doonaa iyo guud ahaan kan gobolka oo dhan,” ayuu yiri.

HERITAGE

XIGASHADA SAWIRKA,HERITAGE

Qoraalka sawirka,Aadan Barre Ducaale, hoggaamiyihii hore ee aqlabiyadda barlamaanka ee Kenya

Aadan Barre, hoggaamiyihii hore ee aqlabiyadda baarlamaanka Kenya oo ka jawaabayay su’aal la weydiiyay oo ku saabsaneyd soo celinta “Soomaaliweyn” iyo doorka Soomaalida gobolka Waqooyi-bari Kenya ayaa sheegay in gobolka keliya maahee ay Soomaaliya maanta joogto meel walba, “Itoobiya ayay ka talineysaa, Canada ayay ka talineysaa, meel kasta ayay ka talineysaa ee adiga maxaad noogu soo celineysaa shanta iyo Geeska Afrika,” ayuu yiri.

Dhanka kale mar uu ka hadlayay doorka ay Kenya ku leedahay nabadda Soomaaliya, ayaa wuxuu sheegay inuusan jirin dal ku yaalla gobolka oo sida ay Kenya u garab istaagtay Soomaaliya u garab istaagay, “Waxaan milyan jeer is weydiiyaa sababta loogu mashquulo ciidamada Kenya ee Soomaaliya jooga, iyadoo aan laga hadlin kuwa Jabuuti iyo kuwa Uganda oo waxay sameeyaan aan ognahay,” ayuu yiri.

“Gabadha Soomaalida ah ee Kongareeska noo fadhisa waxay soo martay Kenya, wasiirka Soomaaliga ah ee Canada wuxuu soo maray Kenya, gurigeenna labaad waa Kenya, marka Kenya u tartiibiya.” Ayuu yiri.

Shirka oo la soo gabagabeyn doono maalinta berri ah ayaa waxaa lagu wadaa inuu soo xiro Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Maxamed Xuseen Rooble.

Leave A Reply

Your email address will not be published.