Habar-Gidir: Hoggaan la’aanta ayaa Hog-gaan ku ridday

Hoggaanka wanaagsan, wuxuu dadkiisa, degaankiisa iyo dalkiisaba, u horseedaa guulo u riyaaqid iyo reyn-reyn leh, hayeeshee, la’aanta hoggaan hanad ah oo umadda haga, waxa ay bulshada ku hoggaamisaa haadaan-ka-dhac iyo haddimooyin lagu hafto, waana midda maanta heysata heybtii, halyeey-yda ku caanka ahayd ee Habargidir oo hud-hudyo iyo hanafyo aan halna ogayn ay horjooga-yaal u yihiin.

Arar iyo afeef la’aan, ayaan horraanba gudaha u galeyna qoraalkaan, oo aan kaga hadleyno, han-jabka ku dhacay Habargidir, iyo howlgalladii lagu hungoobay ee labadii bilood ee la soo dhaafay ka socday Koofurta Gobolka Mudug, waxaan soo bandhigi doonnaa weydiimo ay tahay in ay aqristayaashu ka warceliyaan, inagoo si mug iyo miisaan leh u lafa-guri doonna guud ahaan xaaladaha shiddada ee hoggaan la’aantu sababtay.

Kooxda u jeedkeeda ugu weyn uu yahay aar-goosi siyaasadeed iyo mid qabiil, ee fadhigeedu yahay Madaxtooyada Soomaaliya, Fahad iyo Farmaajana hoggaanka u hayaan, ayaa billawgii bishii Febaraayo 2020, Madaxweynaha Galmudug ka dhigtay Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor), kaas oo ah ummi aan waxba baran, aqoon, oqool iyo ogaal horana aan lahayn.

U jeedka Farmaajo, wuxuu ahaa inuu afduubo hoggaanka degaankaas, kabo-qaad iyo koofi-sar aan aragti siyaaasadeed lahaynna uu u dhiibo majaraha Galmudug, si uu u fuliyo danahiisa gurracan oo ay ugu horreeyaan; hanjabinta Habargidir, oo beesha dhexe ka ah Maamulka, ku shaqeeya Dhuusamareeb.

Farmaajo oo kaashanaya Fahad Yaasiin, oo ah aabaha Argagixsada Soomaaliya, ayaa qorsheeyay, inuu awooda Al-Shabaab, u adeegsado gobollada Galgaduud iyo Mudug, waxaana qeybtii 1aad ee qorshahaas hirgaliyay Ra’iisul Wasaarihii hore Xasan Cali Kheyre, oo ku guuleystay inuu meesha ka saaro Culumadii Ahlu-sunna Waljamaacah, oo muddo ka badan 10 sano dagaal aan garab lagu siin kula jiray Argagixisada.

Inkastoo aan Culamuda, cilmi siyaasadeed iyo adeegyo hormarin lagu baran, waajibna ay ahayd in ay bulshada ka hor wareegaan, hadana, xaq uma aysan lahayn in jabkooda ay ku wiirsadaan Al-Shabaab magac dowladeed wata, daciifnimo iyo dadnimo-xumo ayayna ku ahayd reer Dhuusamareeb, in tusbaxyadoodii ay muuqaallo isaga soo duubaan wiilal ka yimid Bay iyo Bakool.

Wixii ka danbeeyay xilligaaas oo ku beegneyd billaabashadii 2020, waxaa faraha ka baxay amnigii degaanka, waxaana kala go’ay isku socodka magaalooyinka waaweyn, Al-Shabaab-kii ugu badnaa ayaana la isgu geeyay Galgaduud iyo Mudug, si loo dhameeyo dadka indhaha u ah bulshada, inta kalana loogu handado awood argagaxiso oo ay gadaal ka riixeyso Villa Soomaaliya.

18 Disembar 2020, waxaa Gaalkacyo lagu dilay Taliyihii qeybta 21-aad ee milatariga xoogga Soomaaliya, AUN, Janaraal Cabdicasiis Cabdullaahi (Qooje Dagaari), oo ka soo jeeday beesha (SACAD) iyo masuuliyiin kale, Janaraal, Qooje, wuxuu xilligaas ku howllanaa, sidii degaannada looga dul-qaadi lahaa dhibaatada amni darro ee ku dul-habsatay.

Xilkaas, laga dilay Qooje, waxaa loo dhiibay nin ka soo jeeda beesha Mareexan oo dhulka ay Galmudug ka degaan aan Al-Shabaab waligiis ka talin, khatar amnina ku hayn, waxaase looga gol-lahaa ka hor-tagga dagaal dadka degaanku la galaan Argagixisada, sida muuqatana qorshahaas wuxuu noqday mid hirgalay.

Al-Shabaab, waxa ay la wareegeen degaanno badan oo dhaca bariga iyo Koofurta gobolka Mudug. 27 June 2021, ayay weerar xooggan ku qaadeen, degaanka Wisil, halkaas oo ay ku xasuuqeen dad shacab u badan. Tallaabadaas waxaa ka dhalatay caro dadweyne, waxanaa la go’aamiyay in Mudug laga xoreeyo Al-Shabaab, hayeeshee, hoggaan la’aanta Habargidir iyo ka fiirsi la’aanta ayaa sababtay in lagu dhaco dabin Fahad iyo Farmaajo mar kale dhigeen.

Waxaa Muqdisho laga diray Taliyaha Ciidanka Lugta, (Janaraal Biixi), oo Mareexaan ah, si uu u cuuryaamiyo dadaallada dadka degaanku isaga kicinayaan cadowga ku dul habsaday, isagoo iska dhigaya daacad dagaal diyaar u ah, hayeeshee, qorshaha loo soo dhiibay uu yahay inuu maalka iyo moodka Habargidir ku dhameeyo dagaal aan wax natiijo ah ka soo bixi doonin.

Ku dhawaad labo bilood oo dagaallo kharaar ka holcayeen Mudug, boqollaad dhalinyaro ahana ku nafwaayeen, ku dhawaad 20 gaari oo kuwa dagaalka ahna lagu waayay, Biixi, wuxuu amar ku bixiyay in dib looga soo baxo degaannadii la xoreeyay, wuxuuna diyaarad u soo raacay Muqdisho.

Biixi, wuxuu ahaa Janaraalkii hogaaminayay Ciidankii bishii April dhiigga u daadiyay, si ay Farmaajo, kursiga ugu sii hayaan, wuxuuna hore uga qeyb qaatay dagaallo sokeeye oo ka dhan ahaa beesha Hawiye, siduu hadda ku hoggaamin karaa, dagaal lagu xoreynayo degaanno Habargidir?. IS-WEYDII!!

Biixi Saanad ciidan iyo gadiid dagaal iyo askar dagaallanta midna ma geyn Mudug, ee kalgiis ayaa socday, waxaana la xasuustaa in diyaarado iyo dabbaabaad ciid maalin kasta isago iyo Kooxda Madaxtooyaa joogta u daabuli jireen Gedo oo 11 sano ka hor ah xoreeyay Al-Shabaab.

Maanta, wixii dhici lahaa waa dhaceen, waxaana bannaanka yimid daminkii qoolnaa ee dad badan muddada ka digayeen, hoggaan-xumo iyo maamul la’aan ayaa muuqata, qorshe-xumo iyo qiiradii beenta ahaydna waa lagu hunguubay, ee maxaa xal ah, mase la joogaa xilligii la is weydiin lahaa su’aalaha hoose?

  • Sidee Habargidir ku ogolaatay in nin aan waligiis wax baran, kabo-qaadna u ah Farmaajo uu ku fariisto kursiga Madaxweynaha Galmudug?
  • Sidee Habargidir ku ogolaatay, in nin Mareexaan u dhashay loo dhiibo xilka taliyaha qeybta 21-aad, maadaama taliskaas looga fadhiyo in uu xoreeyo degaannada ay Al-Shabaab ka joogaan Galmudug, oo ah dhul Hawiye?
  • Sidee Habargidir ku ogolaatay, in dagaalka gobolka Mudug uu hoggaan u noqdo Janaraal Biixi, oo Mareexan u dhashay, isla-markaana lagu yaqaan dagaal soo jireen ah oo uu waligiis kula jiray Habargidir?
  • Sidee Cabdi Qeydiid, Axmed M. Fiqi iyo Saadaq Joon, ku fahmi waayeen in u jeedku yahay in iyaga la khaariyo, dhallinyarada la socdana la dhameeyo.
  • Ma waxaa la waayay Janaraal u dhashay Habargidir oo hoggaamiya howlgalka dareenka shacaka ku yimid ee bilihii la soo dhaafay ka socday Mudug?
  • Ma kuu caddahay, in Farmaajo iyo Biixi oo iskaashanaya uu u hirgalay qorshahoodii ahaa in ay maalka iyo moodka Habargidir ku baabi’iyaan dagaalka, si dadkaas qabka u saaxiibka ah loo han-jabsho?

Marka laga yimaado Qoorqoor, beeshaan waa in ay arrimahaan wax ka weydiiso, Golaha Hoggaaminta Beesha Habargidir (GHHG), oo bishii Sebtembar 2019, Lixdan iyo sideed xubnood oo Borofesoor Cabdiqaadir Maxamed Shirwac hoggaaminayo loo wakiishay aaya ka talinta Habargidir.

GUULEED FAARAX – KEYDMEDIA ONLIN

Leave A Reply

Your email address will not be published.