Soomaaliya waxay gashay Xaaladdii ugu xumeyd abid

Sida ku qoran taariikhda dalka Soomaaliya, weli lama arag xaalad lamida tan dalka uu maanta ku jiro, waxayna u muuqataa tii ugu xumeyd ee abid soo marta taariikhda dadka iyo dalka Soomaaliyeed, Wariyaha Keydmedia Online ee Muqdisho ayaa isku soo koobay musiibooyinka dalka ku habsaday.

Soomaaliya waxay gashay Xaaladdii ugu xumeyd abid

MUQDISHO, Soomaaliya – Inta laga war qabo Soomaaliya taariikhdeeda intaan oo dhibaato mar ay is biirsadeen oo dalka oo dhan uu galay xaalad sidan oo kale u cakiran marna ma jirto, dad badan oo falanqeeya arrimaha Soomaaliya waxay tilmaameen in xaaladda maanta lagu jiro oo kale uusan dalku soo marin marnaba.

Dalka oo dhan waxaa laga dareemay oo ku habsaday musiibooyinkan hoos ku xusan:

1. Abaaro:

Dalku wuxuu galay xaalad adag oo abaaro ah, deegaano badan oo Soomaaliya ka mida dad ayaa loogu dhimanayaa cunno iyo biyo la’aan! iyadoo ay abaaraha sanadakani ugu wacan yihiin roobabkii sanadkan oo yaraaday, deegaano badan aysan kaba di’in wax roob ah, halka goobaha qaarna ay yaraadeen, waxaana laga soo sheegayaa xaalad bani’aadanimo tii ugu xumeed meelaha qaar.

2. Colaado:

Qeybo kamida deegaanada Soomaaliya gaar ahaan dhul ka mida Galmudug iyo Hirshabeelle waxaa lagu soo warramayaa in ay ka jiraan xaalad colaado kuwaasoo ay is hor fadhiyaan maleeshiyo beeleedyo isku haysta dhul daaqsimeed, xilligan oo kalena waaba ugu sii daran yihiin oo daaqa iyo waraabkuba ku yar yihiin deegaanada, qolo kastana waxay u guuraan halka ay is leeyihiin wey dhaanta meesha aad joogtaan.

3. Cudurro:

Dalka Soomaaliya iyo guud ahaan adduunka oo dhan waxaa ka dillaacay caabuq saf-mar ah kaasoo loogu magac daray COVID-19, waxaa udhintay dad fara badan oo Soomaaliya ku sugan, dadka da’da ah ayaa ugu daran kuwa u dhimanaya xanuunkan oo markiisii labaad kusoo laba-kacleeyay Soomaaliya guud ahaan.

Soomaaliya waxaa COVID-19 u dhintay ku dhawaad 500 mudo hal sano ah, iyadoo ay jiraan kiisas badan oo dhimasho ah oo dowladda aan diiwaangelin. Maashinada neefta ayaan lahayn Isbitaallada dalka oo dhan oo saameeyay burburkii dalka, iyadoo taasi keentay inay badato geerida dadka uu soo rito xanuunka.

Howlwadeena Caafimaadka iyo xabaal-qodayaasha ku sugan Muqdisho, ayaa sheegay inay diiwaangeliyeen dhimasho aan horay loo arag oo maalmihii ugu dambeeyay kadib markii dalka uu kusoo labakacleeyay Covid-19 bishii lasoo dhaafay.

Wasaaradda Caafimaadka ayaa dabooli waysay baahida daawo iyo mida qalab, ee Martiini, oo ah halka Isbitaal ee la dhigo dadka uu soo rito Covid-19, waxaan inta lagu shaqeynayay ay ka yimaadeen ganacsato iyo dad is-xilqaamay oo deeqo gaarsiiyay iyo dhaqaatiir si mutadawacnimo u shaqeynaya.

Waxaan la ogeyn halka ay ku baxdo miisaaniyadd Wasaaradda la siiyo ee loogu tala-galay la dagaalanka Covid-19, waxaana sii ibaxay in lacagta dano gaar ah loo isticmaalay iyadoo taasi loo xiray dhowr sarkaal.

4. Amni-darri:

Degaanno badan oo Soomaaliya kamida waxaa sii kordhaya dhibaatada amni darro ee ka jirta, deegaano badan oo kamida kuwa ay abaaruhu saameeyeen waxaa uga sii daran amni-darro, iyadoo ay go’doomiyeen kooxda Al-Shabaab oo dagaal kula jirta dadka iyo dowladda Soomaaliyeed, waxayna baadkii iyo biyihii u diideen degmooyin ka tirsan gobollada Dowlad goboleedyada Koonfur Galbeed iyo Jubbaland, waxayna go’doomiyeen tuulooyin ay dad badan oo dan yar ahi ku nool yihiin.

Magaalada Muqdish waxay wajahaysa xaalad amni xumo, waxaa sii kordhaya ciidamo ku hubeysan hubka noocyadiisa kala duwan kuwaasoo xaafadaha magaalada Muqdisho gudaheeda dadka shacabka ah kaga qaadanaya mobile -lada iyo alaabaha qaaliga ah ee ay wataan.

Sidoo kale waxaa amni darrida ka jirta gudaha magaalada Muqdisho ay kusii baahaysaa xarumaha dowladda, ciidamo dhar-cad ah ayaa lasoo dhoobay agagaarka madaxtooyada Soomaaliya toddobaadkii hore iyadoo aan la ogeyn ujeedada ciidamadaasi, walow qaar kamida xildhibaanada dowladda federaalka ay ku eedeeyeen in ciidamadaasi oo sidii maleeshiyaad u labisan lagu soo daayay agagaarka madaxtooyada uu amray taliya aboodda badan ee Fahad Yaasiin.

5. Anyax:

Waxaa deegaannada koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya cagta soo mariyay Anyax fara badan kaasoo dhammaan dhirtii cagaarneed ee gobollada dhexe iyo koonfurta Soomaaliyeedba xaalufiyay, wuxuu u dhacay beero ay tacbadeen dad biyo ceel wax ku beertay oo ka tirsan deegaano Galmudug ka tirsan, dhammaan dalagyadii sanadkan waxaa xaalufiyay Anyax fara badan.

6. Muran-siyaasadeed:

Intaas oo dhibaato is biirsaday waxaa uga sii daran muran siyaasadeedka xilligan ku soo aaday, iyadoo dalku uu doorasho gali lahaa xilligan, ayaa weli la isku mari la’yahay arrimaha doorashooyinka, waxaana loo kala jabay laba dhinac, qolo dowladda Taabacsan oo dooneysa in doorasho ku shubasho ah ay dhacdo, iyo qolyo is biirsaday oo kasoo hor jeeda kushubashada doorashada.

Muran-siyaasadeedka maanta ka taagan arrimaha doorashooyinka oo gaaray heerkii ugu sarreeyay waxaa kusoo baxay oo dhinacyada is haya ku kala dhex jira Wakiilada Beesha Caalamka, iyadoo loo soo jeediyay in ay xalliyaan arrimaha la isku hayo ee la xiriira doorashooyinka, ku dhawaad muddo bil ah waxaa garoonka diyaaradaha ku sugan wufuud ka kala socota dowlad goboleedyada kuwaasoo lagu amray in aysan ka bixin Muqdisho ilaa laga gaarayo heshiis.

Sidoo kale madaxweynaha waqtigiisu dhammaaday oo ku faro-adeegaya inuu maamusho doorashooyinka dalka ayaan weli muujin wax tanaasul ah, waxa uuna ciidamo hor leh kusii wadaa halkii la isku hay ee muranka xooggani uu ka taagnaa ee gobolka Gedo.

Beesha Caalamka oo iyadu kuu kala dhex jirta qolyaha is haya ee muran siyaasadeedku udhaxeeyo waxay xoogga saartay sidii ay gacan uga geysan lahaayeen arrimaha cakiran ee doorashooyinka, waxayna shir looga hadlayo arrimaha doorashooyinka isugu yeereen madaxda dowladda dhexe, kuwa dowlad goboleedyada iyo gobolka Benaadir.

Beesha Caalamku waxay hilmaantay wax ka qabashada iyo taageerada dhinaca bani-aadanimada ay ubaahan yihiin malaayiin Soomaaliyeed oo ku nool dhulka ay abaartu ka dillaacday iyo dhulka ay xoogga ku haystaan kooxda Al-Shabaab.

Xaaladda maanta ay ku jirto Soomaaliya waa tii ugu xumeyd abid taariikhda inta la ogyahay oo ay isugu darsameen intaan oo mashaakil ah, dowladdii u qeyla-dhaamin lahaydna muddo xileedkii oo ka dhammaady awgeed ayey madaxdu u xusul-duubayaan sidii ay kusoo laaban lahaayeen, halka kuwa kasoo hor jeedana ay xoogga saareen sidii ay uga ridan lahaayeen!

KEYDMEDIA ONLINE

Leave A Reply

Your email address will not be published.