Wasiir Dube “Waxana rajeynaynaa in Madaxda ka maqan shirka ee aan saakay imaanin inay ka soo qeyb gali doonaan berri..”

Muqdisho:-Wasiirka Wasaaradda Warfaafin, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Cusmaan Abuukar Dubbe, oo Shir jaraa’id warbaahinta kula hadlay ayaa ka warbixiyey kulankii furitaanka u ahaa Shirka Qaran ee dhammeystirka arrimaha Doorashooyinka ee u dhaxeeya dowladda Federaalka iyo dowlad goboleedyadda oo saaka ka furmay xarunta Afisiyooni.

Wasiir Dubbe, ayaa sheegay in dhamman xubnihii lagu casuumay shirka ay ka soo qeyb galeen marka laga reebo Madaxweynayaasha Jubbaland iyo Puntland, diyaarna ay u ahaayeen dhameystirka heshiisyaddii 17-kii Sabteembar iyo 16-kii Febraayo ee guddigii Farsamadu ay soo diyaariyeen.

Wasiirka Warfaafinta Cusmaan Abuukar Dubbe, ayaa tilmaamay in maanta shirku uu ku furmay horudhac iyo bar-bilaw wanaagsan, ” waxaa looga hadlayey in marka hore la is qalbi xaaro oo la wadda hadlo si loogu daadago ujeedada shirka iyo ajendayaasha Kale” ayuu yiri Cusmaan Dubbe.

“Shirku waa uu sii soconaya, waxana rajeynaynaa in Madaxda ka maqan shirka ee aan saaka imaanin inay ka soo qeyb gali doonaan berri, si shirku u sii socdo dalkuna doorasho u aado” ayuu warbaahinta u sheegay Cusmaan Abuukar Dubbe wasiirka warfaafinta ee XFS.

Leave A Reply

Your email address will not be published.