Raysal Wasaare Rooble oo markale ku celiyay inuu diyaar u yahay wadahadalada Midowga Musharaxiinta

Axad, Maarso, 07, 2021  – Afhayeenka Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Ibraahim Macalimuu ayaa sheegay in Raysal wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble uu diyaar u yahay sii waddida dadaallada wadahadallada u dhaxeyay isaga iyo Midowga Musharaxiinta Madaxweynaha Soomaaliya.

Maclimuu ayaa soo dhigay bartiisa Facebook qoraal uu ku sheegayay in Raysal wasaare Rooble uu mar waliba diyaar u yahay sii waddida wadahadaladii uu la laha Midowga Musharaxiinta si guud iyo si gaar gaar ahba , si loo gaaro heshiis waxtar leh.

“Raysal wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Fedaraalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble waxa uu markasta diyaar u yahay sii waddida wadahadalladii uu la lahaa Musharaxiinta Madaxtinimada Soomaaliya si guud iyo si gaar gaar ahba, si loo gaaro hishiis iyo is afgarad, dalkuna uu doorasho u aado” ayuu yiri Macalimuu.

Khamiistii lasoo dhaafay ayay aheyd markii uu burburay heshiis aay horey u wada gaareen Raysal wasaare Rooble iyo Midowga Musharaxiinta, kaasoo ahaa in la qabto banaanbax aay ku baaqeen Musharaxiinta, inkastoo uu qabsoomi waayay bananaabaxii.

Gabagabadii waxaa xusid mudan in Midowga Musharaxiinta aay ku eedeeyeen burburka heshiiskii aay wada gaareen iyaga iyo Xukuumadda Soomaaliya inuu sabab u ahaa madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

s/ Hiiraan Online

Leave A Reply

Your email address will not be published.