Kumuu ahaa Jeneraal Maxamed Nuur Galaal?

Generaal Maxamed Nuur Galaal, waxaa uu ku dhashay meel u dhaw magaalada Ceelbuur ee gobolka Galagduud, wuxuuna waxbarashadiisa asaasiga ah kusoo qaatay magaalada Muqdisho.

Markii uu dhameeyay waxbarashada sanadkii 1957-dii waxaa uu ku biiray booliska Soomaaliya, waxaana uu kusoo tababartay kuleejkii Ferari xilligii nidaamka daakhiliyada. Waxaa uu ka hawlgeli jiray saldhigii booliska ee la oran jray Oriantalle ee gobolka Banaadir, halkaas oo ay kasoo wada shaqeeyeen Maxamed Siyaad Barre, waxaana lagu qaatay laba Alifle.

Sida uu sheegay Dr Maxamed Cali Kamoole oo ay soo wada shaqeeyeen Jeneraal Galaal, kana mid ahaa hawlwadeenadii dowladii hore ee milateriga,markii la asaasay milateriga Soomaaliya 1960-kii, Jeneraal Galaal, waxaa uu ku biiray ciidanka, wuxuuna ka mid ahaa saraakiishii ugu horreysay ee 1960-kii loo qaaday dalka Talyaaniga, wuxuu dalka dib ugu soo laabtay dagaalkii Soomaaliya iyo Itoobiya ee 1964.

Isla sanadkaas wuxuu ka mid noqday saraakiil loo qaaday dalka Ruushka, si ay ugu soo tababartaan, waxaana lagu qaatay darajada xidigle.

Galaal waxaa uu ka mid ahaa saraakiishii ugu muddada dheeraa ee kusoo tababartay dalka Ruushka oo waxaa uu dalkaas ku maqnaa muddo 5 sano ah. Waxaa la sheegaa in khibraddiisa ugu badan ay ahayd sirdoonka dhanka milateriga.

.

Intii uu joogay dalka Ruushka, wuxuu wax ku bartay akademiyadda Fur’uns, wuxuuna bartay taaktikada dagaalka, hawlgelinta ciidamada, dagaalka dhuumaaleysiga iyo basaasnimada.

Waxaa uu kasoo shaqeeyay magaalooyin badan oo ay kamid yihiin Baydhabo oo uu joogay markii uu inqilaabka dhacay iyo Beledweyne oo uu markii dambe kasoo shaqeeyay.

Maxamed Xaaji Ingiriis oo wax ka qoray taariikhda Galaal, wuxuu sheegay in uu kasoo qeyb qaatay dagaaladii sanadihii 1964 iyo 1977 ay Soomaaliya la gashay Itoobiya. Dagaalkii 1977 kadib waxaa la sheegaa in uu ku biiray siyaasadda, waxaana mar uu soo noqday wasiir ku xigeenkii gaashaandhigga oo uu ahaa intii u dhaxeysay 1977-dii ilaa iyo 1980-kii.

Wuxuu kaloo soo noqday wasiirkii hawlaha guud intii u dhaxeysay 1980-1982. Sidoo kale dhanka baarlamaanka waxaa uu ka soo qabtay xilal kala duwan oo ay ka mid yihiin xoghayihii baarlamaanka, xoghayihii guud ee golihii barlamaanka iyo guddoomiyaha guddiga siyaasadda. Markii uu dalka burburayay, Jeneraalka waxaa uu ahaa xildhibaan ka tirsan baarlamaankii xilligaas jiray.

Maxamed Xaaji Ingiriis ayaa sidoo kale sheegay in Jeneraal Galaal uu kamid ahaa raggii fara kutiriska ahaa ee aqoonta durugsan u lahaa arrimaha ciidamada, waxaa uuna magac ku yeeshay dagaalkii 1977 oo sababta arrintaas loo aaneeyo tababarkii uu kasoo qaatay dalka Ruushka.

Leave A Reply

Your email address will not be published.