MAXAA DHICI KARA MARKA LA GAARO O8/02/2021

Guddoomiyaha Aqalka Hoose Mr. Mursal, iyo r/wasaare ku-xigeenka Mr. Mahdi Guuleed ayaa labadooduba ka sheegeen shirka madasha Heritage in labada aqal ee baarlamaanka, iyo madaxwaynay talada dalka sii hayn doonaan wixii ka dambeeya 8da Februay 2021, iyagoo aan sheegin muddo cayiman ee muddo xileedka  madaxwaynaha iyo baarlamaanka ay ku dhammaanayaan.

Waxaa labada mas’uul ay kaga dhawaaqeen hadalo lala yaabay masrax Soomaali siyaasiintooda iyo murashixiinta badankood ay fadhiyeen madasha shirka Heritage ee magaalada Garoowe, waana go’aan looga soo dhiibay Villa Soomaaliya.

Labada mas’uul waxaa kaloo hadaladooda laga dha-dhasan karay in aysan diyaar u ahayn in xukuumaddu ay hirgeliso doorasho dhex-dhexaad laga wada yahay, isla-oggol ah ee lagu wada kalsoonaan karo in ay qabtaan.

Maadaama aysan jirin quwado kale (third alternative forces) ee ka hor imaan kara boobka la rabo in lagu haysto talada dalka iyo  kaligitalisnimo qayaxan (dictatorship in the making), waxaa iska cad in dalku geli doono qalalaaso badan ee aan la sadaalin karin meesha ay ku dambayn doonto.

Waxaa kaloo nasiib darro ah in murashixiinta badankoodna ay u kala dhuumanayaan Villa Soomaaliya iyagoo qaarkood lagu seexinaayo lacago xad-dhaaf ah iyo ballan-qaadyo aan la hubin sida ay u fulayaan.

Marka la gaaro muddo xileedka Madaxwaynaha ee ku eg 08/02/2021, ma dhici kartaa in xoogag kale ee qarsoon (third alternative forces) in ay soo baxaan maadaama murashixiinta iyo siyaasiinta kale lagu kadsoomay, dalkuna uu galayo khal-khal siyaasadeed iyo mid amni ?

Siyaasiin iyo mas’uuliyiin badan ayaa wali ka fikirin khatarta ay yeelan karto markii ay lunto sharciyadda hay’adaha dowladda, dalkuna ku dhaco firaaq awoodeed (power vaccum) waxa soo bixi kara iyo isku dhex-yaaca dalku gelaayo.

Waxaa la soo warinayaa in Mr. Swan, ergayga gaarka ah ee Qaramada Midoobay (SRSG) uu bilaabay in uu madaxda qaranka iyo maamul-goboleedyada iskugu keeno shir, middaas oo u qaab eg waqti lumis ay u muuqato in lagu raadinayo muddo kororsi loo suubinaayo hay’adaha dowladda.

Xal kasta iyo dib-u-hishisiin kasta ee loo qabto dhinacyada ku muransan doorashada waa in aysan noqon mid keenta waqti lumis iyo in uu jiitamo waqti aan la saadaalin karin, waana damaca ay ku haminayaan Villa Soomaaliya.

Xalka ugu habboon aragtidayda waa:

 

  1. Waa in beesha caalamka ay ku dhawaaqdo in sharciyada hay’adaha dowladda sida baarlamaanka uu ku ekaa 27/12/2020, muddo xileedka madaxwaynahana uu dhammaanayo marka la gaaro 08/02/2021 sida ku xusan qodobada 60 iyo 91 ee dastuurka kmg ah ee dalka.

 

  1. Waa in beesha caalamka ay taageerada dhaqaale iyo midka aqoonsiga madaxtinimo kala noqotò madaxda sharciyadda hoggaamineed ka dhammaatay una aqoonsadaan in ay yihiin madax hore.

 

  1. Madaxda Villa Soomaaliya waa in ay oggolaadaan in sharciyadii hoggaamineed ay ka dhammaatay, kana qayb  qaataan in la dhiso hay’ad fulineed ee ku-meel-gaar ah (National executive committee ad-hoc) ee gaarsiiya dalka doorasho waqtigeeda cayiman yahay muddo ilaa lix (6) bilood ah, sida wadamo badan ka dhacday ee nidaamka baarlamaaniga ah (parliamentary system)-ka ku dhaqma.

 

  1. Waa in dhinacyada is-hayaa ay yaqiinsadaan in 12 maalmood ay ka hartay muddo xileedka madaxwaynaha, islamarkaasna aysan muuqan in la gaari karo wax wada hadal hishiis doorasho lagu wada yahay, ilaa Madaxwayne Farmaajo uu noqdo murashax caadi ah booskana uu baneeyo.

 

  1. Maamulada dalka ka jira iyo dhammaan daneeyayaasha siyaasadda (all political stakeholders) waa in ay ka qayb-qaataan sidii doorasho deg-deg ah u qaban lahaayeen, iyagoo la kaashanaaya guddiga cusub ee fulinta si doorasho xor iyo xalaal ah u dhacdo.

 

  1. In baarlamaanka jooga muddo sanad ah loogu daro, doortaan guddoon cusub iyo madaxwayne, soona magacaabo r/wasaare hortabintiisa (priority) koowaad tahay sidii mudadaas doorasho wada-oggol ah loo qaban lahaa.

 

  1. Dalka doorasho kama dhici karto inta MW Farmaajo iyo kooxdiisa ay nufuud ku leeyihiin arrimaha doorashada ama ay dalka maamulaayaan, waa in la helo wadiiqo kale ee sharciga iyo dastuurka xambaarsan ee looga mamnuucaayo in ay doorashada ka qayb-galaan.

 

  1. Qodobada aan kor ku soo sheegay mid walbaa wuxuu leeyahay (advantages/disadvantages) loo baahan yahay in si qoto dheer looga faalooda, maadaama dalku gelaayo khal-khal siyaasadeed iyo mid amni.

 

Wa billaahi towfiiq,

Jawaabtu waa xagiina.

Avv. Khalif M Duale

 

 

Leave A Reply

Your email address will not be published.