Madaxwaynaha Turkiga oo shaaciyay in dalkiisa laga helay gaas dabiici ah

Muqdisho-KNN-Markab kuwa qoda shidaalka oo uu turkigu leeyahay, ayaa shaaca ka qaaday in gaaska dabiiciga ah laga helay Badda Madow.

Madaweyneha Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa weriyaasha u sheegay in markabka Fatih oo ah kuwa shidaalka baara, uu Badda howlgal ka waday tan iyo bishii July.

Madaxweynaha ayaa sheegay, in shidaalka la helay uu caddaddiisu gaarayo 11.3 tirilliyan oo fuusto oo gaaska dabiiciga ah.

Madaxweynaha ayaa siddoo kale sheegay in gaaskan uu yahay kii ugu badnaa ee laga helo dalka Turkiga.

Haddii Turkiga uu soo saaro gaas loo iib geyn karo caalamka, waxaa hoos u dhacaya ku tiirsanaantii tamarta loo dhoofiyo dalkiisa.

Madaxweyne Erdogan ayaa sheegay in la dhameys tiray dhammaan shaqadii baaritaanada ee gaaska.

Waxa uu intaasi ku daray in ay qeybtani tahay il dhaqaale oo weyn oo ku so koradhay Turkiga.

Sidoo kale waxa uu sheegay in haddii uu Alle yiraahdo ay soo socdaan ilo kale oo dhaqaale.

Isha:BBC

Leave A Reply

Your email address will not be published.