Wadooyin Cusub oo loaga dhisay magaaladda Gaalkacyo

Gaalkacyo ayaa laga dareemayaa hormar balaaran waxana hormarka kamid ah wadooyin cusub oo magaalada loo dhisay kuwaasi oo ka qeyb qaatay dhismaha magaalada.

Gaalkacyo qeybta Galmudug ayaa wadooyinka loo dhisay waxa ay baraan bartamaha magaalada Waxayna ka qeyb qaateen quruxda magaalada kuwaasi oo wali dhismahooda ay wali socdaan.

Dhanka kale waxaa booqday goobaha dhismaha ka socdaan Maamulkada Degmada Gaalkacyo iyo wasiiro ka tirsan Galmudug kuwaasi oo bogaadiyay hormarkaasi.

      

Leave A Reply

Your email address will not be published.