Wasaaradda Ganacsiga XFS oo soo xirtay wajiga labaad ee mashruuca Horumarinta Ganacsiga+Sawirro

Agaasimaha guud ee Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha JFS Mudane Cabdicasiis Ibraahim Aadan, ayaa soo xidhay wejiga labaad ee mashruuca horumarinta ganacsatada Koonfurta iyo Badhtamaha Soomaaliya oo socday muddo Afar toddobaad ah.

Kulanka xidhitaanka oo lagu qabtay qeybtiisa Muqdisho, ayaa ka qabsoontay xarunta rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Jamhuuriyadda federalka Soomaaliya  waxaana ganacsatada loogu tobabarayey dhinacyada maamulka iyo maareynta ganacsiga iyo sidoo kale  barnaamijyo la talin ah oo la siinaayey ganacsatada si loo kobciyo heerkooda ganacsi dalka.

Mashruucan, waxa iska kaashaday wasaaradda ganacsiga iyo wershadaha dowladda federaalka Somaaliya, Rugta ganacsiga iyo wershadaha Soomaaliyeed, iyo hay’adda UNIDO oo taageero ka helaysay hay’adda dhinaca horumarinta iyo iskaashiga u qaabilsan Talyaaniga.

Leave A Reply

Your email address will not be published.