DAAWO:Madaxweynaha Galmudug Axmed Qoorqoor oo soo gaaray Muqdisho

 

 

MUQDISHO(P-TIMES)- Madaxweynaha maamulka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor ayaa si diiran loogu soo dhoweeyey magaalada Muqdisho ee caasimada dalka.

Soo dhoweynta madaxweyne Qoor Qoor ayaa waxaa ka qayb galay madax ka tirsan maamulka gobolka Banaadir, siyaasiyiin, xildhibaano iyo xubno ka tirsan dowladda Soomaaliya.

Mr. Qoor Qoor oo kasoo kicitimay magaalada Dhuusamareeb ee caasimada Galmudug ayaa door wacan ka qaatay isku keenida dowladda iyo dowladd goboleedyada oo khilaaf xoogani uu ka dhaxeeyey halka loo badinayo in uu noqdo Ra’iisal wasaaraha dalka kadib markii xilka laga qaaday Xasan Cali Khayre.

Axmed Cabdi Kaariye ahaa shakhsi isku wada kara mucaaradka dowladda iyo muxaafidka, waxaana jira xubno kale oo kursiga kula tartamaya halka ay jiraan warar sheegaya in shakhsi uu wato uu gaysan doono kursiga labaad ee dalka ugu sareeya.

Leave A Reply

Your email address will not be published.