Warbixin kaganacsiga Digaaga suuqa degmada Xuddur oo soo badanaya iyo dadka iibiya oo dalbaday in suuq u gaar ah lagu saacido

Ganacsigu waxa uu ubaahanyahay xirfad iyo dulqaad si aad wax uga soo saarto halkaan waa xaruun lagu iibiyo Digaaga laga keeno xaafadaha magaalada iyo deegaanada kale ee hoosyimaada degmada Xuddur, aad ayaa lookeenaa suuqa loona iibsadaa hase ahaatee dadka dhaqda oo suuqa u iibkeena digaaga iyo ukunta waxa ay kacabanayaan suuq la’aan, halkii digaag suuqa waxa lagu kala siistaa 125 oo shillinka soomaaliga ah una dhiganta $5, qaar kood waxay ka keenaan masaafo xudur u jirta 20km.

Sida suuqyada kale ee xoolaha nool lagu iibiyo malahan dalaal ukala gada dadka baadiyaha ka keena iyo kuwa ka iibsada laakiin waxa jira kuwo ku gaadleeya oo intay iibsadaan hadana dib u iibiya oo nolol maalmeedka qoyskooda ka raadiya.

Xaawo Aadan Mayayow waxay ka mid tahay dadka subax walbo usoo shaqo taga suuqa digaaga lagu iibiyo oo nolol maalmeedna karaadiya ka ganacsiga digaaga, xaawo waxay ii sheegtay in ay mudo ku jirtay ganacsiga suuqaan, digaagado badan oo horey u iibsatayna u joogaan meelo kale ee loo iib geeyana aysan jirin laakiin qorshaynayso in gobolada kale ee dalka u iibgeyso, halkii digaagna ay ka raadiso 5, oo sh. so. ganacsigaana uu yahay midka ugu liita ee nolol laga raadiyo waa sida ay aaminsan tahay.

Ma ahan suuq loogu talagalay in digaagadaha lagu iibiyo haseyeshee waa goob iskabanaan oo lagu iibiyo qoryaha dabka lagu shito, geedaha guryaha lagu dhiso iyo ariga saylada xoolaha laga sooceliyo oo dib loogu gado, qofkasta waxa uu gacanta ku haystaa ama geed ku xirtay xariga digaaga luguhiisa ugu xiran si uusan uga fakan, suuqa waxa uu furan yahay ilaa gelinka dambe mar hadii salaada casar laga soo baxo way kala tagayaan maadaama dadka ugu badan ee digaagadaha u iibkeena suuqa ay ka imaadaan baadiyaha.

       

Leave A Reply

Your email address will not be published.