Dowlada Federaalka Gaadiid iyo agab kale ku wareejisay Galmudug

Wasaarada beeraha Xukuumada federaalka Soomaaliya ayaa maanta gaadiid nuuca loo yaqaan Cabdi Bilaha , Matooro iyo agab kale ku wareejisay Wasaarada beeraha dowlad goboleedka Galmudug.

Wasiirka Beeraha Dowladda Faderaalka Soomaaliya  Saciid Xuseen Ciid ayaa maanta shan gaari iyo agab kale waxa uu ku wareejiyay Wasiirka Beeraha Galmudug Axmed Nuur Xaaji Cismaan.

Gaadiidkan lagu wareejiyay wasaarada Beeraha Galmudug ayaa loogu tala galay in loo adeegsado wax ka qabashada ayaxa ku habsaday beeraha iyo dhul daaqsimeyda kuyaala Deegaanada Galmudug.

Lama oga in gaadiidkan iyo agabka kale ee maanta lagu wareejiyay Dowlad goboleedka Galmudug loo adeegsan doono mashruucan loogu tala galay iyo in kale, waxaana horey gaadiid iyo agabyo kale oo maamulkaasi lagu wareejiyay gacanta u galeen shaqsiyaad.

  

Allbanaadir.com

Leave A Reply

Your email address will not be published.