Gobolka Hunan-China: Dawlad heer gobal, ka dad, dhaqaale iyo hurumar badan dalal Afrika

Beijing-(SONNA)-Abaaro 9:00-kii subaxnimo Arbaco ah kuna beegnayd 26-ka June ayaan ka ambabaxnay xarun tareen oo ku taalo galbeedka magaalada Beijing, caasimada dalkan Shiinaha, si koox wariye-yaal 33- dal Africa ka socda iyo xubno kamida xarumaha martida u nahay, aan uga qayb-galno shir Dhaqaalaha Africa iyo Shiinaha ah oo ka dhacayey magaalada Changsha, caasimada gobal bartamaha koofurta dalkan dhaca.

Waxa aan u raacnay tareen nooca dheereya(High Speed Train) oo jaraya sacadii 300-8, waxana la ii sheegay in magaalada noo jirtay 1,600 KM, 6 saacadoodna ay qaadaneyso inan gaarno, halka diyaaradna laba saac ay qaadato, sidaas ayaa dhacday oo waxa aan tagnay 3:00 galabnimo, aniga oo wax daal ah dareemin.

Laga bilaabay xarunta tareen ilaa magaalada waxaa i hareeyey layaab, fikir, is-bar-bardhig arrimaha qaar iyo qanaaca la xiriirta sida marti ahaan naloo qaabilayey, oo aan gartay inaan ugaga mahad-celin taa kaliya, balse uga mahadceliyo kuna bogaadiyo sida dawlada Shiinaha uga sahashay dadkeeda adeega dadweyne oo gaadiidka lagu safro kamid yahay.

Xarunta tareen waxa ay ka weyn tahay, kana casri san tahay technology-ahaan iyo adeeg ahaan dhan walba dhawr garoon diyaaradeed oo ku yaala dalal qaarada aan ka imid ku yaala kuwaa oo xambaarsan sifada ‘International’, tan xigta qabow iyo kuleel, cunto iyo cabitaan ah oo weliba fadhigaaga lagugu keenaya ayaad helaysaa inta uu tareen ka socda, tareen lee ma socda ee waxaa socda ganacsi kale oo la naadinayo.

Rakaabka Maxay sameynayaan ?

Rakaabka waa inteena yar Africanka ah iyo Shiinees, waxa loo qayb-samay kuwa hurda, qaar wax daawanaya, kuwa chatting ku jira, kuwa buugag akhrisanaya, kuwo computer u shidan oo wax ku qoraya ama wax ka daawanaya, Wariyeyaasheena waxa noo gaar ahayd social-media-yaha galbeedka sida Facebook iyo Youtube,kaas oo laftiisa si aan u isticmaalno dariiq kale u soo mareyno, aniga laba salaadood duhur iyo casir baan is raacsaday, waxan dhagaysanay ‘Xadiith maqal ahaa oo mobile-ka iigu jiray, waxana in dhaha marinayey Facebook, waxa Soomaaliya looga hadal  hayn badan yahay, waxana si dhaw ula socday inta joogsi(Stop) oo uu tareenka samaynayey, waxa kale oo la yaab ila ahayd in 1,600 KM aan ku arkin meel baadiya oo duur aan cidi ku noolayn ah, balse waxan arkay in meel walba uu mashruuc horumarineed ka socdo, ama beero si casri ah loo beerayo yihiin iyadoo dhulka buuraleyda ahina uu tareenka dhex dusayo fogaansho kasto hayeeshii oo aan laga wareegaynin.

Magaalada Changsha, xarunta gobalka Hunan maxa ka socday ?

Guddi qaabil sanaa soo dhaweynteena ayaa nagu qaabilay xarunta tareenka magaalada oo isna wax kale ahaa, waxana ay na dejiyeen Hotel 5-Star ahaa oo la yiraahdo ‘Vaya International Hotel’ waxana nalagu war-galiyey in war-bixin(Briefing) nalagu siinayo dabaqa 3-aad, 30-daqiiqo kadib.

Maxay noo sheegayeen mas’uuliyiinta heerka gobal, ee dawladda Hunan?

Waxaa nala hadashay madaxda dawladda heer gobal ee Hunan oo dawladda dhexe ee dalka Madaxa u saaran, ixtiraam, wada-shaqayn, is-ogol, uur-fiyoobi kala dhaxaysa iyada oo loolanka uu yahay kaliya horumarinta dhaqaalaha gobal ahaan marka loo eego gobalada kale ee dalka iyo doorkiisa, iyo xiriirka uu la leeyahay dunida inteeda kale si gaar ah Africa, iyo waxa ay is dhaafsadaan.

Kursiga aan ku fadhiya waxaa saaran buugaag ku qoran luuqada Shiinesska iyo Ingiriis oo is turjumaya, waxa ku qoran jadwalkeena shaqo, aqoon kororsi(Seminars), ka qayb-galkeena shirka ‘First China-Africa Economic and Trade Expo’ oo dhacayey June 27-29, magac-yadeena dalalka iyo hay’adaha warbahineed ee aan u shaqayno iyo talefanadeeda, dadka nala shaqayn doona, cimilada maalmaha aan joogno iyo buugaag sawir fiican ka bixinaya maalada Changsha oo markii uga horeysay marti-gelinaysa shirka, taariikhdeeda dhan walba leh, wax soo saar, inta warshado ka jira oo boqolaal bilyan  oo lacagta Shiinaha maamula.

“Gobalkan Hunan wuxuu dhul ahaan ka weyn yahay dalka Uganda, wuxuuna ka dhaqaale badan yahay kan Koofur Africa(Dalka uga dhaqaalaha iyo hurumarka fiican Africa), Waxaa gobalkan ku nool 70 milyan. Gobalkan waxa ku dhashay, ku koray, waxna ku bartay kanoo soo jeeda Mao Zedong, madax-weynihii uga horeeyey ahna aasa-sihii Jumhuriyada Shiinaha cusub ee dhalatay 1949-kii”,Jiang Zuxuan oo madaxda dawladda Hunan kamida ayaa noo sheegay.

Wuxuu sheegay in shirka ay marti-galinayaan uu ka mid yahay hindise  8-aad ahaa oo madaxweynaha dalka Shiinaha Xi Jinping ka iclaamiyey shirka iskashiga Shiinaha iyo Africa(FOCAC) ee ka dhacay Beijing, September 2018. Waxa kale oo ay ka sheekayeen xiriirka Africa kala dhaxeeya iyo gurmad caafimaad oo ay u fidiyeen dalalka Galbeedka Africa dhaca oo xanuunka Ebola ka jiray, una direen kooxo shaqaale caafimaad.

“ Masaafada ma kala goyn karto saaxibada runta ah ee wadaagaya halka qalbi, Shiinaha oo 1.4 bilyan dad ah iyo Africa oo ah 1.2 bilyan oo dad ah, gacmaha ayey iska haystaan, waxa ay wadaagayaan mas’uuliyad, ixtiraam iyo wax wada qabsi ku dhisan guul labada dhinac ah”, waa waxa aan ka akhrinaya buug , ayna madaxda hortayda fadhida  sheegayaan.

Waxaa naloo sheegay in aan ka cashayno dabaqa 1-aad abaaro 6-dii maqribnimo, 7:30 fiidnimo aan ka qayb-galeyno daawashada barnaamij soo dhaweyn ah oo aniga iyo madaxda Africa iyo ka qayb-galayaan ku dhaw 20’000 oo ay ku jiraan dadka martida u nahay inta u saamaxda kaliya daawaneysa dab-shid(fireworks), oo webiga weyn ee magaalada mara dhiniciisa kale lagu sameynayo mucjisada dabshidka ah iyadoo technology-yada la adeegsanayo, halka aan anagana joogno dhinace kale ee webigaas. Waxan qiraya in fursadaas aanay helin dhawrka milyan ee magaalada ku noolayd ee jeclaa in dhoola-tuskaas nala daawadaan kuwaa oo ciidamada amaanka wadada ku celinayey waayo waxa ka qayb-galaya qof haysto warqad martiqaad, ama mid agaasin. Dhawaqii uga cuslaa ayaa dhagahayga ku dhacaya balse waa mid aan ogaal u hayo, wuxuu sameynayaa midabada qurux sameeyo nooc walbo uu yahay oo iftiimayo, gabar Namibiya ka socota wafdi ka socda dawladeeda la jirta, ayaa dhinacayga bidix fadhida waxa ay la yaaban tahay waxa socda, waxa ay mar kale ah iska soo goysay oo i weydiisay sida ay Shiinaha waxan ku sameynayaan balse si kooban oo fahamkayga la xiriirta ayaan uga jawaab celiyey, iyadana ay ku qanacday jawaabtaas.

Shirkii dhaqaalaha Africa iyo Shiinaha baa furmay, Somaliya maxay la tagtay ?

Shirka waxa uu furmay subax khamiis ah, 27-ka June, waxana ka qayb-galay wafood balaaran oo ka socda 53 dawladood ee Africa, hay’adda Qaramada midooba u qaabilsan hurumarinta warshadaha, tan cunada WFP, Ururka Ganacsiga Adduunka(WTO), Ururka midowga Africa, iyo ururo kale oo caalami ah, waxa sidoo kale ka qayb-galay 31 gobal iyo dawladaha hoose ee Shiinaha iyo shirkado ganacsi ayaa iska diiwaan geliyey in ay ka qayb-qaataan bandhiga carwo.

1,500 oo marti ajnabi ah, 5,000 martida gudaha ah iyo 3,500 dadka waddanka, iyo ajnabi bandhiga sameynaya, kuwa wax iib-sanaya, iyo xirfadley kale ayaa ka qayb ahaa, waxana ay noo sheegeen in dadka bandhiga carwo ka qayb-galayo ay ka badnaan doonaan 10’000 ruux.

Wariye-yaasha shirka ka qayb-galayo waxa la iigu sheegay 582 oo 100 ay ajnabi tahay, waana tiro yar marko loo eego shirarkii aan magaalada caasimada Beijing uga qayb-geli jiray oo tirada gaareysay ku dhawaad 5’000., waxaana intaa dheer ardada jaamacadaha si volunteer ah u caawinayo dadka qayb-galayaa, waxa aan la kulmay 630 kamida oo iyaga luuqada Ingiriiska garanaya, waxaa iyaga laftooda na dhex-martay sheeko doorkooda ka qayb-gal,balse shirka aan ka hadlo. Waxa furay madaxda dawladda Hunan iyo Ra’isul wasaare xigeenka Shiinaha, Hu Chunhua oo warqad hambalyo ah oo uu uga siday Madaxweyne Xi Jinping madaxda Africa ee ka qayb-galaysa shirka uga akhriyey furitaanka xaflada.

Wafdiga uga badan waxa ay ka socdeen dalka Uganda oo la ii sheegay in ku dhawaad 100 qof ay ka joogeen, waayo waxa ka qayb-galayey Madax-weyne Yuweri Musafane, isaga kaliya ayaa heer madax-weyne uga qayb-galay, mas’uulka  kale ee igu sareeya waxa uu ahaa ra’isul wasaare xigeenka Soomaaliyga, Mahdi Maxamed Guleed.

Musafane waxa uu aad uga hadlay sida Shiinaha uu u garab istaagay qaarada Africa, laga soo bilaabo halgankii xuriyo-doonka ilaa maanta, oo uu xusay in ay wax tareen mooyee, aan dhib u gaystay sida galbeedka, in ay gumeysteen ka sokow ay weli fara-gelin ku hayaan.

“ Iyada oo aan suuq-weyn yeelan Africa iyo Shiinaha, Barwaaqo suura-gal ma aha”, Musafane ayaa sidaa ka yiri munasabada, wuxuuna bogaadiyey xiriirka ganacsi iyo midka wax wada qabsi ee Shiinaha iyo Africa.

Ra’isul wasaare Xigeenka Soomaaliya waxa uu ka jeediyey khud qiimo badan oo ka hadlaysay quruxda iyo hodantinimada dalkeena leeyahay, isaga oo uga baaqay Shiinaha in uu maal-gashto.

“Soomaaliya waxa ay noqon kartaa hogaanka wax-soosaarka beeraha, kalluumaysiga, xoolaha, dalxiiska, iyo kheyraad kale oo ay kamid tahay macdanta. Soomaaliya waxa ay hormuud ugu tahay qaarada dhanka lacagta mobile-ka. Soomaaliya waa dhaqaale furan, waxana ay leedahay midaam maamul iyo mid sharci oo xoogan”, Mudane Guuled ayaa sida yiri.

Maalintii xigtay oo ay June 28 ahayd, waxa aan laba saacadood ku qaatay halka uu ka socday ‘Bandhiga Carwo’ ee 53- da dal ee Africa iyo Shiinaha oo loogu magac daray ‘Mango Expo’, Waxa ay ahayd maalin aan dareemay kulayl ebed kii iigu darnaa ee nolashayda la kulmo. Waxan intaas ku dareemay kaliya inta u dhaxaysa ‘Bandhiga Carwo’ iyo baska banaan igu sugayey, mawjad kuleyl ah oo jiho kasta ka imaanaya, waxa ayna ahayd darsi kale oo aan ka soo qaatay magaaladaas imtiraamka u saaxiibka ah.

Waxan booqday dhamaan carwooyinka Africa iyo Shiinaha, balse carwada waddankayga waxa aan booqday 3-jeer isla labadaas saac gudahood, mar walbana waxbaan kala kulmayey. Waxa ka daarnaa heeso waddani ah, sidoo kale waxaa laga daawanayey kheyraadka aan qaniga ku nahay, taariikh, juqrafi ahaan iyo dadkeenaba cadadkiisa, waxaa dheerayd in sawiro qurxoon lagu soo bandhigay sida kheyraadka badeena ku jira oo dhan iyo kan beeraha sida muuska. Waxa kale oo aan ku soo arkay 5-dhalo oo laba kamida ay ku jireen sisinta iyo galayda nooca daangada aan u isticmaalno, balse lama kulmin wiilal iyo gabdho Soomaali ah oo shaqada la xiriirta bandhigaas ka hayo meesha, laakiin waxan mar dambe ku arkay laba nin oo ganacsade Soomaali ah oo ii sheegay in gobal Shiinaha degan yihiin, meesshana ay ku soo leexdeen kaliya, balse aan u xilsaarnayn suuq-geynta bandhiga Soomaaliya, waxa xusid mudan in shaqo fiican ay hayeen oo dadka ay qancinayeen, siinayeen macluumaad iyo jawaabo ku saabsan su’aalaha laga weydiiyo bandhigeena.

Djibouti waxa ay ku soo bandhigeen adeeg la xiriira dekadaha iyo mashariic horumarineed oo hoteelo iyo ganancsiyo isuga jira oo laga fulinayo Djibouti. Wiil iyo gabar ayaa iigu waramay carwadaasi.

Balse dalalka ee Africa waxaa ay ka sinaayeen ‘Shaaha, iyo Kafeega’, qamriga, malab, geedo la qoray oo duur-joogtooda ah, alaabta hiddiha u leeyihiin wax la cuno iyo wax la xirtaba leh iyo kheyraadkooda sida Maleyga(kalluunka) laga soo saaray webi ama harooyin sida Uganda.

Waxaa intaas dheerayd ciyaaro, waxaana carwo kasta jooga rag iyo dumar mudada 3-beri ah, halka Shiinaha technology-yad casri ah oo dhan kasta leh ku soo bandhigay carwada intii ay socotay.

Waxaa sidoo kale ii suura-gashay inaan booqdo ‘Shaosha’, halka uu ku dhashay madaxweynhii hore ee Shiinaha Mao Zedong, ku bar-baaray waxna ku bartay oo hadda ah meel loo dalxiis tago, Xarun Cilmi baaris ku samaysa ‘Bariis- hayprid rice’ oo caan ku ah gobalkaas iyo warshad soo saarta mashiinada culus ee lagu fuliyo dhismaha mashaariicyada horumarineed oo dhan, waxaa la yiraahdaa ‘SANY’, waxaa aan booqday maalin ka dib markii ay Wafdiga Soomaaliya ka socday ee uu hogaaminayey Ra’isul wasaaare xigeenka tageen sida mas’uuliyiinta ay ii sheegeen.

Gunaanud

Waxan ku xasuusan doonaa dadka gobalkaas in aysan ahayn dad kala daadsan balse ay yihiin dad mida, abaabulan,(Organized), wakhtiga macna u leh kana faa’ideysta, dawlad heer gobal ah ixtiraam iyo wadashaqayn buuxda kala dhaxeysa dawlada dhexe, ku fiican marti-soorka. Waxan ku qaatay shan beri oo dhacdooyinka Soomaaliya ka dhacayey aan ka oodnaa mashquul awgiis, laakiin Changsha, caasimada gobalka Hunana waa magaalo tusaalo badan oo dalal badan ku dayan karaan leh. Waxa uu gobalkan ahaa gobalkii 3-aad ee dalkan Shiinaha oo aan booqdo.

 

W/Q: Maxamed Cismaan Cabdi ‘Black Cobra’

Leave A Reply

Your email address will not be published.