Madaxweynaha Galmudug oo xariga ka jaray Dugsiga Hoose/Dhexe iyo Sare Ducaale Kaahiye ee Hobyo

Madaxweynaha Dowladda Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye ayaa xariga ka jaray dugsiga hoose/dhexe iyo sare ee Ducaale Kaahiye oo laga hirgaliyey magaalada Hobyo.

Madaxweynaha ayaa waxaa xafladda ku wehliyay qaar ka mid ah golaha wasiirada Galmudug gaar ahaanna Wasiirka Waxbarashada, Hidaha iyo Tacliinta Sare

Dugsiga cusub ee Ducaale Kaahiye oo ay dhiseen Jaaliyadda reer Galmudug ayaa waxaa ka fiideysan doona bulshada reer Hobyo.

Dhinaca kale madaxweynaha ayaa indha indheyn ku maray qeybo ka mid ah degmada Hobyo iyo xaruumaha qadiimiga ee magaalada caanka ku tahay.

     

Leave A Reply

Your email address will not be published.