Madaxweyne Qoor Qoor oo kisii wajahaya xerada tababarka ciidanka Galmudug ee (Indha-Qaris) – Galkacyo

Madaxweynaha Dawladda Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor) oo ay wehliyaan wasiirro ka tirsan xukuumaddiisa, xildhibaanno barlamaanka Galmudug ah iyo xubno ka tirsan labada gole ee barlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa maantay daahfurey Dugsiga Tababarka Ciidamada Daraawiishta ee Indho Qaris oo dhaca 45Km koofurta magaalada Gaalkacyo kaasoo tababar uu uga furmayo dufcaddii koowaad ee ciidamada Daraawiishta Galmudug.

Wasaaradda Amniga Gudaha Galmudug oo maalmihii la soo dhaafay la wareegaysay gaadiid dagaal iyo maleeshiyaadkii saarnaa ayaa maalmo ka hor xeradaas ku xaraysay gaadiidkii iyo maleeshiyaad gaaraya 350 askari.

Madaxweynaha Galmudug oo daahfurey dugisga iyo tababarka ciidamada ayaa sheegay ” In Ciidankankan uu tababarku u furmayo ay yihiin ururkii koowaad ee ciidamada daraawiishta Galmudug oo qeyb ka noqon doona ilaalinta amniga iyo xasiloonida Galmudug”.

Sidoo kale madaxweynuhu wuxuu ballanqaaday daryeelka ciidamada iyo gaadiidka.

Madaxweynaha ayaa kula dardaarmay ciidamada in ay si wanaagsan u tababartaan, una diyaargaroobaan xoreynta deegaanada Galmudug ee gacanta argagixisada ku jira sida uu yirti iyo ilaalinta kala danbaynta iyo dawladnimada. Asagoona u ballanqaaday daryeelka ciidamada.

Ugu danbayn Madaxweynaha ayaa kormeeray gaadiidka iyo dhismayaal meesha ka socda asagoo dhagax dhigey masjid weyn oo ay jaaliyadda reer Galmudug ee Sweden ay dhismihiisa ballanqaaday.

    

 

                

SHARE

Facebook
Twitter

 

Leave A Reply

Your email address will not be published.