Dhageyso: Soomaali uu ku dhacay Coronavirus oo wixii uu dareemay ka warramaya

 (Caasimada Online) – Xanuunka Coronavirus ayaa ah mid meelo badan oo dunida ah ku faafaya, iyadoo ay sii kordhayaan dadka uu ku dhacayo ama uu soo haleelayo xanuunkaas, oo hadda kusii siqaya 300,000 oo qof.

Cabdullaahi Xaashi Aadan waa nin Soomaali ah oo ku nool dalka Norway, waxaana uu ka mid noqday kumanaanka qof ee uu ku dhacay xanuunkan Coronavirus.

Cabdullaahi ayaa sheegay in 28-kii Febraayo uu u safray dalka Jarmalka, isaga oo doon raacay, ayna wehliyeen xaaskiisa iyo gabar uu dhalay, wuxuuna rumeysan yahay inuu xanuunka kasoo qaaday doonta.

Cabdullaahi ayaa sheegay in markii ugu horreysay ee uu xanuunkan isku arkay ay ahayd subax aroor ah, markaasi oo markii uu hurdada ka kacay uu dareemay jir xanuun aad u darran.

Waxa uu intaas ku daray in si gaar ah uu xanuunka uga dareemay lafaha iyo cunaha, ayada oo ay usii dheereyd qandho xooggan, lalabbo iyo matag. Wuxuu sheegay inuu aad u qarqaray oo uu sariirta ka kici waayey.

“Waxaan ahay nin ku dhow da’da afartanka, oo horey xanuuno badan ay usoo mareen, laakiin weligey ma arag xanuunkan oo kale, qandhada iyo qarqaryada i qabatay wax aan cabiri karo ma ahan,” ayuu yiri Cabdullaahi.

Cabdullaahi ayaa sheegay in xanuunkan ay jiraan xanuuno ka dhimasho badan oo dadka aysan ka welwelin, wuxuuna intaas raaciyey in asbuuc kadib uu kasoo kabtay xanuunka.

Wuxuu sheegay inuu qaatay kaniinada caadiga ah ee qandho jebiyaha ah, kuwaas oo aad u caawiyey, wuxuuna intaas ku daray in dawooyinka antibiotic aysan waxba ka tarin xanuunkan.

Hoos ka dhageyso 

Leave A Reply

Your email address will not be published.