FIQI: Gal-Xamar miyaa la dhisayaa mise Galmudug?

 Xildhibaan Axmed Macalin Fiqi oo kamid ah Xildhibaannada Golaha Shacabka oo ay deegaan doorashadoodu tahay Galmudug ayaa waxaa uu shaaciyey in Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya ee uu hoggaamiyo Xasan Cali Kheyre ay ku fashilantay dhismaha Maamulka Galmudug.

Waxaa uu sheegay Xildhibaanka in Galmudug ay haatan wajaheyso xaalad adag iyo khilaaf xoogan taas oo sababi karto in Maamulo isdiidan laga dhiso Galmudug.

Sidoo kale Xildhibaan Fiqi oo qoraal soo dhigey Bartiisa Facebook ayaa waxa uu sheegay in howlaha doorasho ee ka socda Galmudug ay dadka deegaannada ka yihiin Marti,isaga oo shaki geliyey dhismaha Galmudug loo dhan yahay.

Halkaan hoose ka akhriso qoraalka uu Fiqi soo dhigay bartiisa Facebook

Dawladda Federaalka Soomaaliya oo uu wakiil ka yahey raysulwasaare Kheyre waa ku fashilantey geedi-socodka dhismaha maamulka Galmudug, waxeyna Galmudug waajahaysaa xaalad adag iyo Khilaaf sii ballaaranaya oo sababi kara In maamullo is feeryaacaya oo dhowr ahi ay ka dhismaan.

Dadka Galmudug ku sugan waxey u eg yihiin kuwo maamulkoodii marti ka ah, hal hanaan maamul dhisid ka badan ayaana ka socda Galmudug.

Waxaa la isweydiinayaa Gal-Xamar miyaa la dhisayaa mise Galmudug marka la eego dadka laga soo daad-gureeyey Xamar ee marooqsadey masiirkii Iyo maamul dhisiddii Galmudug.

Madaxweyne Farmaajo waxaa u haboon inuu soo farageliyo xaalka Galmudug inta uusan ka tallaabin xuduuddii loogu talagaley maadaama uu ku fashilmey RW Kheyre welina ku rafanayo.

caasimada

Leave A Reply

Your email address will not be published.