Faarax Macalin oo sheegay in ganacsatada Soomaaliyeed maalgashigooda ka wareejiyeen dalka Kenya

Sabti, September, 28, 2019 (HOL)- Siyaasiga Faarax Macalin oo horay u soo noqday guddoomiye ku-xigeenka Baarlamaanka Kenya ayaa sheegay in ganacsatada Soomaaliyeed ee Qurba joogta ah ama dhaqaalaha heysta ka gaabinayaan xiliggan in ay maalgashi ku sameystaan dalka Kenya

Sababta arintan ayuu ku sheegay in ay tahay siyaasad ku dhisan sida uu hadalka u dhiggay cadawtooyada ee Xafiiska madaxweynaha Kenya iyo Wasaaradda Arrimaha Dibadda  oo aan la iman siyaasad fur furan, taasoo keentay ayuu yiri ganacsatada Soomaaliyeed maalgalintooda u wareejiyeen maalmo kale.

Faarax Macalin ayaa sheegay in siyaasadda ku wajahan shisheeyaha oo ah mid ”Qalafsan”  ay keentay in maalgalinta dad ajaanibta ah gaar ahaan Soomaalida u weeciyaan dalal  kale ee dariska ah, gaar ahaan Itoobiya ayuu sheegay uu leh siyaasad deggan oo la xiriirta dhinaca maalgashiga.

”Ilaa 150,000 qoys oo Soomaali ah oo ka yimid dalka dibadiisa ay u guureen  dalka Turkiga, islamarkaana halkaas ay ka iibsadeen Guryo,iyaga oo sidoo  kalena Soomaalida ka sii iibiya Guryaha ay dalkaas uga baahan yihin.

Hadalka Faarax Macalin ayaa imanaya xili uu jiro khilaaf adag oo dhinaca Badda ah oo u dhaxeeya Soomaali Iyo Kenya, waxaana hadda kiiska dacwada Labada dowladood qaadeysa Maxkamada Cadaallada ICJ.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
s/hiiraan

Leave A Reply

Your email address will not be published.