Shirkii Beelaha Habargidir oo si rasmi ah uga furmay Hobyo

Waxaa magaalada Hobyo ee Gobolka Mudug Ka furmay Shir ay halkaas ku yeelanayaan waxgaradka beel kamid ah beelaha dega deegaanada maamulka Galmudug.

Shirka oo horay loo iclaamiyey in 15-ka bisha oo ku beegneed maanta uu ka furmo magaalada Hobyo ayaa furmay waqtigii loo asteeyey, waxaana saacadihii lasoo dhaafay Hobyo ka dagay diyaarado siday Waxgarad, Siyaasiyiin iyo Odayaal dhaqameed shirkaas ka qeyb galaya.

Shirka ayaa waxaa isugu imaaday Beelaha Habargidir ee dago deegaanada Galmudug, waxaana la filayaa in laga soo saaro qodobo xasaasi ah oo ku saabsan mustaqbalka Galmudug.

Amaanka magaalo xeebeedka Hobyo ayaa aad loo adkeeyey, waxaana markii uu soo dhamaado shirkaas oo maalmo ka soca doona halkaas lagu  wadaa in qodobo laga soo saaro markii uu soo idlaado.

General Indhacade iyo Gen Galaal oo tagay Hobyo+ SAWIRRO

Wafuudii ugu danbeesay ayaa gaareysa Magaalada Hobyo ee Xaruunta dhaqaalaha Galmudug kuwaasi oo ka qeyb galaya shirka la filayo in uu bari ka furmo halkaasi.

Wafdi iskugu jira Xildhibaanada labada Aqal ee Barlamaanka Somaliya kana soo jeeda Galmudug ayaa maanta gaaray halkaasi kuwaasi oo lagu soo dhaweeyay Garoonka diyaaradaha Hobyo.

Soo dhaweyn kadib wafdiga ayaa gaaray xarunta Degmada Hobyo halkaasi oo durba kula kulmeen gudiga qaban qaabinaya Shirka iyo odyaashada shirka ka qeyb galayo.

Wufudaan ayaa waxaa kamid ahaa General Indhacade iyo Gen Galaal oo kasoo kicitimay magaalada Muqdisho.

Waxaana Maanta Galinka Danbe la filayaa In uu si rasmi ah ah u furmo shirka wadatashiga Beesha Habar gidir Ee Magaalada Hobyo.

s/wardoon.net

Leave A Reply

Your email address will not be published.