Ra’iisul Wasaare Kheyre iyo wafdi uu hogaaminayo oo si diiran loogu soo dhaweeyay Gaalkacyo

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre iyo wafdi uu hoggaaminayo oo safar dhulka uga soo amba baxay magaalada Cadaado ee gobolka Galgaduud ayaa si weyn loogu soo dhoweeyay magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug.

Wafdiga uu Ra’iisul Wasaaruha hoggaaminayo ayaa waxaa magaalada Gaalkacyo ku soo dhaweeyay Xildhibaanno ka tirsan Dowadda Federaalka ah ee Soomaaliya, mas’uuliyiin ka tirsan Galmudug iyo qaybaha kala duwan ee bulshada magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa inta uu ku sugan yahay magaalada Gaalkacyo waxaa uu kulamo la qaadan doonaa qeybaha kala duwan ee bulshada, isaga oo kala hadli doona hanaanka lagu dhisayo Galmudug oo mideysan.

Xukuumadda Soomaaliya ayaa dadaal xoogan ugu jirta sidii dib-u-heshiin dhab ah loo dhex dhigi lahaa bulshada ku nool deegaannada Dowlad Goboleedka Galmudug.

Leave A Reply

Your email address will not be published.