Madaxwayne Farmaajo ” Xaaf Waa Uu diiday in Uu Qaato Daawada Galmudug.
Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo khudbad ka jeedinayey Munaasabadda sanadkii guuradii 76-aad ee ururkii Dhallinyarada SYL oo Caawa lagu qabtay Magaalada Muqdisho ayaa ka hadlay Shirkii Garoowe iyo sababihii keenay in la isku fahmi waayo.
Madaxweynaha oo ka hadlayey Shirka Garoowe ayaa sheegay in qaar ka tirsan Madaxda Maamul Goboleedyda, gaar ahaan Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Gelle Xaaf uu doonayey inuu waqti kororsi sameysto taasina ay ka hor timaaday Dowladda Soomaaliya.