FARMAAJO IYO AXMED MADOOBE OO LA KALA QABTAY IYO SHIRKII GAROOWE OO FASHILMAY

Ilo’ xog-ogaal ah oo ku sugan madaxtooyada Puntland ee Garoowe, ayaa warbaahinta Puntland Post u xaqiijiyay, in shirka wada-tashiga xukuumadda Federaalka Soomaaliya iyo madaxda dowlad goboleedyada ee Garoowe ka socda  uu khilaaf cusub cagaha la galay, kadib markii galabta uu muran xooggan ka dhex qarxay, madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo madaxweynaha Jubaland Axmed Maxamed Islaan (Axmed Madoobe).

Muranka oo gacan ka-hadal ku dhowaaday, ayaa labada mas’uul ka dhex bilowday kadib marki Axmed Madoobe oo shirka dhex fadhiya laga soo wacay magaalada Kismaayo, laguna wargeliyay in garoonka diyaaradaha Kismaayo uu ka socdo dagaal u dhexeeya ilaalo uu watay, musharrax ka yimid magaalada Muqdisho oo lagu magacaabo, Cabdinaasir Seeraar iyo ciidanka Jubaland ee u xilsaaran sugidda amniga garoonka.

Mudane Axmed madoobe ayaa kadib markii uu taleefonka dhigay, wuxuu si toos ah hadallo kulul ugu riday madaxweyne Farmaajo, isagoo xukuumadda Federaalka ku eedeeyay in ay magaalada Muqdisho ka soo dirtay Cabdinaasir Seeraar, si uu khal-khal iyo dagaal uga abuuro doorashada Jubaland, si lamid ah doorashadii ka dhacday magaalada Baydhabo ee dowlad goboleedka koonfur Galbeed.

Axmed Madoobe ayaa sidoo kale sheegay in mas’uuliyadda wixii galabta ka dhacay magaalada Kismaayo uu guud ahaan qaadanayo madaxweyne Farmaajo, waxaana Axmed Madoobe madasha ka caddeeyay in uusan sii fadhiyi doonin shirka uu guddoominayo madaxweyne Farmaajo.

Dhankiisa madaxweyne Farmaajo oo hadalka qaatay ayaa iska fogeeyay eedaynta mudane Axmed Madoobe, isagoo sheegay in aysan denbi ahayn in laga yimaado magaalada Muqdisho, balse madaxweynaha Jubaland ayaa hadalka ka dhexgalay waxaana ay isweydaarsadeen ereyo kulul oo usii gudbay weerar-shakhsiyeed, sida ay sheegeen xubno aan ka soo xiganay warkan.

Muranka labada mas’uul oo meel adag gaaray, ayaa mudda daqiiqada hadalka kala-heli waayey, iyadoo ay ku sigteen in ay isu gacan-qaadaan, ha’yeeshee madaxdii kale ee shirka joogtay ayaa markii dambe soo kala dhex gashay muranka labada mudane.

Sidoo kale,  madaxweynaha Galmudug ayaa taageeray hadalka Axmed Madoobe, waxaana madasha ka sheegay in aan wax wada-hadal ah lala sii wadi Karin xukuumadda Federaalka Soomaaliya, oo uu ku eedeeyay in aysan waxba ka fulin doonin heshiisyada lala galo.

Shirka ayaa galabta ku dhammaaday muran iyo weerar-shakhsiyeed, waxaana fashilmay waan-waan uu isku dayay madaxweynaha Puntland Siciid Deni in uu ku xalliyo khilaafka cusub ee madaxweyne Farmaajo iyo mas’uuliyiinta kale.

PUNTLAND POST

Leave A Reply

Your email address will not be published.