Wakaaladda Wararka ee SONNA oo 55 sano Jirsatay kuna Tallaabsatay Horumar

Muqdisho(SONNA):-Maadaama ay maanta ku beegan tahay goortii la aasaay Wakaalada Wararka Qaranka Soomaaliyeed ee SONNA 5tii Bishii Janaayo ee sanadkii 1964-kii waxaa xusid mudan in marka hore aan wax ka tilmaanno waayihii ay soo martay, Wakaaladda wararka Soomaaliyeed ee SONNA, oo ka mid ah Hey’adaha Saxaafadeed ee hoos yimaada Wasaaradda Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska, waxaa la Aasaasay 5,tii Jannaayo 1964,kii, waxayna xubin ka ahayd Ururka Saxaafadda ee Pan-African News Agency.

Ujeeddada loo aasaasay Wakaaladda Wararka ee SONNA, waxay ahayd inay qabato howlaha iyo waajibaadyada hoos ku qoran waxayna kala yihiin:-Inay soo uruuriso Wararka, Dhacdooyinka ka dhaca caalamka gudaha iyo dibadda, Inay habeyso, tafatirto, isla markana daabacdo.Inay wararka ay daabacday u gudbiso qalabka warbaahinta qaranka sida:Raadiyo Muqdisho, Wargeyska iyo Telefishinka Qaranka, inay u dirto wararka dhacdooyinka ka dhaca dalka gudahiisa caalamka, iyadoo u sii marineysa wakaaladaha wararka dunnida ee xiriirka war-isdhaafsiga kala dhaxeeyo.

Wakaaladda Wararka Soomaaliyeed ee SONNA, si ay u fuliso howlaha iyo waajibaadyada kor ku xusan, Wakaaladda waxay lahayd qaab dhismeed ka kooban:-Agaasinka Wakaaladda iyo Qeybo (Sections) kuwaasoo fuliya waajibaadka wakaaladda waxayna kala ahaayeen:-Qeybta Deskiga wararka, oo ah halka lagu habeeyo wararka wakaaladda uga yimaado gudaha iyo dibadda.Qeybta warqabadka (Monitaring) oo howsheedu ahayd Duubista wararka ka baxa idaacadaha waaweyn ee caalamiga sida BBC, si loola socdo waxa dalkeenna laga sheegayo xumaan iyo samaan.

Qeybta Teleprinting oo howsheedu ahayd qabashada Wararka Wakaaladaha Caalamka faafinayaan, iyo dirista wararka, dhacdooyinka gudaha dalkeenna si loola socdo.Saddexdaa qeybood ka sakoow, Wakaaladda wararka ee SONNA waxay lahayd qeyb ama xafiis soo saara bulletiinno ku soo baxa Afafka Ingriiska iyo Carabiga oo leh Maalinle iyo Toddobaadle, looguna talagalay Dipolomaasiyiinta yo Hay’adaha Caalamiga ee dalka jooga, si ay ula socdaan horumarka dalka ka socda.

Wararka lagu qoro bullitiinnada gaar ah, qaar waxaa looga jawaabi jiray Mediyaha oo Wasaaradda Warfaafinta ayaa la amri jiray inay ka jawaabto, qaarna Wasaaradda Arrimaha Dibadda ayaa la amri jiray inay qoraal ashtako ah u gudbiso safiirka dalka wax ka faafiyay ama safiirka naftiisa oo wasaaraddu u yeerto, si ay raali gelin uga bixiyaan warka ay naga faafiyeen.

Wakaaladda Wararka ee SONNA, si ay ula socoto wararka iyo dhacdooyinka ka dhaca dalka waxay laheyd wariyeyaal joogto u ah ee gobollada, waxayna xarumo ku lahayd 11 gobol oo ka mid ahaa 18 gobol ee dalku ka kooban yahay, waxayna kala ahaayeen:-

Dhinaca Dibadda, Wakaaladda Wararka Soomaaliyeed ee SONNA, waxay xiriir war- isdhaafi la lahayd Wakaaladaha Wararka Caalamka gaar ahaan:-Wakaaladda wararka ee Reuters (Britain), Wakaaladda wararka ee AFP (France), Wakaaladda wararka ee AP (USA), Wakaaladda wararka ee TASS (Ruushka), Wakaaladda wararka ee DPA (Germany), Wakaaladda wararka ee INNA (Ciraaq), Wakaaladda wararka ee SUNNA (Sudaan),Wakaaladda wararka ee KUNNA (Kuweyt), Wakaaladda wararka ee TUNNA (Tunisiya), Wakaaladda wararka ee MENA (Masar) iyo Kuwo kale, oo isugu jira Wakaalado caalami ah iyo kuwo gobolleed.

Wakaaladda Wararka Soomaaliyeed ee SONNA, waa Hay’adda keliya ee Qaranka Soomaaliyeed mas’uulka ugu aheyd ururinta, habeynta iyo faafinta wararka dhacdooyinka dalka ka dhaca sida Wakaaladaha wararka dunnida mid waliba mas’uul uga tahay dalkeeda faafinta wararka caalamka , Warbaahinta kalena iyada ayay ka xiganayaan.

Wakaaladda Wararka ee SONNA, waxaa maamulkeeda isaga dambeeyay muddadii la asaasay 1964 Agaasimeyaal fara badan, waxaana ka mid ah:- Ismaaciil Maxamed Cali, Maxamed Diiriye Af-xakame, Yuusuf Ismaaciil Samatar, C/laahi Maxamed Sheegow, Saciid Maxamuud Xaaji, Maxamed Xasan Kaahin, Maxamed Aadan Terra, C/raxmaan Siidow Maxamed, C/qaadir Maxamuud Walaayo.

In kastoo bururkii kadib la isku dayay in la kiciyo balse uu gaabis ku yimid howlihii ay qaban jirtay berisamaadkii, Sida darteed, waxaa lagama maarmaan ah in la xoojiyo Wakaaladda Wararka Soomaaliyeed ee SONNA, si ay u gudato waajibaadkeeda ee loo dhisay iyo xiriirkii ay la laheyd Wakaaladaha wararka ee dunida,sanadkii 2016-kii, waxayna yeelatay Dhismo aad u qurxoon, laguna sameeyay qalabeyn casri ah, waxayna haatan ku tilaabsatay horumar weyn oo dhinacyo badan, inkastoo ay jiraan caqabado ay ka mid yihiin dhaqaale xumo iyo duruufo kale oo hakinaya habsami u gudashada howlaha ay u xil-saaran tahay, balse haddi laga dabooli lahaa waxa ay ku tilaabsan laheyd intaasi inka badan.

Wakaaladda Wararka SONNA ayaa Wararkeeda iyo Faalooyinkeeda maalin laha ah ku baahiso sedex luuqadood oo kala ah Soomaali, Carabi iyo Af-Ingiriisiga sidoo kale waxay Dirtaa Bollatiin maalinle ah iyo Fariimaha Mobeilka oo deg deg ah,iyadoo qorsheyneyso sandkan hadda bilowga ah horumar kuwii la soo dhaafay ka balaaran haduu alle Idmo.

Howlkarnimada Wakaaaladda SONNA iyo sida ay u dadaaleyso waxaa ka markhaati kacaya Masuuliyiinta Dowladda, Suxufiyiinta iyo Shacabka Soomaaliyeed intaba, waana tan nagu dhiirigalisay inay sii labajibaarno howlqabadkeenna ku aadan u adeegidda Ummadda Soomaaliyeed ee dhinaca u soo gudbinta Wararka u dhow xaqiiqda iyo tabinta Wararka Dowladda, mar haddii ay soo martay turun-turooyin fara badan oo ay ka toostay,balse hadda way 55 jirsatay Wakaaladda Wararka Soomaaliyeed ee SONNA waxayna hadda heysaa tubtii horumarka.

W.Q: C/laahi Ruush

Leave A Reply

Your email address will not be published.