Iskudhacyada qowmiyadaha oo minjaxaabinaya isbadallada Itoobiya

In ka badan 2.5 milyan oo qof ayaa lagu qasbay in ay guryahooda ka qaxaan dalka Itoobiya ,waxaana dadkan inta badan barakiciyay rabshado la xiriira qowmiyado iska soo horjeeda.

Arrintan ayaa la tilmaamay in ay halis ku tahay isbadallada degdega ah ee uu wado raii’sul wasaare Abiy Axmed.

Xiisad gaamurtay oo ka dhalatay sanooyiin badan oo cadaadis siyaasadeed uu dalkaasi ka jiray xiligii Meles Zenawi iyo Hailemariam Desalegn, ayaa sii xoogaysatay ka dib markii Abiy uu la wareegay awoodda bishii Abriil, islamarkaana uu fasaxay xorriyada rayidka.

Inta badan isku dhacyada qowmiyadaha waxaa dhaliyay kheyraadka oo yar iyo muran dhanka dhulka ah, balse kuwa kalana waxa ay ka dhasheen gacan bidxeyn la sheegay in lagu hayay qowmiyadaha qaar iyo in aan xukunka wax laga siin.

Kala qaybsanaantan ayaa ahayd mid jirtay tan iyo 1994 markaasi oo la asaasay nidaamka maamulka gobollada oo lagu saleeyay qowmiyado, ka dib markii ay xukunka dalkaasi la wareegeen xisbiga EPRDF.

Weeararadii lama filaanka ahaa ee qowmiyadaha ku salaysnaa ee caasimada Addis Ababa ka dhacay intii u dhaxaysay 13-16 Siteembar, ayna ku dhinteen 58 qof, ayaa ahaa tusaale muujinayay heerka kala qaybsanaanta dalka Itoobiya uu wajahayo.

Rabshadaha iyo isku dhacyadii ku salaysnaa qowmiyadaha ee dhawaan dhacay ayaa dib u dhac ku keenay Abiy Axmed oo xilka haya oo kali ah muddo 6 bilood ah.

Intii uu xilka hayay Dr Abiy waxa uu ku talaabsaday hormarro waawayn, sida in uu la heshiiyay Eritrea, xabsigana uu ka sii daayay maxaabiis, islamarkana uu dalka ku soo dhaweeyay mucaarad badan oo dibad joog ahaa.

Waxa ay rabshado ka dhaceen ugu yaraan 5 ka mid ah sagaalka gobol ee uu dalka Itoobiya ka kooban yahay .

Qaar ka mid ah rabashadahaasi ayaa ku salaysnaa qowmiyado, halka kuwa kale ay la xiriireen loolan loogu jiray daaq, biyo, iyo waliba muran dhanka xudduudaha ah.

S/BBC/somali

Leave A Reply

Your email address will not be published.