Muqdisha waa hooyadii dalka iyo dadka Soomaaliyeed

Xildhibaan C/raxmaan Odowaa oo ka tirsan aqalka hoose ee Baarlamanka federaalka Somalia ayaa ka jawaabay hadal shalay ka soo yeeray Madaxweynaha Puntland C/wali Gaas oo shir jaraa’id ku qabtay Magaalada Dubai ee dalka Imaaraadka.

Mr. Gaas ayaa sheegay in maamulkiisa uu xaq u leeyahay inuu galo heshiisyo dowlado shisheeye, isagoo difaacay xiriirka maamulkiisu la leeyahay dowlada Imaaraadka

Waxaa uu sheegay Gaas in Soomaaliya aysan aheyn Muqdisho oo kaliya, Muqdishana aanay aheyn Soomaaliya oo ula jeeday in wax walba oo rabitaanka iyo danaha maamulkiisa aanay ku xirneyn Muqdisho.

Xildhibaan C/raxmaan Odowaa oo daba taagan hadalkan ayaa dhaleeceeyey hadalka C/wali Gaas, isagoo xusay in Muqdisho ay tahay caasimada dalka, ayna qalad tahay inuu maago C/wali Gaas.

Xildhibaan Odowaa oo hadalkan soo dhigay bartiisa Facebook ayaa u qornaa sidatan:-

Muqdisho waa Maagaalo Madaxdeena!

Waxaan dhegaystay shirkii Jaraa’id ee Madaxweyne Gaas uu ku qabtay dalka Imaaraatka kaasoo uu ku sheegay “Muqdisho Soomaliya maaha, Soomaaliyana Muqdisho maaha”.

Waxaan la soconaa in ay jirto kala aragti duwanaasho u dhaxaysa Madaxweyne Farmaajo iyo Madaxweyne Gaas oo ku saabsan khilaafka Khaliijka. Waxaan filaynay wixii eedeyn ah oo arinkaas la xiriira inuu u jeediyo maamulka federaalka ah ee talada haya.

Mudane Gaas munaasib kuma ahayn in uu Muqdisho maago, inkirana Soomaalinimadeeda, ayadoo ah meeshii uu wax ku bartay, kana shaqo bilaabay.

Buqcad kasta oo Soomaaliya ku taal waa Soomaaliya.

Muqdishana waa hooyadii dalka iyo dadka Soomaaliyeed.

s/wardoon.net

Leave A Reply

Your email address will not be published.