-
Ma
u bahan tahay in an xidhiidh la samayso Shabakada
Wararka Dooxada Hobyo?
Fadlan la xidhiidh Maamulaha , Mr. Cabdiasis Haji - Emailka: Halkan Guji- :
Emailka: aragtida@hotmail.com - Copyright © mudug.com - 2000- 2009
All rights reserved.![]()
Shabakadda
Wararka Dooxada Hobyo |
Hobyo Valley News
Network - |
Garabyada xisbul islaam oo qarka u saran in ay
ku biiraan soona dhaweeyey go’aanki Baarlamaanka ee ahaa in
lagu dhaqayo dalka sharciga Islaamka, oo ay shaly ay ku ansaxiyeen
mudanayaashaasi gudaha xarunta gaadiidka booliska ee magaaladda Muqdisho. |
Apr 19, 2009 Muqdisho QOL) Garabyada xisbul islaam oo qarka u saran in ay ku biiraan soona dhaweeyey go’aanki Baarlamaanka ee ahaa in lagu dhaqayo dalka sharciga Islaamka, oo ay shaly ay ku ansaxiyeen mudanayaashaasi gudaha xarunta gaadiidka booliska ee magaaladda Muqdisho. Gudoomiyaha garab ka mid ah Xisbul-Islaam Maxamed Xasan Cameey oo shir jira’id u qabtay saxaafadda ayaa sheegay inay si weyn u soo dhaweynayaan go’aankii mudanayaasha Baarlamaanka ay ku ansixiyeen ku dhaqanka Sharciga Islaamka isaga oo go’aankaasi ku tilmaamay mid sharciyan ah oo fursad u ah bulsahda Soomaaliyeed, isaga oo ugu baaqayey dadka Soomaalyeed in ay ka faa’ideystaan fursadaan xalka ah. Gudoomiyaha Xisbul-Islaam Maxamed Xasan Cameey ayaa waxuu shir kiisa jiraa’id uu ku sheegay in cidii ka hortimaado go’aanka ay ansaxiyeen mudanayaasha Baarlamaanka Soomaaliya ay dooneynin in dalka lagu dhaqo Shareecada Islaamka. “Waa arin lagu farxo mar hadii ay ansaxiyeen Baarlaamaanka in ay ku dhaqayaan dalka Sharciga Diinta Islaamka waana fursad ayuu yiri Maxamed Xasan Cameey. Sidoo kale gudoomiyaha Xisbul-Islaam ayaa soo hadal qaaday dagaalada u dhexeeya xoogaga Muqaawamada oo uu ku micneeyey mid naafeyneeso dhamaan mujaahidiinta Soomaaliyeed isla markaana ugu baaqay in mar kale uu san dhexdooda dagaal ku qabsan, isaga oo sheegay in ay weli xitaa xiisado colaadeed ay ka jiraan jidka Warshadaha ee magaalada Muqdisho. “waa wax laga xumaado in raggii shalay dagaalka difaaca diinta Islaamka isla jiray ay maanta dhexdooda dagaal isku qaadaan oo hada xitaa jidka Warshaddaha saan saantooda laga dareemo ayuu raaciyey Maxamed Xasan Cameey. Sidoo kale waxa go’aankaan Baarlamaanka Soomaaliya isagana soo dhaweeyey Afhayeenka Xisbul-Islaam garabka u hogaamiyo Dr.Cumar Iimaan Abuu Bakar Sheekh Muuse Cabdi Caralle ayaa sheegay in ay soo dhaweynayaan go’aankii shalay ay mudanayaasha Barlamanku cod aan kala tag la heyn iskula raaceen ku dhaqanka shareecada Islaamka, kuna baaqay in ay ficil ahaan u fuliyaan. mar wax laga weydiiyay Afhayeenka Xisbul-Islaam Sheekh Muuse Cbdi Caraalle in ay joojinayaan dagaaladda ay ku qaadaan dowladda fadaraalka mar hadii ay ku dhawaaqday ku dhaqankii shareecada Diinta Islaamka,waxaa uu ku jawaabay in dagaaladda markii hore wax keenay ay yihiin joogitanka ciidamadda shisheeyaha ee gudaha dalka iyo waxyaabo kale oo uu ku sheegay in ay ka mid yihiin qaabka awood qeybsiga ee afar Beel iyo Bar iyo weliba ku dhaqanka Dastuurka Imbagati. Si kastaba arintu ha ahaatee hadalkaan ka soo baxay
gudoomiyaha dhaq-dhaqaaqa Xisbul-Islaam Maxamed Xasan Cameey ayaa
ku soo beegmaya xili mudanayaasha Baarlamaanka KMG Soomaaliya ay
ansaxiyeen in dalka lagu dhaqo Sharciga diinta Islaamka, waana garabkii
ugu horeeyey ee ka mid ah garabyada kacdoonka dagaalka kula jira
ciidamadda shisheeye iyo dowladda oo soo dhaweeyey go’aanka
mudanayaasha Baarlamaanka Soomaaliya. |