-

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Ma u bahan tahay in an xidhiidh la samayso Shabakada Wararka Dooxada Hobyo? Fadlan la xidhiidh Maamulaha , Mr. Cabdiasis Haji - Emailka: Halkan Guji- : Emailka: aragtida@hotmail.com - Copyright © mudug.com - 2000- 2009 All rights reserved.

Somalia: Parliament Ratifies Islamic Law As National Legislation.
mudug.com
Shabakadda Wararka Dooxada Hobyo
Hobyo Valley News Network -
www.mudug.com
Idaacadda Dooxada Hobyo - Commimg soon
WASIIRKA ISKAASHIGA CAALAMIGA DOWLADDA KMG AH OO WADAMADA CARABTA KA CODSADAY KAALMO.

Wasiirka Qorsheynta iyo Iskaashiga Caalamiga dowladda Soomaaliya C/raxmaan Cabdi Shakuur ayaa sheegay in qadiyadda burcad badeeda aysan daweyn karin bulshada caalamka, hase ahaatee ay daweyn karaan ciidamo Soomaaliyeed oo xoog leh.

Wasiirka oo u waramayay Tv-ga Al-Xurra ee afka carabiga ku baxa ayaa sheegay in Xukuumadda KMG ah ay qorsheyneyso dhisidda ciidamo Soomaaliyeed oo loogu tala galay in ay baabi'iyaan burcad badeeda Soomaalida ah ee maraakiibta shisheeye afduubka u geysta.

Mr C/raxmaan Cabdi Shakuur ayaa sheegay in mushkiladda weyn ee dadka Soomaalida ah heysata ay tahay dagaalada sokeeye iyo xal u heli la'aanta howlgalada afduubka ee burcad badeeda Soomaalida ah.

"Waxaan dooneynaa in aan joojinno howlgalada cadaawadeed ee ay galayaan burcad badeeda Soomaalida, wadada kaliya ee arrintaasi lagu joojin karana waa in lagu taageeraa kaalmooyin ciidamada badda ee Soomaaliyeed, kuwaas oo awooda in ay shaqadaas qabtaan" ayuu ku yiri wareysi uu siiyay Mr C/shakuur Tv-ga Al-Xurra.

Mar wax laga weydiiyay wada shaqeynta dowladaha caalamka ayuu sheegay in Soomaaliya ay la shaqeyneyso dowladaha dunida oo dhan, hase ahaatee waxa uu ka codsaday dowladaha Carabta ah in ay kaalmeeyaan xukuumadda Soomaaliya, maadaama buu yiri Soomaaliya ay meel Istaraatiiji ah kaga taallo gacanka Cadmeed, isla markaana qeyb aas aasi ah dhanka amaanka wadamada carbeed loogu tiriyo.

Si kastaba ha ahaatee hadalka Wasiirka Qorsheynta iyo Iskaashiga Caalamiga dowladda KMG ah ayaa ku soo beegmaya xilli howlgalada qafaalashad maraakiibta shisheeye ee burcad badeeda ay sii kordhayaan.