-
Ma
u bahan tahay in an xidhiidh la samayso Shabakada
Wararka Dooxada Hobyo?
Fadlan la xidhiidh Maamulaha , Mr. Cabdiasis Haji - Emailka: Halkan Guji- :
Emailka: aragtida@hotmail.com - Copyright © mudug.com - 2000- 2009
All rights reserved.![]()
Shabakadda
Wararka Dooxada Hobyo |
Hobyo Valley News
Network - |
Wasiiro iyo xildhibaano ka tirsan dowladda
KMG oo ka soo jeeda gobolka Hiiraan oo cambaareeyay qaraxii lagu
dilay Cumar Xaashi Aadan.
Max’uud Cabdi Ibraahim (Garweyne) oo ah Wasiirka Bini’aadanimada dowladda KMG Soomaaliya oo u hadlayay Xildhibaanada iyo wasiirada ka soo jeeda gobolka Hiiraan ayaa waxaa uu sheegay in kulanka ay yeesheen masuuliyiintaasi ay ku cambareeyeen qaraxihii dhimashada badnaa ee shalay lagu dilay Wasiirkii Amniga qaranka dowladda KMG Soomaaliya Cumar Xaashi Aadan iyo C/kariin Laqanyo oo horay u aha safiirkii Ethiopia u fadhiyay Soomaaliya.
Waxaa uu shegay in ay tacsi u dirayaan dhamaan dadkii ay ka geeriyooden dadkii ku nafwaayay qaraxii ka dhacay hoteelka Madiina ee magaalada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.
Cambaareynta wasiirada iyo xildhibaanada ka soo jeeda gobolka Hiiraan ayaa waxaa uu imaanaya kadib markii gaari waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay uu shalay isku qarxiyay hoteel ay ku sugnaayeen masuuliyiin ka tirsan dowladda kMG Soomaaliya taasoo sababtay geerida wasiirkii Amniga Qaran Cumar Xaashi Aadan iyo C/kiriin Faarax Laqanyo.
Aqriso oo la soco Shabelle.net Saacad Walba si aad u hesho wararkii ugu dambeeyay ee Soomaaliya.
|