-
Ma
u bahan tahay in an xidhiidh la samayso Shabakada
Wararka Dooxada Hobyo?
Fadlan la xidhiidh Maamulaha , Mr. Cabdiasis Haji - Emailka: Halkan Guji- :
Emailka: aragtida@hotmail.com - Copyright © mudug.com - 2000- 2009
All rights reserved.![]()
Shabakadda
Wararka Dooxada Hobyo |
Hobyo Valley News
Network - |
Qaahira: Shariif
Sheekh Axmed oo weydiistay Maxamed Xusni Mubaarak taageero milateri. 22. april 2009 |
|
Qaahira - Madaxweynaha dawladda Faderaalka KMG ah ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed oo kusugan dalka Masar, ayaa la kulmay dhigiisa dalkaasi Maxamed Xusni Mubaarak oo uu kala hadlay xaalado badan, sida ay AllPuntland ka soo xigatay xubin ka tirsan dawladda Faderaalka, gaar ahaana xaafiiska Madaxweynaha. Madaxweyne Shariif Sheekh Axmed wuxuu ka codsaday Madaxweynaha Masar in dawladda Soomaaliya ay Masar ka taageerto arimaha tababarida iyo qalabeynta ciidamada Xooga dalka Soomaaliyeed, wuxuuna sababtay ku sheegay in ay tahay maadaama ay maser ka mid ahayd dalalkii taageerada wanaagsan siin jiray Xukuumadii dhacday ee Jen. Maxamed Siyaad Barre, Allaha uraxmdee. Shariif Sheekh Axmed wuxuu sidoo kale ka codsaday Mr. Mubaarak in uu gacan ka siiyo sidii ay wada hadal uyeelan lahaayeen dhinacyada diidan dawladdiisa iyo xukuumadiisa, isagoo taasna ku macneeyey in ay Masar xiriir la leedahay rag ka tirsan mucaaradyada xoog leh ee ka soo horjeeda dawladda Faderaalka ee Soomaaliya. Codsiga Shariif Sheekh Axmed ma uusan aqbalin Madaxweynaha Masar Maxamed Xusni Mubaarak, balse wuxuu si dad-ban usheegay in ay garab taagan yihiin dawladda KMG ah, isagoo tilmaamay in ay dhinacyo badan wax ka qaban doonaan kana taageerayaan, inkastoo uusan faahfaahin weyn bixin Madaxweynaha Masar. Dalabka Shariif Sheekh Axmed ee ku aadan In ciidamada
loo tababaro iyo in hub loosiyo, waxa ay noqonayaan kuwii ugu dambeeyey
ee uu ka codsado madaxda dawladdaha Carbeed oo uu qaarkood ka waayay
taageeradii uu filayay markii loo dhaarinayay xilka Madaxeweyne-nimo,
horaantiisa sannadkan. |