The
Mudug Media Centre |
| |
|
|
| Ma u bahan tahay in an xidhiidh la samayso Maamulka Mudug.com? Ma dareentay wax khalaad ah oo aad ku aragtay webka dhexdiisa? Ma jirtaa wax aad jeceshahay in lagu soo kordhiyo Webka Fadlan la xidhiidh Maamulaha Webka - Emailka: Halkan Guji- |
| | Google| |
Talooyin waayo-aragnimo oo ku socota madaxweynaha & ra'iisalwasaaraha cusub ee Soomaaliya. W.Q. Cumar Salad Cilmi.? |
|
TALOOYIN U SOCDA MADAXWENAHA IYO RAIISUL WASARAHA CUSUB Marka hore hambalyo diirran ayaan u jeedinayaa Madaxwenaha Cusub Sheikh Shariif Sheikh Axmed iyo Raíisul Wasaaraha Cusub Cumar Cabdirashid Cali Sharmarke, waxaan leeyahay Ilaah ha idinku guuleeyo xilalka cusub oo la idin saaray iyo masuliyadaha waaweyn ee idin horyaal. Marka xiga, waxaan jeclahay inaan labadoodaba u jeediyo talooyinka soo socda:-1. 1. SIFOOYINKA IYO MABAADIIDA
LOOGA BAAHAN YAHAY Mudane Madaxweyne Sheikh Shariif Sheikh Axmed, markii lagu doortay waxaa dusha kaa fuulay labo xil, mid hoggaamiye qaran iyo mid aabihii ummadda, sidaa awgeed, ummaddu Soomaaliyeed waxay kaga baahan tahay kaana filanaysaa inaad u noqotid qawsaar u adeega oo leh sifooyinkan iyo mabaadiida soo socda: - Hoggaamiye iyo aabe dhedhexaad
ah ee Ummadda,
1.1 Sifooyinka iyo Mabadiida
looga baahan yahay Raíisul Wasaraha Cusub - Hoggaamiye xukuumadda qarameed 2. ARRIMAHA SIYAASADDA
GUDAHA:XILALKA QARAMEED Waxaa lagama maarmaan ah in hoggaamiyayaashu ay tilmaamaan ka bixiyaan oo barnaamij ka dhigan isla arrimaha siyaasadda gudaha ee la xiriira xilalka dedega ah ee qarameed ee arrimaha siyaasadda gudaha iyo siyaasadda dibadaba ayagoo iska markaana tilmaaamaya sida arrimahaasi ay kala mudnaanta u yihiin, iyo sida fulintooda look ala hormarinayo, ayadoo look ala qaybinayo, waqtiga degga ah, waqtiga dhexe iyo waqtiga dheer, matalan sida hoos ku qeexan:- 2.1 Dedejinta barnaamij Wada-xaajood iyo dib-u-heshiin mudnanta kowaad la siinayo kooxaha mucaaradka iyo lana magacabayo Guddi Sare Dib-u-heshiineed ee Dawladda ka Madaxbaan laakin wada shaqayn iyo talo isweydarsi la leh, 2.2 Qorshaynta, aasaaska, abaabulidda iyo tababarka ciidan Nabadgelyada iyo difaaca ee u kala qaybsan afar qaybood (ciidanka Booliska magalooyinka iyo toolooyinka, ciidanka Booliska ee Daraawiishta, ciidanka Xabsiyada, iyo ciidanka Xoogga Dalka) kuwaas oo la’aantood aysan suuragal noqon karin in nabadgelyada iyo difaaca dalka la sugo iyo laga waarmo ciidamo shisheeye, 2.3 Gaarsiinta iyo fududaynta
gargaar bini-aadamnimo dadweynihii barakacay iyo kuwo kaloo tabaalaysan
meel kasta ee ay joogaan ayadoo la la kaashanayo dadweynaha Soomaaliyeed
iyo beesha calaamka lana sugayo nabadgelyada shaqaalaha iyo hayádaha
gargaarka; 2.5 Dadkii barakacay in guryahoodu dib loogu soo celiyo ayadoo dawladda iyo dadka Soomaaliyeed iyo beesha caalamka iska kaashanayaan sidii gacan loo siin lahaa, 2.6 Abaabulka iyo kicinta dadwenaha si ay kaalin buuxda uga qaataan arrimaha sugidda nabadgelyada, xasiloondida, kala-dambaynta, nadaafadda iyo fayo-dhawrka, i.w.m. 2.7 Ololaynta nadaafadda, fayo-dhawrka iyo nidaaminta magaalooyinka gaar ahaa caasimadda Moqdisho oo xaaladeedu aad u ba’an tahay, 2.8 Qababqaabin iyo taageero in laga sameeyo degmooyinka iyo gobolladu bartamaha iyo koonfurtu inay dhistaan guddiyo gobol iyo degmo oo ku-meel-gaar ah ayadoo la siinayo talo, farsamo iyo fududayn, 2.9 Bayaan iyo ammaro siyaasadeed ee ku-meel-gaar ah in laga soo saaro bililiqada iyo dabargoynta khayraadka dalka sida batroolka iyo macdanta, iyo jaridda, gubidda iyo dhoofinta dhirta, sumaynta badda iyo berriga ee shirkadaha shisheeye sameeyaan, iyo joojinta tobanal kun ee dhalinyarada Soomaaliyeed ee lagu halaago badda Gacanka Cadmeed iyo badaha kaleba iyo sidoo kale afduubka maraakiibta caaalamiga. 2.10 Qorshayn iyo qaabnqaabin masharric degdeg ah (Crash programmes) eek u saabsan dhaqancelinta kabayahsa dhaqlaha (jidadka, garoomada, dekedaha, isgaarsiinta dawladda), beerihii dawladdu lahayn jirtey, iyo badda, si dhallinyarada (rag iyo damarba) shaqo-la’aantu hayso ay shaqo uga helaan, 2.11 Ololaynta dayactirka xarumaha iyo xafiisyada dawladda ee muhiimka ah 2.12 Dib-u-habaynta Axdiga Federaliga ee KMG ah si loo wafajiyo mabaadiida ay ku dhisan tahay Dawladda Cusub ee Midnimada Qarameed, matalan, in Axdiga lagu daro maxkamada Dastuuri ee madaxbannaan oo ay madax ka yihiin garsoorayaal la xulay isla markaana ay la taliyeyaal u yihiin qubaraa caalami ah sifooyin dhexdhexad ah leh, si loo helo hayad fasiraad iyo goáan ka bixisa sharciga marka hayadaha dawladu ku murmaan qodob ama arrin sharciyeed, i.w.m., 2.13 Dib-u-dhiska hayádihii qarameed rayadka ayadoo mudnaanta kowaad la siinayo kuwa adeegyada guud aasaasiga ee bulshada sida cadaaladda, cafimaadka, biyaha, waxbarashada, i.w.m., 2.14 Tilmaamo ka bixinta siyaasadda arrimaha maaliyadda iyo dhaqalaha ee ku salaysan dhaqaalaha suuqa xorta ee dawladdu soo dhexgasho oo habayso, 2.15 Dejinta Qorshaha iyo Miisaaniyadda Waqtiga Dedegga ah 2.16 Magacaabid Guddi Diyaarin dastuur qarameed, doorashooyin iyo arrimaha la xiirira a mutaqbalka dhaw ee loo baahan yahay in loo tabaabushaysto. 3. SIYASADDA DIBADDA
EE WAQTIGA DEGDEGGA Si loo fahmo itijaha iyo mabaadiida siyaasadda dibadda ee Dawladda Midnimo Qarameed ee cusub waxaa loo bahan yahay in la soo saaro bayaan siyaasad dibadeed ee nuxurkeedu yahay ixtiraam madaxbanaanida, dhammaanta dhuleed, faragelinta la’aanta arrimaha gudaha, deris-wanaag iyo nabad-ku-wada-noolaansho, iyo ganacsi isweydaar. 4. SIYAASADDA GUADAHA:
XILALKA WAQTIGA DHAW Siyaasadda Gudaha ee la xiriirta xilalka qarameed ee waqtida dhaw iyo waqtiga dheer waxay noqon karta dhidhibo – u-aasidda qaybaha kala duwan ee siyaasadda gudaha ee waqtiga degdegga ah kor ku qodobaysan ayadoo lagu dhul dhisayo natiijooyinka la gaaray sannadka kowaad, iyo xilalkii kale ee lagu biirin karo ee loo arko inay muhiim yihiin in lagu daro qorshaha qaramed, ayadoo la sii qorshaynayo mudada lagu jiro hirgalinta hawlaha waqtiga degdegga ah.
Waxaan kaloo kula talinayaa Madaxweynaha iyo Raiisul Wasaaraha inay bedelaan dhaqankii hoggaamiyayaasha siysaasadeed ee ayaga ka horeeyey ee ahaa in talada iyo mamulka laga fogeeyo dadka Soomaaliyeed aqoonta iyo waayo-aragnimada leh isla markaana ay soo uruursadaan kuwo aan aqoon iyo waayo-aragnimo toona lahayn oo lagu tixgeliyey qabyayaad, musuq maasuq iyo dhaba-dhilifnimo. Dhaqankaas xun bedelkiisa, waa inaad soo uruursatan aqoonyahannadii, xiffadyaqaankii, siyaasiyiintii iyo saraakiishii ciidamada hore iyo weliba dhallinyarada waxbaratay oo aqoonta akadamiga ah si uga qaybgalan dib-u-dhis ballaaran ee dhinacyada badan loo baahan yahay in lagu kiciyo oo lagu abaabulo ummadda iyo khayraadkeeda si daka loogu horumariyo.
SOOMAALIYEED Sida la ogsoon yahay, dhawr iyo tobankii sano ee la soo dhaafay mulkiyaddii iyo maamulkii siyaasadda Soomaaliyeed waxaa la wareegay dawlado iyo ururo shisheeye, Soomaaliduna marti ayey ka ahayd arrimaheeda. Taasina waxay keentay inay noqoto ma-dhacdo in xal u helo khilaafaadka qalalaasaha ka dhex oogan Ummadda Soomaaliyeed iyo in dib looga soo kabto qaran-jabkii ku dhacay Ummaddeena. Sidaas awgeed, waxaan u jeedinayaa madaxweynaha iyo Raiisul Wasaaraha cusub inay ku dadaalaan sidii ay dib ugu soo celin lahayeen mulkiyaddi iyo maamulkii siyaasadda Soomaaliya iska lahayd, si sharaftii, isku-kalsoonidii iyo awooddi ummaddu mar kale shaqeeyaan. Taas macnaheedu ma ahan in dawlado iyo urur shisheeye la weydiisto oo la yiraahdo ‘na siiya mulkiyaddii iyo maamulkii siyaasaddeenna’’, ee waxay tahay in hoggaamiyayaasha Dawlada Midnimada Qarameed Soomaaliyeed naftooda, dadkooda iyo dalkooda ku kalsoonaadaan oo wax kasta oo ay qabanayan ku bilaabaan hindisahooda, mabaadiida ummaddooda (social values), awoodda iyo maalka dadkooda iyo dalkooda gudihiisa. Markaa kadib, inay caalamka weydiistaan wixii ka dhimanaada ayaga oo qoorta dhiibanayn ee codsanaya taageerada ay doonayaan inay ku timaaddo si sharaf iyo is-tixgelin leh, iska diidaan wixii sharaftooda iyo madaxbanninda dadkooda iyo dalkooda wax u dhimaya. ‘Waad bahan tahay baqtiga loo ma cuno’ marti Soomaliyeed ayaa tiraahda. 7
BAAHIDA TAAGEERA DHAQAALEED,
|