-
Ma
u bahan tahay in an xidhiidh la samayso Shabakada
Wararka Dooxada Hobyo?
Fadlan la xidhiidh Maamulaha , Mr. Cabdiasis Haji - Emailka: Halkan Guji- :
Emailka: aragtida@hotmail.com - Copyright © mudug.com - 2000- 2009
All rights reserved.![]()
Shabakadda
Wararka Dooxada Hobyo |
Hobyo Valley News
Network - |
Ururka xoreynta
Soomali Galbeed oo ciidamada Ethiopia ku eedeeyay in ay xasuuq fara
badan ka geysteen deegaano ka tirsan Dhulka Soomalida ee Ethiopia
ay maamusho. |
Ururka Xoreynta Soomaali Galbeed ayaa dowladda Ethiopia ku eedeeyay xasuuq ciidamadeedu ay ka geysteen deegaano ka tirsan dhulka Soomaalidu ay degto ee ay maamusho Ethiopia.
Gudoomiyaha Jabhadda Xoreynta Soomaali galbeed Sheekh Ibraahim Max’ed Xuseen ayaa ku eedeeyay ciidamada Ethiopia in xasuuq ka dhan ah bini’aadanimada iyo caburis ay ka geysteen gobolka Ismaamulka Soomaalida ee Ethiopia ay heysato.
Waxaa uu sheegay in ciidamada Ethiopia ay gobolkaasi ka filiyaan siyaasad uu ku tilmaamay dil,Kufsi iyo waliba xarig aan loo meeldayin oo ay u geystaan dadka rayidka ee goboladaasi ku sugan.
Gudoomiyuhu waxaa uu sidoo kale sheegay in ciidamada Ethiopia ay halkaasi ku dileen 3800 oo dad rayid ah halka ilaa 27-kalena ay xir xireen oo ay xabsiyada dhigeen sida uu sheegay.
Sheekh Ibraahim Max’ed Xuseen ayaa waxaa uu ku eedeeyay ciidamada Ethiopia in sidoo kale ay halkaasi ka geysteen kufsi isagoo tilmaamay in 6-dii bilood ee la soo dhaafay ay gubeen in ka badan 20 tuulo oo ka tirsan dhulka Soomaalida ee Ethiopia ay heysato.
Waxaa u carabka ku dhiftay in Ururkoodu ay halkaasi ka wadaan dagaalo uu sheegay in ay kula jiraan ciidamada Ethiopia kaasoo uu ku tilmaamay in ay soo bilowdeen sanadkii 1992-dii oo ay Ethiopia kaga dileen ilaa 50-kun oo askari,isagoona tilmaamay in dhinacooda 90-kun oo jabhadooda ka mid ahna ay dagaaladaasi kaga shihiideen.
Sheekh Ibraahim Max’ed ayaa waxaa uu ugu baaqay kooxaha hubaysan ee Soomaaliya ku sugan in ay midoobaan oo ay iska ilaaliyaan wxaa uu ugu yeeray hagardaamada reer galbeedku ay doonayaan in ay ku kala qeybiyaan.
Waxaa uu hadalkiisa ku soo gab gabeeyay in mushaakilka
ka jira gobolka Geeska Africa oo ka dhashay is balaarinka Ethiopia
ay ku doonayso in ay isku balaariso dhulka Soomaalida islamarkaana
amaan darida ka jirta gobolka ay taagnaan doonto inta Ethiopia ay
heeysato dhulka Soomaalida. |