.

 

 

 

 

 

 

-

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Emailka: aragtida@hotmail.com - Copyright © mudug.com - 2000- 2009 All rights reserved.

 

OPINION / FIKRAD

Somalia: Parliament Ratifies Islamic Law As National Legislation.
mudug.com
www.mudug.com
Waa maxay Nabada iyo Xalinta khilaafadku

Nabada iyo Xalinta khilaafadku waa cilmi sodonkii sano ee ugu danbeeyay soo kordhayay kadib markay khilaafadkii sii bateen, oo halkii laga sugaayay in calamku nabad dub ugu soo laabto ka dib dagaalkii labaad ee calamka, ay wadamo badan oo kuwa soo koraya ahi ay bilaabeen waxaa lagu magacaabo afka qalaad(intra state conflict) oo ah dagaal dowladaa ka dhexeeya sidii kii Somalia iyo Ethoipia una badnaa intii dagaalkii qabooba ee ilaa 1990 socday, intii intaa ka danbeeysayna waxaa bilaabmay waxa loo yaqaan afka qalaad (interstate conflict or civil wars) oo ah in halkii laba dowladood ka dagaalami jireen uu dagaalad intoodii badnayd isku badaleen in dowlada gudaheedii uu ka bilaabmo is dil ay dadkii shalay walaala aha EE wadanka wada deganaa is dilaan,

tani waxay aad u sii badatay ka dib markii dagaalkii qabooba (cold war) dhamaaday kadib burburkii Soviateka 1990, oo labada quwadood ee calaamka ku hirdaamayay si aan toos ahayn ,(waa sababta loogu magacaabay dagaalka qaboobe), meesha ka baxay, waxaa istaagay dhamaan cawimooyinkii siyaasad ku saleysnaa ee dowladaa waaweeyni ay siin jireen dowladaa yaryar markay mesha ka baxeen danahii siyaasadeed , taaso abuurtay in dowladii is bixin wayaan, intay dagaalada ku jireena waxaa ku badnaa kharashka milateriga ka gala iyo hub iibsiga, dabadeed ay bilaaban inay jaraan kharashkii ku bixi jiray horumarka shacabka sida wax barashadii, cafimaadkii, Fursadii shaqo, oo noqday garab garab iyo qabil in la isku siiyo fursadaa yar yare e soo baxay. Taasna keentay in dadkii dalka wada degenaa iska soo horjeestaan.

Wakhtigaa 90 kii waxaa aad u batay dagaalada sokeeya ah waxaa xiliyadaa socday dagaalkii Somalia/Somaliland , dagaalkii Ruwanda ee lagu xasuuqay in ka badan 800,000 oo qof oo qabiilkaliya u badan, kii Liberia, Seraleion, Ethiopia /Eretria, Sudan, Uganda, Burundi, iyo wadamo badan oo kale oo calamka ah. Sida Seri lank, Haiti, Bosnia, Afghanistan, east Timor, Lebanon, iyo kuwo kaloo aan halkan lagu koobi Karin oo lagu qiyaaso 74 dagaal,

Intooda badanina waxay ahaayeen dalkaliya gudahood dagaal khuseeyay oo dadkii dalkaa ku noola ay islaynayeen, taasina waxay keentay in UN uu siiyo ahmiyad dheerada iyo cilmi baadhis badan oo ku saabsan xalinta khilaafadkan siiyo iyo sidii nabad loogu soo celin lahaa calmka.

Hadaba khilaafku (conflict) waa qayb nolosha bani aadamka ka mida oo aan la ga badbaadin Karin, somaliduna waxay tidhaa ilko iyo carabkuba way isku dhacaan, ama nin iyo naagtii cola maha nabadna maaha, wuxuu ka dhashaa marka ay laba qof isku gu yimaadan yool u muuqata in ay iska horimanayasa amaba iska hortimiba, Markaan leeyay u muuqata waxaan u jeeda mararka qaarkood qofku wuxuu gala khilaaf iyo dirir, marka lakiin la eego waxa la isku hayo ee xaqiiqda loo dhaadhaco waxaa soo baxa inaan mesha khilaafba oolin ee labada qof wax uun u muuqdeen leh waa lagu khilaafay,

Tusaale ahaan laba nin ayaa isku hayaa hal xaboo liin ah, meeshana wax kale oo dheerada oo yaala majiraan, labada qof waxay taganyiin anaa qadanaya iyo anaa qadanaya, dabadeed dirirtii ayaa halkaa ka bilaabmatay, markii lakiin xaqiiqadii loo dhaadhacay, oo la baadhay waxay isku hayaan waxaa soo baxday in aan mesha khilaafba oo lin, waayo waxaa la waydiiyay midkasta maxaad liinta ku falaysaa, marka mid wuxuu ku jawaabay waxaan ka dhiganayaa casiir oo waan miiranayaa, kii kalena wuxuu ku jawaabay waxaan leeyay cuncun oo diirkeedan isku xoqayaa aad ayaan ugu baahnay, waxaa soo baxday in labada nin midna diirka doonayo midna dhuuxa hoose si uu u miirto, taasina waxaay tusaysaa in halka liina midna diirka qaadan karo midna dhuuxa, meshana aanu khilaafba oolin lakiin sababtu waxaa weeye, wada hadal la aan iyo is fahan la aan, waana dhibaatada ka taagan meelo badan, oo khilaafkoodu ku salaysanyay is fahan laaan. Way jirtaa marar aan la xalinkarin khilaafka oo aay sida liinta loo kala qaybiin Karin. Lakiin way yaryiin.

Liinta waxaa lagu magacaaba afka qalaad (position) oo ah mawqif ama mesha uu qofku arin ka taaganyey, ujeedada uu ka leeyahay mowqifkaana waxaa lagu magacaaba( interest) oo ah dan gaara, qofku markuu leeyay waxaasan doonayaa, inta badan waxaa jirta dan uu u donaayo hadii dantaa la xaliyo qofku wuu kabaxaa marxalada khilaafka, oo masha khilaafba ma jirayo sida tusaalii liinta, positionku wuxuu ahaa liintaan doonayaa, oo taasi khilaaf ayaay u muqatay labadoodaba lakiin marka intereskooda la eegay mesha wax khilaafi muu jirin waayo liintu labadoodaba way ku filaantay.

Dadka cilmigan aadka ugu takhasusay waxay inta badan ku taliyaan in aan positionada dadku kala taagaanyiin wakhti badan lagu lumin ee loo dhaadhaco intereska ka danbeeya positionka marka tusalee ahaan siyaasi leeyay kursigaan doonayaa inaa qabto, oo wadankaan u shaqaynayaa inta badan waa position lakiin arintaa interest ayaa ka danbeeya, ama mid dhaqaale ha noqdo ama mid siyaasadeed ha noqdo ama mid mabda . runtu waxay tay hadii qofka intereskiisa la xaliyo inaanu waxba ka qabin inta badan xataa hadii kaan uu la tartamayaa mesha sii hayo iyo hadii uu la shaqeeyaba.

Ugu danbayn khilaafku waa xaqiiqo jirta, hadh iyo habeena dhacaaya, ama laba qof ha u dhaxeeyo, ama in ka badan , dhibaato ku ma jirto dhicidiisa ee dhibatadu waxa weeye sidii loo mamuli laa, hadii si wanaagsan loo mamulo khilaafku dawuu noqdaa oo wixii qaldanaa ayuu daweeya, hadii se si xun loo mamulo wuxuu noqdaa cudur, dawadiisuna way dheerataa, waana tan intabadan Africa haysata.

 

waxaa so diyaariyay

Awes ghelle