.
-
Minister of Information / Wasaaradda Warfaafinta
Emailka: aragtida@hotmail.com![]()
Galmudug State of Somalia |
Minister
of Information / Wasaaradda Warfaafinta |
Madaxweynaha
Dawlad Goboleedka Galmudug Axmed Shariif Cali Hilowle oo maantay kulan
la qaatay xubno ka socday hay’adaha UNka iyo OCHA. |
|||||||||
Minister of Information / Wasaaradda Warfaafinta Arbaco, September 16, 2009 |
|||||||||
|
|||||||||
|
Shir ay wada yeesheen madaxweynaha dawlad gobleedka gal-mudug axmed shariif cali hilolwle iyo xubno ka socda hay’adaha unka iyo ocha ayaa maantay ka dhacay xarunta madaxtooyada dawlad goboleedka gal-mudug. kulanka maantay waxaa looga wada hadalay xaalada
abaareed ee ka jirta deegaanada dawlad goboleedka gal-mudug iyo sidii
gar-gaar bani’aadantinimo loola soo gaari lahaa dadka ay ku
habsatay abaarta Madaxweyne axmed shariif cali hilowle waxa
uu ka codsaday mas’uuliyiintii ka socotay hay’adaha unka
iyo ocha in ay hay’aduhu laba laabaan hawlaha gar-gaarka bani’aadantinimo
ee ka jira deegaanada Sidoo kale madaxweyne axmed shariif cali hilowle waxa uu caddeeyay in ay soo dhaweeynayaan hawlaha shaqo ee hay’addu qabanayso isla markaana garab ay ku siinayaan dawladdu shaqadooda. Madaxweynuhu waxa kaloo uu caddeeyay in goobaha gal-mudug ay ka jiraan nabad laysku halayn karo oo buuxda bulshadana ay la shaqaynayaan ciddii wax u qabaynaysa. Mas’uuliyiinta kulanka la qaadatay madaxweynaha waxaa ka mid ahaa: - Mr puol oo ahaa masuulka ugu sareeya hay’adda UNka xafiiska Nayroobi. - Mr laaris oo ah madaxa hay’adda ocha gobolka mudug. Iyo - cabdiraxmaan dhabancad oo ahaa mas’uulka u qaabilsan hay’adda unka magaalada gaalkacyo. Ugu danbayntii kulankaasi waxaa ka qab-galay golaha wasiiradda sida: - Wasiirka iskaashiga iyo xiriirka caalamiga cumar maxamuud rooble (cumar suuri). - Wasiirka arimaha gudaha qaliif ciise cigaal. - Wasiirka waxbarasgada xasan cawaale googooje. - Wasiirka kaluumaysiga iyo khayraadka badda c/laahi jaamac dhoore. - Wasiirka xanaanada xoolaha cali ducaale kaahiye. - Wasiirka maaliyadda maxamuud cigaal ciro. Iyo wasiir ku xigeenka wasaaradda warfaafinta
ahne afhayeenka dawladda Nuuradiin Cismaan Maxamed (abuuakram). |
|||||||||