-

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Ma u bahan tahay in an xidhiidh la samayso Shabakada Wararka Dooxada Hobyo? Fadlan la xidhiidh Maamulaha , Mr. Cabdiasis Haji - Emailka: Halkan Guji- : Emailka: aragtida@hotmail.com - Copyright © mudug.com - 2000- 2009 All rights reserved.

Somalia: Parliament Ratifies Islamic Law As National Legislation.
mudug.com
Xarunta Warbaahinta Mudug
 
www.mudug.com


Bismillaahi Raxmaani Raxi


Dawlad-Goboleedka Galmudug Galmudug State
Xafiiska Madaxweyneha Office of the President

--------------------------------------------------------------------------------------------

 

Majo 25, 2009
MGS/XM/25/05/09/00025

3. Qodobka 45aad: Kaladirdda Golaha wakiilada

1. Golaha Wakiilada waxaa la kala diri kara markii arrimaha ku xusan qodobkaan faqradiisa 2, 3, iyo 4, ay dhacaan ama qaarkood dhacaan.

2. Markii ay iscasilaan aqlabiyadda Golaha Wakiilada;

3. Markii Goluhu farrisan waayo labo kalfadhi oo isku xiga, aysan jirinna duruuf kalliftay;

4. Markii ay sugnaato in Goluhu si bareer ah ugu xadgubay Axdiga;

5. Markii ay dhacaan arrimaha ku xusan qodobkaan faqradiisa, 2, 3, iyo 4, Madaxweynaha Dawladda waxa uu Maxkamada Sare u gudbinayaa qoraal uu ku dalbanayo caddaynta qodobkan faqradiisa 2, 3, iyo 4;

6. Haddii ay u cadaato Maxkamada Sare falalka ku xusan qodobkan faqradiisa, 2, 3, iyo 4, waxa ay Madaxweynaha Dawladda u gudbinaysaa in ay sugnaatay wax ka-jiridda eedayntii lagu oogay;

7. Caddaynta Maxkamada markii uu helo Madaxweynaha Dawladda ayuu soo saarayaa qoraalka kaladirista Golaha. Isaga oo isla qoraalkaas ku caddaynaya xilliga doorashada Golaha cusub muddo 60 beri gudahood ah. Inta Gole cusub laga soo doranayo Golahii hore ayaa xilka sii haynaya, isagoo ku shqaynaya qorshihii hore mase abuuri karo qorshe cusub.

--------------------------------------------------------------------------------------------

Bismillaahi Raxmaani Raxi


Dawlad-Goboleedka Galmudug - Galmudug State
Xafiiska Madaxweyneha - Office of the President
--------------------------------------------------------------------------------------------
25 Majo 2009
MGS/XM/25/05/09/00025

QORAAL RASMI AH

Ku: Mudane Shekh Axmed Shekh Yusuf
Guddoomiyaha Maxkamada Sare ee Galmudug

Ujeedo: Codsi caddayn Qodobka 45aad, faqradiisa 3aad

Waxa jirta in aan Golaha Wakiiladu fariisan kalfadhiyadii Oktoobar iyo Diseember ee 2006, iyo 4tii kalfadhi ee sannadkii 2007, iyo Abril 2008.

Mudane Guddoomiye waxaan ka codsanayaa Maxkamada Sare ee sharafta leh caddayso in aan Golaha Wakiiladu fariisan laba kalfadhi oo isku xiga.

Wa Billahi tawfiiq

 

Dr. Mohamed Warsame-Kimiko
Madaxweynaha Galmudug State

25 Majo 2009