Mahad oo dhan Ilaahay baa leh Nabad iyo Naxariisina Nebigeenna Korkiisa
ha Ahaato.
Axaadiista Nebigeenna Ka sugnaatay ee Tiirarka Nolosha
iyo Tusaalaha Noqotay waxaa ka mida, Xadiiska oranaya (( Haddaadan
Xishoon Waxaad Doonto Fal)).
Sidaas darteed ayey Soomaalidu tidhaahdaa Xishood
waa Diin.
Xaddiiskan wuxuu igu soo dhacay, markaan maqlay (Is
Afgarad) ay DKM G ahi la saxiixatay Dawladda Kenya, uuna xagga Soomaalida
u qalinka u hayey Cabdiraxman Cabdishakur.
Soomali badan ayaa qaylisay, Culimo, Aqoon yahan,
iyo Waxgaradba isugu jira. Waxaa lala yaabay sida Qoladan ku meelgaarka
ahi, ugu dhiirranayaan, oo misana ugu indha adagyihiin, arrimo saamayn
weyn kuleh Soomaaliya Aaayeheeda (Dal & Dadba). Markii lagu
baraarujiyey waxa ay saxiixeen iney ku gafeena, weyba is caraysiiyeen,
xusul duubna wexey u galeen iney (indha adayg) ugu doodaan inaaney
dhulna taako ka tanaasulin, dalna ayan dayicin. Raisul wasaaruhuna
wuxuu dadka Soomaaliyeed usoo jeediyey (Muxaadaro) (Idaacadda VOA)
ama (Lecture) uu ku kala barayo farqiga u dhexeeya (Agreement) (Heshiis)
iyo (Memorrandum of Understanding) (Warqad is Afgarasho). Wuxuuna
ku canaantay (Dadka Soomaaliyeed) ee Cuimada leh, Professorada leh,
Garyaqaanada Leh, Aqoon yahanka Kala duwan leh, Khubarada Badaha
iyo Dawladnimada leh, (Dhamaantood isagoon kala saarin) iney yihiin
dad aan waxba garanayn, (Af ingiriisigana) aan aqoon, iyagoon waxba
akhrinna iska qaylinaya!! Cabdishakuurna wuxuu yiri, waxaanba la
yaabbanahay Soomaaliya iyo Keenya Xadba looma xarriiqin!!
War Illeyn Dad la aragba dhib la arag! Haddaa Cilmi
Adduun iyo mid Aakhiraba ma Cumar & Cabdishakur buu ku idlaaday,
haddii Soomaalida kale dhamaantood aqoon la,aan la ciirsantahay!
Soomaaliyana Xuduudeedu ma wexey sugeysey, Cumar iyo Cabdishakur
oo aan weli meel ay salka dhigaan lahayn? Maxaa ugu wacan nimanka
xishood la'aanta, oo haddeey qalad galeen ama wax loo hoos geliyey
u qiran waayeen, si wax loola daba qabto. Waa wax lala yaabo, laakiin
bal aan (Is afgaradkan) wixii iiga bidhaamay ka sheego:
Ugu horrayn Dawladdan Kumeelgaarka sida mageceeda ka muuqda, ama
xaalkeeduba yahay, maaha Dawlad Joogta ah, mana aha, mid awood dalkii
Jamhuuriyadda Soomaaliya la oran jirey ku hanatay ama loogu aqoonsaday,
Sidaa darteed waxaa ku habboon, mar walba iney xaqiiqdaas ogaato,
ummuuraha wixii qaranka Soomaaliyeed Saamayn ku lehna, la sugto
inta ay Dawlad Dalkii Jamhuuriyadda Hanata noqoneyso, lugtii jeeni
dhaaftaa wey jabtaaye, haddey Dawlad dhaba noqotana waa sidii la
rabayoo waa khayr, haddey noqon weydana, inaaney Jamhuuriyaddii
Soomaaliya dhib u kordhin. Laakiin waxaa muuqata nimanku ineyba
deg degsanyihiin, taasina wax badan ayey ka bi'ineysaa.
Midda labaad: Dawladdan Ku meel gaarka ah, waxaa ku habboonaa iney
horta ka shaqayso sidii Badda Soomaaliya khayraadkeeda wixii haray
loo daba qaban lahaa, ee maahayn, hawla aan (awoodeedu) weli gaarin
iney gasho. Waxaa la sugayey iney isku dayaan iney wax ka qabtaan,
Burcadda Adduunka ee yurub leh, ee Asia leh, ee Carb leh, ee Afrikaan
leh, ee Badaha Soomaaliya 19 sano boobayey khayraadkeeda. EU da
keliya waxaa lagu qiyaasay iney sanad walba in ka badan (300,000,000)
oo EURO, oo kalluuna baddeena ka gurtaan, halka sanadkii 2007 ay
Hay'adda FAO sheegtay sanadkii (2007) oo qudha in ka badan (700)
oo markab oo si sharci darra ah uga kalluumaysanaya xeebaha Soomaliya
hal mar ku kulmeen! Burcad nimada heerkaas gaartay ee waxa loo yaqaan
(Beesha Caalamka) ay ka aamusanatahy, waxaa lagu daboolaa in la
buun buuniyo (Burcad Badeedda) wiilal Soomaaliyeed oo yar yare e
gaajo ama dhib u geeyey iney xeebohooda waxa laga guranayo qayb
ka helaan, inagoo aan difaacayn qalaadaadkooda. Sow kuma habboonayn
Cumar Cabdirashiid iyo Cabdishakur iney arrintaan Deg Dega ah, ugu
yaraan, ka qayliyaan, ka shaqeeyaan, sidii loo daba qaban lahaa,
inta ay, ku hadaaqi lahaayeen, ku cel celinta (riwaayadda) burcad
badeedda, ee lagu daboolayo (Burcad Badeedka) waaweyn ee dal dhan
dhacaya, dadna xaalufinaya!
Heshiiska Is afgaradka Keenya lala saxiixay marka la akhriyo Nuqulkiisa
Afka Ingiriisiga Ku qoran ee la shaaciyey, wuxuu garan karaa qof
kasta oo wuxuun Maamul ama Dawladnimo wax kasoo arkay inuu yahay,
Is afgarad, lafaha looga jebiyey Soomaaliya,mindina dhuunta loogaga
dhuftay. Qofka Saxiixay ama ansixiyeyna waa laba kala daran midkood:
Inusan qiimayn Karin ama garan Karin Masuuliyadda hadalada uu saxiixayo
iyo culayskooda iyo caaqibadooda berrito iyo saamaynta ay ku yeelan
karaan Qaranka Soomaaliyeed, iyo in waqtigeedi la joogo, ama looba
baahanyahay iyo in kale, taasina waa dhib dhib dhaafay.
Inuu intaasoo dhan ogyahay, si bareerana ugu dhiiradey inuu saxiixo
waxa meesha ku qoran, Soomaaliyoo dhan oo indhiheedu shan yihiinna
u babac dhigo oo ku indha adaygo, wixii ku bixiyaaba haku bixiyeen,
taasina waa dhib dhib dhaafay dhib ka daran
Maqsuudka ugu weyn ee Is afgaradku qeexayo waa: in labada dhinac
isla garteen oo isla qireen in: Xuduuda Badda aan Horay loo Xaallin!!
Ayna tahay mandiqad lagu muransanyahay!! Arrinkaas oo ah Ujeedka
Keenya sida muuqata, Is afgaradka waa lagu soo cel celiyey, warqad
laba boga, ayaa 14 jeer lagusoo cel celiyey, qoraalada qaanuuniga
ahna macneheedu waa (14 xarig oo mas'aladaas lagu guntey) si aaney
marnaba u fakan!! Ninka Soomaaligaa ee heshiiskan saxiixay hadduusan
ogayn waa hoog!! Hadduu ogyahayna waa hoog iyo ba'.!!
Sida la ogsoon yahayna: Jamhuuriyadda Soomaaliya iyo Jamhuuriyadda
Keenya, waxaa ka dhexeeya arrima badan, jilaafooyin badan, wax badanna
bad iyo berri ilaa iyo qarnigan lasoo dhaafay wey isku hayeen, welina
xaajadu ma dhammaan. Xuduudda Badda ee Soomaaliyana Jamhuuriyaddii
Soomaaliya Dawlddii ugu dambeysey (Dawladnimo & Qaranimo) adduunku
wuu u aqoonsanaa, Muranna kama jirin, Keenyana masoo hawaysan marna
iney tiraahdo (Mandiqa muran ka jiro) ama sida heshiiska loogu cel
celiyey (area under dispute) – cibaaradaas sagaal goor ayey
ku timi heshiiskan – Maxaa ku kalifey Dawladdan weli aan salkaba
dhigin, dalkiina weli aan gacan ku hayn, iney hawsha (baaxaddaas
iyo khatartaas leh) gasho!
Heshiisku wuxuu dhex maray Jamhuuriyadda Keenya iyo Dawladda kumeel
Gaarka ah, laakiin wuxuu khuseeyaa: Xadka u dhexeeya Jamhuuriyadda
Kenya iyo Jamhuuriyadda Soomaaliya.. Su'aasha qof kasta oo miyirkiisu
joogo is weydiin karaa wexey tahay: Dawladda Kumeel Gaarka ah ee
dhinac ka ah heshiiskan, Awood iyo Gacan maku leedahay oo wax ma
u saxiixi kartaa – Jamhuuriyaddii Soomaaliya? Wexey Ila tahay
Jawaabtu iney iska caddahay. Dawladaan Ku Meel Gaarka ahi Jamhuuriyaddii
Soomaaliya mexey ka haysaa? Wexey ka haysaa ilaa hadda Muqdisha
qayba ka mida, Jawhar iyo Qayb Beledweyne!! Waan u rajayneynaa iney
inta kale hanato, laakiin hadda intaas ayey joogtaa, haddeey intaa
wax ka saxiixdo, waa la garaysan kari lahaa, laakiin Jamhuuriyaddii
Soomaaliya – Sida ku qoran Heshiiska – waa xad gudub!
Midda kale, Haddii heshiiska ay ku qorantahay Kenya iyo DFKG, maxaa
dhulka ay khuseysana loo oran waayey – Dhulka ay haysato –
DFKM – si cadaalad arrinku u noqdo, Soomaalida kalena aan
dhib loogu soo jiidin, DKMG ay u hesho qiil, ineyan saxiixin heshiiskan
oo tiraahdo, (War Dee Dhulkii Jamhuuriyadaba Weli Ma hayee Bal Isuga
intaan Qabsanayo ama Inta aan Hadda ka taliyo Waxaad Rabtaan aan
idiin ka saxiixo), Tan kale, Haddii (Wasiirka) Heshiiska Saxiixay,
iyo Ra'isul Wasaaraha u Ansixiyey, ay doonaanba (kaba soo qaad)
iney soo kormeeraan, dhulka ama Badda Heshiisku ka hadlaayo, masoo
kormeeri karaan Tolow? Waxaan ka codsan lahaa (Wasiir Cabdishakur)
isagoo raalliya, bal inuu soo eego meesha heshiiska uu saxiixay
ka hadlaayo!
Waxaan la yaabay heshiisku inuu (Jamhuuriyaddii Soomaaliya) u garbaduubo
keliya kama shaqayn, wuxuu xitaa (fara gelin) aan xishood lahayn
ku samaynayaa qoladan la saxiixaneysa (waxa ay u qadimi doonto)
UN ka (Submission) tasoo loo qoray si (yeerin) oo kale ah, oo la
yiri, qoraalka ay qadimi doonto DKMG 13 May kahor (Submission):
Marka hore waa (macluumaad hordhaca) (Preliminary Information) –
yacni maaha wax gundhig ah oo ku tacalluqa arrimahan laf dhabartooda
ee waa (warbixin hordhaca keliya) tan labaad, arrinkaasu wax saamayn
ah kuma yeelanayo meesha muranku ka taaganyahay- macnaha faham waa
haddii keenya loo xukumayo wax dooda ama caqabada ku keeni mayo
waxa ay nimankaanu qadimaan -.Tan saddexaad wexey soomaalidu qaddimeyso
– ufiirso- waxaa loola jeedaa OO KELIYA waa iney waqtiga 13
May haleelaan oo qudha ee wax kale, qadimaadooda loolamaba jeedo
(Yaab) (It will Solely aim at complying with the the time period
referred to) Waxaa la yaab leh, keenya waxaa ku fillaan weydey,
iney (14 xarig oo adag ku xirto Soomaalida) laakiin wexey (Gacmaha
kasii xireysaa) wexey UN ka geyn doonaan, si aaney wadada ay sii
xaadhaneyso uga hor imaan, tasoo ah xukunka ama Tawsiyada ay ridaan
Guddiga Badaha UN ka.
Heshiiska waxaa kaloo ku cad in Soomaalidu (Oggolaansho) haddaba
sii bixineyso wixii xukun ka soo baxa (dhulka la leeyahay ma xallisna
oo muran ayaa ka taagan) taasna gar yaqaanada Kenya ee sida (halista)
ah usoo diyaarshey heshiiskan (si ay dhuunta u gooyaan Soomaaliya)
wexey uga gol leeyihiin gogol xaadhka qaanuuniga ah ee ay ugu sii
gogol xaadhayaan sidii loo siin lahaa dhulka ay calaamadsadeen ee
Soomaaliya. Waa meesha ay leeyihiin (give prior consent) (Wexey
hadaba sii bixinayaan ogolaanshohooda in guddiga UNka ee wax xukumayaa
tix geliyo waxa loo qaddimey) waana laguu sheegay Soomaalidu wexey
qaddimeyso, keenyana (calaamada cad ayey qadimatey) waxaanoo dhamina
waa wixii markhaati iyo taageero looga dhigi lahaa waxa Kenya dalbatay.
Waxaa kasoo Yeedhay Wasiirkii arrinkaan saxiixay: Waxaan ogaanney
in Somaliya Xadkeedu aanuba caddayn oo jirin!! Maashallaah..Maashallaah..
Soomaliya Dawlad ma lahayn, Bad yaqaano, iyo Heshiisyo, iyo Garyaqaanana
ma lahayn, Dawladna maba ahayn Dawladdii Maxamad Siyaad, Ilaa uu
ka yimaado Cabdishakur oo Xuduudi Soomaaliya soo xaqiijiyo!! Maashallaah..
Warkaasu wuxuu ku tusinayaa, xaddiiskii aan ku bilaabay qormadaan
oo ahaa: Haddaadan Xishoonayn waxaad doonto Fal!
Waxaa isna Idaacadda Khudbad noogu jeediyey Raisul Wasaaraha oo
sheegay: Wax heshiis ah lama saxiixin, markii hawshan la gaarana
guddi ayaanu u saarnay khubara ah oo ka shaqeeya!! Macnihiisa waxaan
u fahamney, Markii Kenya doodeeda loo xukumo, sida hadda laysla
gaaray, ee Faasku Soomaalida Madaxa kaga dhoco, baddoodana qaanuun
ahaan loo aqoonsado bad keenya leedahay, markaa kadib ayaanu ashtako
samayn doonaa, garyaqaanana raadin doonaa. Horta Ini Cabdirashiid
inuu waqtigaa gaarayo lama hubo, Dawladdiisuna waaba tag darantahay,
sidey ku istaagi lahaydna wadadeedi ma hayso, oo goorey tegi doonto
manaqaan. Intaasoo dhan waxaaba nooga sokeeya: Maandhow Ashtakana
hanoo gelin, Guddina ha qaban, Garyaqaanana hanoo raadin, Laakiin
Dhulkayaga iyo Baddayada sideey ahaayeen noogu daa oo keliya!
Soomaali waxaa la gudboon iney waxaan ka hor tagaan. Culimada waxaa
la gudboon iney Fataawi arrinkan kasoo saaraan. Aqoon yahanka waxaa
la gudboon iney caddeeyaan dhagarta Soomaaliya lala maagay, iyadoo
tabar darada iyo Dawlad La'aanta lagu arkay. Khubaradii hore ee
Soomaaliya waxaa la gudboon iney dhawaqa sara u qaadaan, waagii
carrigu Dawlad ahaana wixii jirey wexey ka hayaan soo saaraan.
DFKM waxaa la gudboon iney heshiiskan ceebta ah ka noqdaan si Ummadda
Soomaaliyeed ugu garawdo, oo loogala shaqeeyo sidii Kenya damaceeda
looga hortegi lahaa. Madaxweynaha oo sheekooyinka hoose sheegayaan
inuu yiri: Waxaan kama war hayn, Wasiirka Arrimaha Dibadda oo sidoo
kale sheegay inaanu ka war hayn, Barlamaanka oo aan ka war hayn,
waxaa iyagana la gudboon, warqadda C/shakuur iney waxba kama jiraan
kasoo qaadaan. Waxaan hal mar ka codsaneynaa DKMG iney isku daydo
iney Shacabka Soomaaliyeed isku hallayso Ilaahay ka sokow, Aqqonsi
iyo Taageerana isaga ka raadiso, in ka badan intey ka raadiso, Beesha
Caalamka! Ilaahow Dawladda Sh. Shariif Arrinka ku hanuuni.
War hooy yaan Innagoo aamusan oo aan wax ogayn Layna Meherin!!!
Muxamad Idris Axmed
dalyaqaan@yahoo.com