Guddiga qaban qaabada Toddobaadka Xorriyadda oo kormeer ku tagay Garoonka Ciyaaraha Muqdisho “Sawirro”.

Guddiga Qaban qaabada Toddobaadka Xorriyadda Soomaaliya ayaa Kormeer shaqo ku tagay Garoonka Kubada Cagta ee Stadium Muqdisho oo dhawaan lagu sameeyey dayactir xoogan.

Kormeerkan ayaa waxaa hogaaminaayey  Gudoomiyaha Guddiga Qaban qaabada Toddobaadka Xorriyadda Soomaaliya ahna Wasiirka Wasaarada Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska Jamhuuriyadda Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdi Xayir Maareeye. Waxaana qeyb ka ahaa Wasiirka Dhalinyarada iyo Cayaahara Dalka Qadiijo Maxamed Diiriye Wasiirka Maaliyada Dowlada Soomaaliya Cabdiraxmaan Ducaale Beyle, Taliye yaasha Ciidamada Booliska iyo Asluubta iyo Masuuliyiin kale,

Masuuliyiintani ayaa Booqday dhowr qeybood oo ka mid ah Garoonka Kubada Cagta ee Stadium Muqdisho waxaana halka uu dhismahani marayo ka war bixisay Wasiirka Wasaarada Dhalinyarada iyo Cayaaraha Dowlada Soomaaliya Xildhibaan Khadiijo Maxamed Diiriye.

Qaar ka mid ah Ciyaartooydii hore ee Dalka ayaa kaga Mahad celiyay Wasiir Khadiijo Dib u dhiska Xarumaha Sportiga Dalka iyaga oo shaaca ka qaaday inay Wasiir Khadiijo ay boos weyn ku leedahay maanka Bahda Cayaaraha Dalka.