-
Ma
u bahan tahay in an xidhiidh la samayso Shabakada
Wararka Dooxada Hobyo?
Fadlan la xidhiidh Maamulaha , Mr. Cabdiasis Haji - Emailka: Halkan Guji- :
Emailka: aragtida@hotmail.com - Copyright © mudug.com - 2000- 2009
All rights reserved.![]()
Shabakadda
Wararka Dooxada Hobyo |
Hobyo Valley News Network - VNN |
Galmudug:
Xal Ma Ahan In Siyaaso Fidno La-Abuuro |
waxaan
ka soo xiganay mudugnet.com |
Sabti, June
27, 2009.
Maanta oo bishu tahay 27 June, 2009, waxaa shir Jaraa'id ku qabtay magaalada Gaalkacyo, madaxweyne Kiimiko wuxuuna shaaca ka qaaday in uusan u taagneyn xilka madaxtooyada Galmudug marlabaad balse uu xilkaas sii heyn doono ilaa iyo madaxweyne cusub oo raali lagawada yahay loo dooranayo Galmudug. Madaxweyne Mohamed Warsame Ali, wuxuu shirkaas ay kasoo qabgaleen golayaasha xukuumadda, guurtida dhaqanka, golaha garsoorka, guddiga amniga iyo qaar kamid ah bulshada reer Galmudug, uu ka sheegay in uu muddo labo maalmood gudahood ah ku magacaabi doono guddi qaban qaabisa doorashada madaxtooyada Galmudug asagoo qeexay in 1da July 2009 ay bulshada geer Galmudug dooran doonaan barlamaan cusub islamarkaasna barlamaanka cusubi dooran doono madaxtooyada Galmudug. Sidoo kale, madaxweyne Kiimiko wuxuu
shirkaas uu maanta qabtay ku cadeeyay in sababta uu go'aankaas u
gaaray ay tahay khilaafaadka ba'an ee u dhaxeeya ama dhexmaray asaga
iyo Golaha barlamaanka, is-maandhaaf kaasoo u muuqda mid xal loo
waayay.
|