-
Ma
u bahan tahay in an xidhiidh la samayso Shabakada
Wararka Dooxada Hobyo?
Fadlan la xidhiidh Maamulaha , Mr. Cabdiasis Haji - Emailka: Halkan Guji- :
Emailka: aragtida@hotmail.com - Copyright © mudug.com - 2000- 2009
All rights reserved.![]()
Shabakadda
Wararka Dooxada Hobyo |
Hobyo Valley News
Network - |
Shabelle: DOOLOW
Xildhibaan ka tirsan Mudanayaasha Barlamanaka KMG oo ku sugan degmada Doolow ayaa sheegay in ay doonayaan in maamul mideysan loo dhiso G/Gedo. |
Xildhibaan Max’uud siyid Aadan oo ka mid ah mudanayaasha Barlamanka dowladda KMG Soomaaliya kuna sugan degmada Doolow ayaa isagoo xalay u waramayay Idaacada Shabelle waxa uu sheegay in ay dhaq dhaqaaqyo ka wadaan halkaasi kuwaasi oo uu ku tilmaamay in ay yihiin sidii maamul mideysan loogu dhisi lahaa Gobolka Gedo islamarkaana dadka ay raali isaga yihiin laguna dhaqmo Shareecada Islaamka.
Xildhibaanka ayaa Mar Shabelle ay wax ka weydiisay waxaa ka jira ciidamo la sheegay in uu ku aruursanayo degmada Doolow ayaa waxaa uu sheegay in aanan loo arag xumaan balse uu doonayo oo kali ah in maamul Mideysan loo helo dadka Deegaanka kaasoo ay raali ku wada yihiin,waxaana uu meesha ka saaray in ay jiraan ciidamo uu aruursanayo.
Xildhibaan Max’uud siyid Aadan waxaa uu dadka ka soo jeeda gobolkaasi ee ku nool dibadaha uu ku eedeeyay in ay ka gaabiyeen sidii maamul mideysan loogu heli lahaa dadka ku nool gobolkaas,waxaana hadalka Max’uud Sayid Aadan uu ku soo aadayaa xili dhinacyada ku sugan gobolka Gedo ay sheegeen in ay doonayaan in gobolka Gedo lagu xaliyo arinkiisa qaab wada hadal ah.
|