-

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Ma u bahan tahay in an xidhiidh la samayso Shabakada Wararka Dooxada Hobyo? Fadlan la xidhiidh Maamulaha , Mr. Cabdiasis Haji - Emailka: Halkan Guji- : Emailka: aragtida@hotmail.com - Copyright © mudug.com - 2000- 2009 All rights reserved.

Somalia: Parliament Ratifies Islamic Law As National Legislation.
mudug.com
Shabakadda Wararka Dooxada Hobyo
Hobyo Valley News Network -
www.mudug.com
Idaacadda Dooxada Hobyo - Commimg soon
April 21 2009 - Axmed Diiriye Cali "Al-Shabaab liis aan aniga iyo ragg kale oo caan ah ay ka mid yihiin ayay soo diyaarsadeen si ay nooga taqlusiyaan.
Afhayeenka Odayaasha Dhaqanka iyo Midnimada Beelaha Hawiye Axmed Diiriye Cali oo saxaafada la hadlay ayaa shaaca ka qaaday in habeenimadii xalay uu ka bad baaday isku day dil la doonayay in lagu qaarajiyo, waxa uuna ku eedeeyey isku daygaasi dil in ay soo maleegeen xarakada Hubaysan ee Al-Shabaab.

Axmed Diiriye waxa uu xusay in Al-Shabaab ay soo qoratay Liis ay ku qoran yihiin ilaa 6-qofood oo Dalka Soomaaliya caan ka ah, isla markaana uu isaga Axmed Diiriye ah ka mid yahay, laakiin muddo badan uu qarinayay arrintaasi hase yeeshee uu habeenimadii xalay daaha ka rogay qorshahaasi.

Axmed diiriye waxa uu sheegay in Lixdaasi qofood ay ka mid yihiin 1. Maxamad Xasan Xaad, 2. Abwaan Abshir Nuur Faarax (Bacadle), 3. Abwaan Guure, 4. C/laahi Dheere, 5. Cumar Macalin Abshir iyo Nabdoon Axmed Diirye Cali.


Afhayeenka oo ay ka muuqatay caro xoogan markii uu xalay la hadlayay saxaafada ayaa sheegay in kooxo ku hubaysan bastoolado oo aan wajiyadooda aqoon raggan la magacaabay laakiin Internetyada kala baxeen Sawiradooda ayuu sheegay in laga keenay Gobolada Bay, Bakool, iyo Jubooyinka si ay u qaarajiyaan raggaasi.


Afhayeenka Odayaasha Dhaqanka iyo Midnimada Beelaha Hawiye Axmed Diiriye Cali waxa uu sheegay in qorshooyinkaasi guracan oo ay soo maleegeen Ururka Al-Shabaab waxba u dhimi doonin dadaalada Nabadeed oo ay wadaan.


"Al-Shabaab liis aan aniga iyo ragg kale oo caan ah ay ka mid yihiin ayay soo diyaarsadeen si ay nooga taqlusiyaan, xalayna isku day dil ay soo maleegeen ayaan ka bad baaday" ayuu yiri Nabadoon Axmed Diiriye Cali.