-
Ma
u bahan tahay in an xidhiidh la samayso Shabakada
Wararka Dooxada Hobyo?
Fadlan la xidhiidh Maamulaha , Mr. Cabdiasis Haji - Emailka: Halkan Guji- :
Emailka: aragtida@hotmail.com - Copyright © mudug.com - 2000- 2009
All rights reserved.![]()
Shabakadda
Wararka Dooxada Hobyo |
Hobyo Valley News
Network - |
Ciidamada loo sameeyay in
ay sugaan ammaanka Koofurta Gaalkacyo oo howlgalkoodii ugu horreeyay
bilaabay |
Axad, April 19, 2009, : Wararka naga soo gaaraya
Magaalada Gaalkacyo ee Gobolka Mudug ayaa waxay sheegayaan in ciidamo
dhawaan loo sameeyay magaaladaas gaar ahaan qeybta Koofure ay bilaabeen
howlgallo ay Ammaanka ku sugayaan.
Ciidamadaas oo ka kala socda Maamulka Gal-Mudug iyo Dariiqada Ahlu Sunna ee ku sugan Koofurta Gaalkacyo ayaa waxa ay habeennadii aynu ka soo gudubnay howlgallo amni sugid ah ka wadeen Magaalada oo ay horay uga dhici jireen falal amni darro ah. Laakin howlgalkii ugu dambeeyay oo ay Ciidamadan isku dhafka ah ku doonayeen in ay ku qaadaan Isbaaro ay dhigteen kooxo maleeshiyooyin ah ayaa waxaa ka dhashay khasaare dhimasho iyo dhaawac isugu jira oo soo gaaray Ciidamada Ammaanka Koofurta Gaalkacyo, waxaana iska hor-imaadkaas oo xalay dhacay ku dhintay horjoogihii Ciidamadaas labo askari oo la socdayna waa ay ku dhaawacmeen. Dadka ku dhaqan magaalada Gaalkacyo gaar ahaan Koofurta ayaa si weyn u soo dhaweeyay howlgalka amni sugidda ah ee ay Ciidamadaas sameeyeen, waxayna sameeyeen isu soo baxyo ay ku taageerayaan Ciidamadaas. Ciidamadan isku dhafka ah ayaa Koofurta Gaalkacyo loo
sameeyay kadib markii ay Magaalada ku soo bateen falal amni darro
ah oo qaarkood lagu dilay Dad isugu jiray, Culumaa’udiin, Nabaddoono
iyo Ganacsato. |