-
Ma
u bahan tahay in an xidhiidh la samayso Shabakada
Wararka Dooxada Hobyo?
Fadlan la xidhiidh Maamulaha , Mr. Cabdiasis Haji - Emailka: Halkan Guji- :
Emailka: aragtida@hotmail.com - Copyright © mudug.com - 2000- 2009
All rights reserved.![]()
Shabakadda
Wararka Dooxada Hobyo |
Hobyo Valley News
Network - |
Shakiga
dhaawaca Xasan Dahir iyo aragtida dadka Muqdisho. |
Sunday, 07 June 2009 Inkastoo warar soo baxayay ay sheegayeen inuu dhaawac yahay Hogaamiyaha Xisbul Islaam Sheekh Xasan Dahir Aweys ayaa hadana shakiga ugu badan ah in warkaas uu jiro, marka la eego aragtida guud ee dadka Muqdisho. Markii ay si is khilaafsan ugu hadleen dhinacyadii ku dagaalamayay Deegaanka Wabxo ee Gobolka G/gaduud dhaawaca Xasan Dahir, ayaa hadana raadka warkaas ku aadan uu yahay mid xaqiiqda u badinaya oo dadka qaarkiis ay sheegayaan in aanu wali hadal Sheekh Xasan Dahir. Afhayeeno u kala hadlay Ururka Xisbul Islaam oo lagu kala magacaabo Xasan Mahdi oo ku sugan Muqdisho iyo Muuse Caraale oo ku sugan Wabxo ayaa labaduba waxay si wada jir u beeniyeen warkaas ku aadan dhaawaca Wadaadka mayalka adag Xasan Dahir Aweys. Laakiin aragtida iyo dareenka dadka Muqdisho ayaa ah mid aan si dhab ah loo wajihi karin, waxaana ay yihiin kuwo si kala duwan isla dhex maraya warkaas oo xoogiisa ay shalay soo baxeen. Ururka Ahlu Sunah Waljamaacah Afhayeen shalay u hadlay oo lagu magacaabo Shariif Cali Axmed waxaa uu ku adkeystay inay dhaawaceen Xasan Dahir oo uu sheegay inuu hogaaminayay Xoogagii dagaalka ku soo qaaday. Sidoo kale waxaa uu cadeeyay in dhaawaciisa uu yaalo Degmada Ceelbuur, Isbitaal ay leedahay Bisha Cas lagu daaweynayo. Marka laga soo tago hadalada iyo sheegashada labadan urur diimeedyo ayaanu jirin mid ka madax banaan oo si rasmi ah u xaqiijin kara dhaawaca Sheekh Aweys, balse warka kale ee duul duulaya ayaa waxaa uu yahay in wali aan war iyo wacalba laga heyn Sheekh Xasan Dahir laftiisa. Wararka oo iska soo daba dhacayay ayaa kuwooda ugu xooga badan sheegayaan in Sheekh Xasan Dahir uu maalmo ka hor ka tagay Magaalada Muqdisho isaga iyo ciidamo fara badan, laakiin war kale ayaa iyana tibaaxaya in Sheekh Xasan aanu Muqdisho meelna uga bixin. Sheekh Xasan Dahir waa mid ka mid ah Hogaamiyeyaasha Islaamiyiinta, waxaa uu ahaa Colneyl waxaana uu ka tirsanaa ciidamadii hore ee Milateriga, waa nin ad adag oo da'diisu lagu sheegay dhowr iyo lixdan jir, balse muuqaalkiisa markii dhan laga eego uma muuqda, waxaa lagu eedeeyaa inuu xiriir dhow iyo mid soke la leeyahay Ururka Alqaacida, waxaana uu horay Mareykanka ugu daray Liiska waxa uu ugu yeeray Argagixisada Caalamiga. by/allbanadir |