-

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Ma u bahan tahay in an xidhiidh la samayso Shabakada Wararka Dooxada Hobyo? Fadlan la xidhiidh Maamulaha , Mr. Cabdiasis Haji - Emailka: Halkan Guji- : Emailka: aragtida@hotmail.com - Copyright © mudug.com - 2000- 2009 All rights reserved.

Somalia: Parliament Ratifies Islamic Law As National Legislation.
mudug.com
www.mudug.com
Xarunta Warbaahinta Mudug

 

Bismillaahi Raxmaani Raxi


Dawlad-Goboleedka Galmudug - Galmudug State
Xafiiska Madaxweyneha - Office of the President

----------------------------------------------------------------------------------------------------
Jun 1, 2009
MGS/XM/25/05/09/00026

Ku: Mudane Sheekh Axmed Shekh yuusuf, Guddomiyaha Maxkamada Sare

Ujeeddo: Caddaynta iyo Hirgelinta Qodobada 38aad, 41aad, 12aad, 40aad, 45aad, 49aad, 38aad ee Axdiga
Mudane Guddoomiye,

Ilaa hadda waxaan la aamusnaa in aanan marnaba dhex galin qaybna ka noqon buuq iyo qas beesha dexdeeda, wax kasta la ii geysto ama la iga sheego, laakiinse hadda arrinta socota oo khatarta ahi waa isoo kartay wana waajib i saaran in aan ka dhiidiyo kana hadlo. Waxaan ka cabsaday burbur.

Waxaan aaminsanaa in beeshu khilafaadka dexdeeda xalin karto laakin waxaa muuqata in aysan tan hadda socota xallin karin waayo koox ma naxdo ah ayaa inta burburiyey Axdigii iyo nidaamkii noo dhignaa, haddana been ka sheegeysa Axdiga, dacaayad aan sal lahayn faafinaysa, marin habaabin la dhexgashay beesha oo jaha wareer ku riday cid kasta.
Haddi dariiqii suluxo soo xirmay, waxaa noo furan kii Axdiga oo aan rajeynayo in cid kastaaba ku qanacdo, una hogaansato.

Kooxda boobka iyo qaska wadaa waxay samain alla og.
Waxaan hoos ku soo bandhigaya qodobada muhimka ah oo sheegaya waxa cad oo aan qofna muran ka keeni karin, meel loo dhaafaana jirin.

1. Qodobka 37aad

Sida qodobkaan ku cad saddexda awoodaha Dowladnimada Galmudug oo kala ah Golaha Wakiilada, Golaha Dawladda iyo Golaha Garsoorka waa “kala soocan yihiin waana kala madaxbannan yihiin,faqrada 2aad”. Macnuhu waa in haddi midkood uu xerada mid kale galo oo awoodii hay’addiisa uu mid kalana tiisii ku darsado uu Axdigii jabiyey, dambi aad u weyn ayuu u galay.

Bal qiyaas waxa la dhaxli karo haddi Madaxweynuhu uu isagoo ku andacooda in uu Guddoomiyihii Maxkamada Sare maqanyahay yiraahdo anaa xilkiisi la wareegey oo xukunka ridahaye ee iga wareega, ama uu madaxweynuhu Golaha wakiilada tago oo yiraahdo anaa shirkiinna guddominaya ee kala dareera bil fasax ah ayaan idin siiyee. Arrintaasi waxay noqon lahayd mid culus oo keenta qas, dagaal iyo ha lagu kala tago Galmudug.

Guddoomiyaha Golaha Wakiilada oo isaguba ku yimid si jajuub ah oo Dastuurka iyo nidaamka ka baxsan ayaa afgambi sameeyey oo isku darsaday awoodii sharci dajinta iyo tii fulintaba. Taasi waa inqilaab diktatooriya horseedaya. Waa xaaraan maqdhac ah in Guddomiyaha Barlamaanku sheegto Madaxweyne ama xilkiisa kala wareego sida hadda dhacday.
Taariikhda Gamudug marayso 2009 waxaa raad reeb u ah tusaalahaan:-

Warqadii uu qoray 03/05/2009 oo uu ku magacabay guddi doorasho, isagoo isku sheegaya madaxweyne wuxuu ku bilaabay:

“Madaxweynaha GalMudug markuu arkay qodobka 12aad ee axdiga Gal-Mudug ee qeexaya waajibaadka Guddiga doorashada madaxweynaha iyo madaxweyne ku xigeenka iyo xubnaha Golaha Wakiilada iyo waqtiga guddigaasi ay shaqadoodu soconayso, markuu arkay qodobada 38aad iyo 48aad iyo faqradahooda kala qeexaya qaabka loo dooranayoMadaxweynaha, madaxweyne, madaxweyne ku xigeenka iyo xubnaha golaha wakiilada iyo sharuudaha laga rabo xubnaha loo dooranayo xililkaasi GalMudug, markuu arkay qodobada dastuurka eek ala qeexaya in madaxweynaha iyo madaxweyne ku xigeenka Gamudug la doonayo 16/06/2009 iyo xubnaha golaha wakiilada114/08/2009 kuna aadan shirwaynaha 2aad (waa midka uu ka hor dhacayo, anaa iri) ee ergooyinka bulshada wakiilka ah markuu arkay baahida loo qabo magacaabidda gudigaasi kana an sixiyey golaha baarlamaanka waxaa uu magacaabay maantay oo ay tariikhdu tahay 03/05/2009 xubnaha Guddiga qaban qaabada doorashooyinkaasi iyo qabashada iyo qabashada shirweyahaasba (magacyada guddiga waan iska daayey)…..waa in ay shaqooyinkooda deg deg u bilaabaan sida qabashada araajiyada dadka isku soo sharaxaya xilalka madaxweynaha iyo madaxweyne ku xigeenka oo qabashadeedu ku ek tahay 11/06/2009iyo diwaan galinta qoraallada kale ee arrimaha khuseeya iyadoo aan guddiga la socsiinyo in Axmad Shariif Cali Hiloowle uu yahay musharaxa kali ah oo ilaa hadda soo waystay in uu ka mid noqanyo musharaxiinta u tartamaysa xilka madaxweynenimada GalMudug kaas oo qoraaladiisana u soo gudbin doono guddiga”.

Indha adakaa! Intuu boobay awoodii Madaxweynaha, ayuu baarlamaankisiina ka saxiixday oo uu rabaa in shacbiga Galmudug ku qanco. Bal goormaa madaweyne loo doortay?

Arrimo kale oo muhiim ah oo is weydiin u baahan:-

1. Horta Guddomiyuha iyo kooxda uu aruursaday ma u dhartay Galmudug, qaadigeese dhaariyey, goorma, iyo halkee? Qodobka 38aad, faqradiisa 7aad waxay dalbaysa sidan: “Mudanayaasha inta aysan qaban xilkooda waxay marayaan dhaarta ku xusan qodobka 74aad ee Axdiga” Cid sheegtay ma haynno in ay dharteen.

2. Haddan arrimaha sharciga meel iska dhigno Mudane Maxamed Salaad ma dan gaar ah ayuu u shaqaynaya mase mid caam ah?

3. Miyaan la moodin in Guddoomiye aan sharciba ku dhisnayni uu u soo tafa xaytey qaska iyo burburinta Galmudug?

4. Miyuusan u ekayn nin barnaamij aan caafimmad qabin ku yimid oo ku wajahan mamulka iyo Madaxweynaha Galmudug?

5. Waxa laga sheegay inuu riri Madaxweynahaan la dirisanahay. Hadday taasi dhab tahay muu ku ekaado burburinta madaxweynaha oo kalia, muxuu Galmudugna u burburinaya oo ay galbsatay?

Anigu cimrigey iyo allahay ma arkin Mohamed Salaad bishii Sebtember 2008 ka hor. Intaan Galkacyo wada joogneyna waxan is aragnay 5 ama 6 goor oo kaliya. Wax uu dhibsan karo waxa ka jira, sidaan fili karo, su-aal aan warsady oo intii uusan iiga jawaabin rag kale noo yimaadeen, siduu uga jawwabilaha aanan ogeyn.

Waxaa dhacay in uu usbuuc ka hor maalintaas ka hadlay Radio Codka Mudug oo yiri isago ka hadlaya doorashadii Madaxweynaha Puntland: Puntland waxan ka codsanaynaa in ay nin fiican noo doortaan, mamulka Galmudugna waxa ka dalbayna in ay ninkaas la shaqeeyaan. Wuxxu u la jeedey hadalkaas ayaan warsaday, intaanan jawaabtii helina waa nala soo dhyexgalay. Wax kale oo aan malayn karo ma jiraan.

Mudane Maxamed Salaad Ducale ha qasto Golihiisa laakin waxaa qof kasta oo wax garanaya uusan marnaba indha ka qarsan karin sida bareerka ah uu Axdigii iyo nadaamki dowladnimo ugu tuntay. Madaxweyne ayuu sheegtay, dad ayuu magacaabay, siyaasado fulintu leedahay ayuu jeexayaa, doorasho aan Axdigu u oggolayn ayuu ku dhawaaqaya.

Waxa kalo cajiib ah in, ka dib markii uu Cabdisamad magacabay xilal (2 Wasiir ku-xigeen, Afhayeen iyo 3 agaasime guud), oo uu igla tashaday anna aan oggoladay, isla golihii 23kii Sebtember 2008 warqad cinwaankeedu yahay “Cadeyn Sharci” u soo qoray Cabdisamad oo yiri: “xilalkaas oo kale waxa kaliya oo magacaabi kara Madaxweynaha Qaranka iyo Madaxweyne ku-xigeenka. Ku sime aan ahayn Madax weyna ku xigeenka ma maga caabi karo xilal kaas kor ku xusan”. Labada mawqif is burinayaan, laakiinse xaggoda wa: la jjifiyaana bannaan.

Waa golahhas midka guddoomiyohoodu isagoon ahayn Madaxweyne, Madaxweyne ku-xigeen , ama xataa ku-sime u magacabaya dad ay ka mid yihiin kuwo ku caan baxay is hortaaga jiritaanka Galmudug, siyaasad fulintu leedahay dhex tibaaxaya, ninna aan u aabo yeyleyn.

Miyuusan Moxamed Salaad weli fahmin in Awoodaha Dowladnimadu kala soocan yihiin, kalana madax bannaan yihiin? (37aad,faqradiisa 2aad).

Horay bililiqaysi professor, cornayl, ingineer, iyo dhakhtar waa u aragnay laakiinse bililiqaysi madaxweynenimo hadda noogu horraysa!

76-da qodob oo Axdigu ka kooban yahay meelna ugama jirto in uu marnaba, iyo sinnaba Guddomiyaha Golaha Wakiiladu madaxweyne noqdo xataa ku-sime. Waa xaaran maqdac ah in ay saddexda awoodood (Golaha Wakiilada, Golaha Dawlada iyo Golaha Garsorka) laba ka mid ihi haln gacan wada galan, oo 3 Guddoomiye midkood isku darsado
Dadka qaarkood waxay malaha madax ku hayan markii Abdisamad iyo Muxyadiin aan uga tagey in ay hawlaha maamulka sii horjoogaan inta aan Ameerica ku maqnahay.

Marka ugu horreysa waxaa muhim ah fahamka in Madaxweynuhu oo isla markaana ah Guddoomiyaha Golaha Wasiirada uu leeyahay awoodda fulinta, cidii uu u arkana inay xil qaadi kartana uu u wakiilan karo awoodihiisa qaarkood. Dadka arrimaha fulinta dhammantod waa dad matalaya Madaxweynaha.

Waxaa kalo mudan in la xusuusto in markaan tagayey dawladda oo dhan 2 Wasiir oo kaliya ay ka joogtey, Golaha Wakiiladana 4-xubnood oo kaliya. Waxa xaqiiqa ah in dibad iyo gudaba dadka badidiisu, ku dar xataa kuwii xil ku magacawna, aysan aaminsaneyn in Galmudug hirgaleyso.

Teeda kale Mudane Abdisamad ma uusan ahayn Guddoomiyaha Golaha Wakiilada isla markaasna kama uusan duwaneyn xildhibbanadii kale oo aan ku magacabay Wasiiro.

Intii aan maqna Cabdisamad iyo Muxyadiin marnaba ma qaadin tillaabo aysan ila socodsiin, xilkii aan ku aamineyna si sharaf leh ayey uga soo bexeen, waana ku mahadsan yihiin.

2. Qodobka 41

Waxaa iyaduna yaab leh sharciga iyo qaabka loogu doortay Mohamed Salad Ducaale guddoomiye.
Qodoba 41-aad, Faqrada 1-aad, waxa ku cad sidaan:

“Golaha Wakiilada waxa kalfadhi caadi ah isugu yeeraya Guddoomiyaha, afar jeer sannadkii, horranta bilaha Abril, Julay, Oktoobar iyo Disember”.

Faqrada 2-aad waxay leedahay: “Guddoomiyuhu Wuxuu kalfadhi aan caadi ahayn isugu yeerayaa Golaha Wakiilada, ka dib markii uu codsi qoraal ah ka helo Mamulka ama ugu yaraan labaatan mudane.”

Farqada 3-aadna waxay leedahay: “Kalfadhi kasta oo Goluhu yeelanayo, Waxa uu ku furmaya 2/3 tirada guud ee Golaha.” Taasoo u dhiganta 18 ama17 xubnood ee 26kii (Reer ayaan weli soo magacaabin xubintoodii).

1. Haddaba shirkii 3-dii Majo ee lagu doortay Moxamed Salaad Ducaale muxuu ku salaysna? Wax Axidiga baxsan.
2. Sida cad kalfadhi caadi ah ma ahayn, hadduse ahaa mid qayru caadi ah Guddoomiye ku-xigeennada midkood miyaa isugu yeeray? Waa maya.
3. Ma Mamulkaa codsi qoraal ah ku weydiistey? Waa maya
4. Ma labaatan mudane ayaa warsaday? Waa maya.
5. Ma joogtey 2/3 tirada guud ee Goluhu? Waa maya.

Guddoomiye ku-xigeenka labaad Cabdisamad Nuur Guleed ayaa u tagey raggi shirayey oo sheegay in aan shirku ansax ahayn, markay diideenna wuu isaga tagey.

Shirkoodii ayey iska wateen, Guddoomiyena ku doorteen.


6. Maxay guddoomiye ku-xigeenki labaad looga gudbey oo xubin caadi u guddoominaysa shirka? Waayo xalaalnimada shirka ayuu duray.

7. Kalfadhiga Golaha Wakiilada xubin caadi ah oo aan xil ku magacawnayni miyaa isugu yeeri karta ? Waa maya.
8. Yaay ahayeen ragga wax doortay ? Rag sheeganaya in ay xildhibaanadii maqna badeleen, aanan soo marina dariiq saxa ahaa.

9. Guddoomiyaha sidaas lagu soo doortay muxuu noqan kara ? Mid aan waxbha u aabayeleyn, sida dhacdayna awood kasta boobahaya.

3. Qodobka 40-aad

Qodobka 40-aad ee Axdigu sidaan ayuu u qoranyahay:

”Xubinimada Golaha Wakiilada waxaa lagu waayi kara in xubintu geeriyooto, istiqaalo ka keento xilka mudanenimada, goluhuna ka aqbalo iyo haddii maxkamadi ku xukunto, kuna soo saarto xukun kama dambays ah, fal-dembiyeed uu geestay awgiis.

1. Haddii xubin ka mid ah Golaha Wakiilada lumiso wakiilnimadeeda, waxaa baddelkeeda soo galaya qofka qaabka doorashadii hore qaannuun u yeesha 30 maalmood gudahooda.”

Kalmadaha fiirada gaarka ah u baahani waa: istiqaalo Goluhu aqbalay iyo qaannuun u yeesha.
Ma jiraan wax istiqaalo Goluhu aqbaly ka haya xildhibaanada maqan? Mase jiraan wax hubiyey in kuwa leh waxbaan baddelney ay qaannuun u yeesheen? Waa maya, oo qaar golaha cusub lagu daray ayaa lagu haysto, kuwaasoo Maxkamada Sare oo kaliyihi kala saari karto.

4. Qodobka 45aad: Kaladirdda Golaha wakiilada

Qodobka 41-aad, faqradiisa 1-aad waxay qoreysa: “Golaha waxaa kalfadhi caadi ah isugu yeeraya Goddoomiyaha, afar jeer sannadkii, horranta bilaha abril, julay, oktoobar iyo disember”. Qodobka 45-aadna sidan ayuu qorayaa:-
Golaha Wakiilada waxa la kala diri kara markii arrimaha ku xusan qodobkaan faqradiisa 2, 3, iyo 4, ay dhacaan ama qaarkood dhacaan.

1. Markii ay iscasilaan aqlabiyadda Golaha Wakiilada;

2. Markii Goluhu farrisan waayo labo kalfadhi oo isku xiga, aysan jirinna duruuf kalliftay;

3. Markay ay sugnato in Goluhu si bareer ah ugu xadgubay Axdiga;

4. Markii ay dhacaan arrimaha ku xusan qodobkaan faqradiisa, 2, 3, iyo 4, Madaxweynaha Dawladda waxa uu Maxkamada Sare u gudbinayaa qoraal uu ku dalbanayo caddaynta qodobkan faqradiisa 2, 3, iyo 4;

5. Haddii ay u cadaato Maxkamada Sare falalka ku xusan qodobkan faqradiisa, 2, 3, iyo 4, waxa ay Madaxweynaha Dawladda u gudbinaysaa in ay sugnaatay wax ka-jiridda eedayntii lagu oogay;

6. Caddaynta Maxkamada markii uu helo Madaxweynaha Dawladda ayuu soo saarayaa qoraalka kaladirista Golaha. Isaga oo isla qoraalkaas ku caddaynaya xilliga doorashada Golaha cusub muddo 60 beri gudahood ah. Inta Gole cusub laga soo doranayo Golahii hore ayaa xilka sii haynaya, isagoo ku shqaynaya qorshihii hore mase abuuri karo qorshe cusub.

Dhammaan arrimaha ku xusan qodobkan faqradiisa 2, 3, iyo 4 waa dhaceen. Xildhibaanadii la so doortay 4 mooye intii kale in kasta oo aysan istqaalo rasmi ah keenin waa iska kala tageen. Waxaa cad in aysan dan ka lahayn ama aysan aaminsanayn Galmudud (faqrada 1aad).

Haddii la iska dhafo fadhigii 3 Majo oo aan la garan karin habka iyo cidda isugu yeertay iyo inta xildhibaano joogtay, Goluhu waxa uusan fariisan Oktoobar iyo Diseember ee 2006dii, dhammaan 4tii kalfadhi ee 2007, iyo kii Abril 2008.

Waa 7 kafadhi oo isku xiga, oo aan innaba duruuf kalliftay jirin (faqradda 2aad); Si xal kama dambays ah looga gaaro arrinta, waxaan ka codsaday Maxkamada Sare in caddayso faqrada labaad ee qodobkan kaliya.

5. Taariikhda iyo xaalada Golaha Wakilada uu ku sugnaa min maalintii la doortay (14 Agoost 2006) ilaa hadda.

Laga bilaabo oktoobar 2006 ilaa abril 2008dii Goluhu xaqa ahaa marna ma farrisan maxaa jira 4- xubnood (Guddoomiye ku-xigeen Cabdisamad Nuur Guleed oo hadda tagey, Axmed Diiriye Cabdi, Caanood Xaashi Afdhuub, iyo Khaliif Shiikh Xuseen) keliya ayaa ka joogay Gaalkacyo. 4- kale ( Khaliif Cabdi Dhalac, Cabdullaahi Cali Wardheere, Maxamed Caloolgeel iyo Shiikh Cali-gaab Yuusuf oo hadda moorada soo galay) ayaa Gaalkacyo ku sugnaa laakiinse nooma imaan jirin wax dan ahna kama lahayn hawlaha Galmudug.

Intii kale waa iska tageen.Waxa goor dambe soo laabtay 4-taan Xildhibaan (Axmed Maxamed Xaashi, Cabdullahi Maxamed Siyaad, Cabdi Macalin Axmed-nuur iyo Maxamuud Siyaad Khayre).

Maantay oo ah 1dii Jun waxaa Gaalkacyo ku sugan 8 ama 9 xubnood. Inta kale waa dad si sharci darro loogu soo daray GolahaWakiilada.

6. Qodobka 43-aad, faqradiisa 19-aad

Xildhibaanadu intay iska iloobeen 75kii kale ee Axidiga ayey ku dhageen faqrada 19-aad ee qodobka 43-aad oo kaliya, shacbigiina ku jaha wareersheen.

Waxay qoreysa: ”Madaxweynaha Dawladda ahna Guddomiyaha Golaha Wasiirada waxaa Golaha Wakiiladu dooranaya 2 bilood ka hor xiliga maamulkaa ku egyahay”. Golaha faqradani ka hadlayso ma yahay kan doonaya in uu hadda wax doorto? Maya, haddana maya.

Haddaba faqrada 19-aad kaligeed iyada oo qaawan meel ma taagnee aan eegno waxay xiriir la leedahay Axdiga intiisa kale, siiba qodobada khuseeya xildhibaanada iyo Madaxweynaha ay leeyihiin waan dooranayna.

1. Kalmadda doorasho, 76-da qodob oo Axdigu ka kooban yahay, labo kaliya ayay ka soo gashaa:

Qodobka 12-aad (Faqrada 1aad) oo sida u dhawaaqaysa “waxaa jiraya guddi doorasho ee uu magacaabo Madaxweynaha Dawlad-Goboleedku, Golaha Wakiiladuna ansixiyo”, iyo kan 49-aad ( Awoodaha iyo Xilalka Madaxweynaha), oo faqradiisa 10aad sidaan u qoran tahay “Ku-dhawaaqida waqtiyada doorashada”
Sida cad labaduba waxay awoodda magacaabida guddiga doorashada iyo ku dhawaaqidda waqtiga doorashada siinayaan Madaxweynaha oo kaliya. Marnaba Golaha Wakillada ama Guddoomiyahooda ma siinayaan awoodaas, wuxuu Mudane Maxamed Salaad ku kacayna waa xad gudub bareer ah ee Axdiga noo yaal iyo xis kasta oo fiyoowba.

2. Golaha doonaya inuu shiro 16 Juun oo ku ordaya inuu doorto madaxweyne la soo gamey, sharci kuma dhisna, wax alla wuxuu sameeyana xalaal ma-aha, sida ku cad qodobada ujeedada ku xusan

3. Haddi Madaxweynihii ku dhawaqay 1-da Luulyo 2009 shirweyne la doonayo in lagu xisaabtamo, lagu qaymeeyo hawlihii saddexdii sano, la saxo wixii khaldamay, la qoondeeyo qorsheyaasha sannadaha soo socda, lana doorto Madaxweynihii, ku-xigeenkisa iyo xubnaha Golaha Wakiilada, maxaay tahay baahida deg-degga ah oo 14 maalmood ka hor koox yar, oo iyaguba dhacaya laba billod gudohooda, ay doortaan Madaxweyne cusub? Xis fiyow ama damiir nadiifihi marna ma keneen fikrad shacbiga looga la cararayo fursadii ay ku xisaabtami lahaayeen, danohooda uga hadli lahaayeen, Axgiga dib u eegilahayeen ,madaxdoodana ugu dooran lahaayeen shirweyne loo dhanyahay.

4. Madaxweynaha qaabkaas ku yimid ma helaya kalsoonida shacabka? Haddise uusan daneyneyn, ma shaqayn karaya? Shaki ayaa ku jira.

5. Si aan wax walba u fahamno waxaa nagu filan in aan eegno qodobada kala ah: 40-aad, 41-aad, 43-aad, 45-aad, iyo taariikhda kor ku xusan ee golihii lagu soo doortay Shirweynihii 14 Agoosto 2006, Maxaa Golaha Maxamed Salaad Ducaale xilka sharci dejinta uga cararaya oo marwalba howlihii fulinta faraha ugula jiraa?

Tusaale (1): si wuxuun uga dhaqaaqaan xagga shuruucda ayaan 18 Diseember 2008 Golaha Wakiilada ee jacburka ah u gudbiyey 5 Hindiso Sharci oo ay ku jirto dekreetadii aan ku dhisay Hay’adda Dakhliga Gudaha oo sumadeedu tahay MGS/XM/09/06 oo aan 27Diseember 2006 ugu gudbiyey Golaha oo aan ka hor iyo ka kidib marnaba fariisan.

Jawaabtii aan ka helay 22 Diseember 2008 nuxurkeedii waa kan:

”Warqadda ah lambar MGS/XM/09/06. taariikhdeeduna tahay 27/12/2006dii waxaan u aragnaa dekreetooyinkaasi kuwo waqtigoodi dhacay aysana naga mudnayn in waqtigaan aan ka jawaabno”.

Anigu jawaab ma warsan ee waxaan warsaday in Golulhu ka hadlo hindisoyaasha shruucda aan soo hor dhigay. Waa run dekreetadu waqtigeedii waa dhacay maxaa jira Golihii wakiiladu waa kala tagey, meel laga raadshana lama aqoon.

Guddoomiuhu ma fahmin in dekreeto kasta u baahantahay in sharci loo badalo. Waxan hubaa in raga Golaha fadhia aan midkoonada abidkiis arkin hindiso sharci, taaso cabsi keeni karta. Jawaab hufan ma aha in la yiraado waqtigaan jawaab nagama mudna. Hadday rabaan caddayn ayay warsan kari la haayeen.

Anoo yaaban oo ka fakaraya jawaabtaas qallafsan iyo howlaha fulineed oo shanta la galay ayuu Guddoomiyhu 5tii Jannayo isagoo laba xildhibaan ay la socdaan xafiiska iigu yimid oo yiri:” waan baxaya oo dayaarad ayaa ii tagane ee shuruucdii ho oo adigu soo saar”

Madaama Goluhu awood u leeyahay in uu siiyo Xukuumada in ay sharci ka soo saarto arrin mucayin ah (Qodobka 43aad, faqrada 12aad) waan aqbalay sidaasaana shurucdii ku soo saaray.

Tusaale (2): 10kii Febrayo 2009, intaanan Nairobi aadin aniga, xubnihii ka joogey Golaha wakiilada iyo xubnihii Xukuumada cusub ayaa Hotel Geedi ka qadeyney halkaaso sida Qodobka 43aad (Faqradiisa 6aad) qabo aan warqadii codsiga kalsoni siinta wasiirada ugu gudbiyey Golaha.

Isla qadadaas ayaa xubnaha Goluhu igu warsadeen in aan ku-sime Madaxweyne siiyo taasoo aan diiday una sheegay in aysan Axidiga noo yaal meelna uga jirin.

Waxan kaloo u sheegay in aan Wasiirka amniga, Cumar Suuri aan warsaday in uu Golaha Wasiirada fariisiyo inta aan maqnahay. Weli Goluhu kama hadlin arrintii kalsoonida ee hawlo Madaxweynuhu iska leeyahay ayuu ku mashqulsan yahay.

Wa billahi tawfiiq


Dr. Mohamed Warsame-Kimiko
Madaxweynaha Galmudug State