-

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Ma u bahan tahay in an xidhiidh la samayso Shabakada Wararka Dooxada Hobyo? Fadlan la xidhiidh Maamulaha , Mr. Cabdiasis Haji - Emailka: Halkan Guji- : Emailka: aragtida@hotmail.com - Copyright © mudug.com - 2000- 2009 All rights reserved.

Somalia: Parliament Ratifies Islamic Law As National Legislation.
mudug.com
Shabakadda Wararka Dooxada Hobyo
Hobyo Valley News Network -
www.mudug.com
Idaacadda Dooxada Hobyo - Commimg soon

Xisbiga Midnimada Mudug

Baaq Nabadeed Dagaalka ka socda Moqdisho

 

Aniga oo ku hadlaya afka shacabweynaha Galmudug iyo Somalida inta nabada jecel , waxaan baaq nabadeed u soo jeedinayaa shacabkaa walaalaha ah , ee islaamka ah, ee soomaalida ah , ee dhiigoodu sida micna darada ah ku daadanayo in ay si shuruud la'aan ah u joojiyaan dagaalka.

Walaalayaal dagaal wiil baa ku dhintee wiil kuma dhasho , waxaan ilaahay ka rajaynayaa , kana baryayaa in dagaalkaas uu qaboobo , hadaanu nahay shacabka reer Galmudug, aad baanu uga xunahay dagaalkaas micna darada ah, Ilaahay u noqda , is cafiya , ka shaqeeya wanaag iyo nabad , wada dhalashadiinana ha ilaawina.

Moqdisho, waa xuduntii wadanka , in maanta meel Somaliya ka mida lagu dagaalamo waa khalad ,barakac iyo qax caruurtiina ha u horseedina , maanta waxaa lagu tartamayaa waa wanaaga , wakhtigii xumaanta iyo dagaalku xiisaha lahaa waa dhamaaday 19 sano noogu filan Cashar dhibaata ah .

Islaanimadu waa qaali , Diinteenaa na faraysa in qofkii qof dilaa la dilo , laakiin qof aan waxba galabsan iyo mushtamac dhan in ay shakhsi wuxuu gaystay isu baa'bi iyaan waa khalad. Caqligu ha shaqeeyo caadifada dagaalkuna ha dhamaato.

waxaan ka codsanayaa inta ay khusayso oo wax ka qaban karta kala dhex galida dadka walaalaha ah in aysan wakhti intaa ka badan la sugine ay goobta dhibaatadu kajirto tagaan kalana dhex galaan, Qaboojiyaana dagaalka.

Wabilaahi Tawfiiq

Gudoomiyaha Xisbiga Midnimada Mudug
Dr. Awes Ghelle