Farmaajo oo caddeeyay mowqifkiisa ku aadan heshiiskii Golaha Wadatashiga

Muqdisho (Caasimada Online) –  Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Farmaajo) oo war qoraal ah soo saaary ayaa ka falceliyay qodobadii kasoo baxay shirkii xubnaha Golaha Wadatashiga ee lagu soo xiray magaalada Muqdisho.

Farmaajo oo caddeeyay mowqifkiisa ayaa taageeray heshiiskan oo dhigaya in doorasho qof iyo cod ah ay ka dhacdo dalka, sidoo kalena uu yeeshay madaxweyne iyo ku xigeen.

Qoraalkiisa ayaa Farmaaho waxa uu ku sheegay inuu soo dhaweeynayo dhammaan go’aanadii kasoo baxay shirka, gaar ahaan arrimaha quseeya doorashooyinka.

“Waxaan soo dhoweynaynaa mabaadiida guud ee lifaaqa heshiiska hoggaamiyeyaasha Golaha Wadatashiga Qaranka ay gaareen 27/5/2023, gaar ahaan arrimaha khuseeya doorashooyinka heer degmo, dowlad goboleed iyo heer federaal oo ay shacabku si toos ah u dooranayaan wakiilladooda” ayuu qoraalkiisa ku yiri madaxweyne hore Farmaajo.

Sidoo kale waxa uu intaasi kusii daray in dadka Soomaaliyeed ay muddo dheer sugayeen in codkooda kusoo doortaan madaxda ay rabaan, taas oo ah fursad kale oo muhiim ah.

“Muddo dheer ayaa shacabka Soomaaliyeed ay sugayeen in ay mar kale arkaan madax iyo wakiillo ay codkooda ku doorteen, oo ku salaysan nidaamka xisbiyada badan” ayuu yiri

Dhanka kale madaxweyne hore Farmaajo ayaa xusay in qodobada soo baxay ay taabanayaan dastuurka, sidaas darteedna loo baahan yahay in la sameeyo wadatashi qaran, maadaama go’aanadan ay saameynayaan nidaamkii hore ee dalka ka jiray.

“Sida ku cad qodobada lifaaqa Heshiiska Golaha Wadatashiga Qaran waxaa uu xambaarsan yahay qodobbo masiiri ah oo si toos ah u taabanaya qodobbo dastuuri ah, waxna ka beddelaya haykalka ama qaab-dhismeedka dowladda Soomaaliyeed, sidaas darteed waxaa lagama maar-maan ah nidaam kasta oo loo guurayo in uu noqdo mid looga heshiiyo wadatashi heer qaran ah (WADAR-OGGOL)” ayuu fariinta kusoo gabagabeeyay Farmajo.

Farmaajo ayaa noqday siyaasigii ugu horreeyay ee soo dhoweeya heshiiskii siyaasadeed ee ay gaaren Golaha Wadatashiga Qaranka oo dhowaan lagu soo gabagabeeyay Muqdisho.

Si kastaba, dad ka faallooda arrimaha siyaasadda ayaa rumeysan in Maxamed Farmaajo uu rabitaankiisa iyo fursad kale uu ka dhex arkay heshiiska, maadaama la sheego inuu yahay mid kamid ah madaxweynayaashii soo maray ee waddan ee haddan ugu shacbiyada badan.

Leave A Reply

Your email address will not be published.